Masar 2011-2021: Maxaa ka Qaldamay?

0
Masar 2011-2021: Maxaa ka Qaldamay?
Toban sano ayaa laga joogaa markii muddaharaaddada baaxadda leh ama culusi ka bilaabmeen Masar ee lagu magaacabay ;waqtigii la afganbiyay maamulkii talinayay waqtigaas’ oo ahayd sannadkii 2011kii. Muddaharaaddadani waxa ay ahaayeen kuwo ay sababeen isbeddelo qotodheer oo xidhiidhsani, waxaana yimid isbeddel ayna muddaharaadayaashu filanayn. Dhab ahaan, inkasta oo ay jirtay oo la rabay in la afganbiyo maamulka meesha ka jira oo la xoreeyo hab siyaasadeedka meesha, haddana maamulkii waqtigaas jiray wuxuu isku baddelay maamul Ciidan oo kelitaliye ah, oo qarankii isbeddel ku sababay, dhaqaalihiina baddelay oo ka dhigay mid uu Al Sisi ka macaasho. Nuxurka, awooddu waxa ay gacanta ugu jirtay Millatariga, waxaana si toos ah la iskugu maamulayay xeerarka Millatariga.
Awooddan la isku xukumayay waxa hoosta laga xarriiqay habka loo yaqaanno ‘ Casriyayna Qaranka’ oo goobaha dawladaha Rayidka ah waa la maamuli jiray oo dadka ayaa gacanta ku hayay sida dhinaca ammaanka, wadidda shaqada maalinlaha ah, iyo sharafta ama qiimaha xarumaha kaladuwan ee dawladda iyo hay’adaha madaxa bannaan. Habkan waxa weheliyay oo isna qorshaha ku jiray in la ballaadhiyo qaybta dhaqaalaha Millatariga, iyada oo lagu salaynayo hantida la haysto oo la sii marinayo lacagta guud ee la hayo ee ku habboon waxyaabaha gaarka loo helo. Hababkan waxa aad loola xidhiidhsiiyay dhaqaalaha Millatariga, iyada oo lagu sidkayo isbeddelka ku yimaadda geeddisocodka Qaranka.
U jeeddada koowaad ee siyaasaddani waa in la hubiyo in ayna jirin cid kale oo awoodda ku hirdimaysa, iyada oo lagu salaynayo awoodda dhaqaale ee xorta ah ee la haysto, oo soo muuqanaysa si loo dhibaateeyo Millatariga Qaranka gebigiisa haysta. Tan waxa weheliyay cadaadis xoog ah iyo qalalaase xuquuqda bini’aadanka ah oo aan kaliya lagu soo bandhigin muddaharaad ku aaddan siyaasadahan, balse ay ku jiraan oo taageerayeen taageerayaal maamulkan taageera iyo kuwo amniga ka shaqeeyaaba.
Habkan ah ‘Casriyaynta Qaranku’ wuxuu qaatay qaabab kaladuwan, waxaana saameeyay waaxda garsoorka, waaxda sharcidejinta, iyo shicibka. Waaxda garsoorku kaliya si toos ah umay qaabilsanayn inay qaranka cadaadiso iyada oo adeegsanaysa awood, balse waxa ay ahayd inay si xor ah dadwayna ugu adeegaan.
Tusaalaha ugu habboon ee aan soo qaadan karnaa waxa weeyi markii ugu danbaysay ee Dastuurka wax ka baddel lagu sameeyay ee la ansixiyay waxa ay ahayd sannadkii 2019kii, waqtigaas oo Madaxweynaha la siiyay awoodda uu ku soo dooranayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyo inuu samayn karo Guddida Garsoorka dalka oo uu Madaxweynuhu hoggaaminayo, kuwaasi oo Kormeeri doona Maxkamadaha, dadka ka shaqaynaya garsoorkana dallacsiin doona.
Intaas waxa dheer oo lagu sii dari karaa, in guddidaasi ay awood u leeyihiin inay wax ka baddel ku sameeyaan awoodda Golaha Qaranka; sidoo kale inay masuul ka yihiin xallinta khilaafaadka soo kala dhexgala shicibka iyo dawladda. Sidaas si la mid ah waxa ay ka masuul ahaayeen inay dib u eegaan heshiisyada la kala saxeexday ee u dhexeeyay Qaranka iyo xarumihiisa guud ee kaladuwan (public institutions ). Iyo inay si baaxad leh u yareeyaan awoodda ay dawladdu ku muquunin karto shicibkeeda, iyada oo u maraysa hab sharci ah (Mandour, Generalissimo Sisi, 2019).
Awoodda xakamaynta garsoorku waxa kale oo wehelinayay oo daciifinayay madaxbannaanida ay haystaan dadka Rayidka ah oo ay dayaceen hay’aduhu; kuwaasi oo u shaqayn jiray sida biriij difaac camal. Tusaale ahaan, Sannadkii 2014kii hay’adda Administrative Monitoring Authority (AMA) ayaa waxa ay fududaysay in madaxweynuhu wax ka jawaabi karo; halka sannadkii 2017kii garsoorku xaddiday awooddii shacabka, iyo in shacabku cidda go’aanku ka go’o arkaan iyaga oo Ciidanku ka madaxbannaanyahay wax dayac ku keeni kara xataa hab nadiif ah haba ku soo galee (Sayigh, 2019).
Maydhankii ama saaxad ka bixii ku dhacay madaxbannaanidii garsoorku waxa weheliyay oo isna sidaas si la mid ahi ku dhacday habkii waaxda sharcidejinta. Doorashadii Baarlamaanka waxaa hadheeyay arrimo badan oo amni ah, kuwaasi oo ay ku lammaanaayeen musuqmaasuq doorasho oo caddaa, musuqmaasuqaas oo ka soo muuqday doorashadii Baarlamaanka ee dhacday sannadkii 2020ka. (The New Arab 2020).
Sidoo kale, taas waxa ka horreeyay ololaha oo toos loo cadaadinayay Xisbiyada Siyaasadda, oo musharraxiinta tartamayay qaarkood ayaa la xidhxidhay, sababta loo xidhxidhayna waxa ay ahayd wanjalaad iyo been’abuur loo sameeyay. Sidoo kale, waxa la khalkhaliyay oo si joogto ah loo qalalaaseeyay ololihii ay samayn lahaayeen Ikhwaanul Muslimiin. Sidoo kale, Maamulku wuxuu doonistiisa ku doonay in aanu aasaasin Xisbul Xaakim si la mid ah sidii uu Madaxwayne Xusni Mubarak sameeyay waqtigiisi oo uu jiray Xisbiga Caddaaladda Qaranka (NDP); xisbigaas gudihiisa ayaa la ballaadhiyay oo Shicibka ayaa loo oggolaaday in ay ka qayb qaadan karaan xeerarka ama maamulka Millatariga. Balse, waxa lagu heshiiyay in la sii wado hagaajinta amniga, oo ammaanka nuxurka ama awoodda ugu wayn laga dhigto. Maamulku wuxuu sameeyay Xisbiga la yidhaahdo ‘Mostaqbal Watan party’ xisbigaasi oo korjoogtaynaya ama la xisaabtamaya baarlamaanka, xidhiidh wanaagsanna la leh qaybaha ama waaxyaha amniga, inkasta oo aanu u shaqaynayn sidii xisbi dawladeed.
Sidoo kale , Ciidamaynta ( Millatari ka dhigidda) waaxyaha ama goobaha Qaranka waxa lagu ballaadhiyay shicibka dhexdiisa oo dadkii ayaa la wada ciidameeyay, waxayna ahayd intii lagu jiray xanuunka safmarka ah ee Covid-19. Falcelinta Wasaaradda caafimaadku ay ka bixisay xanuunka Safmarka ah waxa ay ahayd oo ku tiirsanayd buunbuunin. Sidoo kale, wasaaraddu waxa ay cadaadis saartay shaqaalihii caafimaadka iyo wariyayaashii soo gudbinayay xogta dhabta ah, waxayna si dhaw ula shaqaynayeen waaxyaha amniga oo cadaadis ayay saarayeen. Nuxurka oo kooban xanuunkaas safmarka ah waxaa loola dhaqmay sidii arrin ammaan, halkii ay ahayd in loola dhaqmo xaalad caafimaad oo halis ah (Mandour, Repression and Coronavirus Response in Egypt, 2020).
Habka ‘Casriyaynta Qaranku’ kaliya Millatariga uma oggolaanayn inay awoodda isku koobaan oo gacantooda ku hayaan, balse sidoo kale waxa ay u oggolaanaysay in ay dhaqaalaha kobciyaan, taasi oo aan suurtagal noqon karayn ama dhacayn illaa gebi ahaan ba la maamulo oo gacanta lagu dhigo maamulidda iyo jaangoynta qaybaha waawayn ee Qaranka. Ballaadhintan waxa dabada ka riixayay oo hagayay dhaqaale dayn ahaa oo la soo amaahday oo lagu qabtay mashruucyada intooda badan ee la xidhiidhay kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructure), kuwaasi oo keenay faa’ido dhaqaale (Mandour, Sisi’s Vanity Projects, 2019).
Muddo 5 sano ah Lacagta lagu kharashgareeyay waxa ay ka badnayd 200 Bilyan oo Doollar sida uu sheegay Madaxweyne Al- Sisi. Millatarigu qayb laxaad leh ama door muhiim ah ayuu ku lahaa fulinta iyo maamulidda mashruucyadan, waxaana lagu qiyaasay in ka badan 5 Milyan oo Rayid ahi ay ku lug lahaayeen mashruucan. Waxa intaas lagu sii dari karaa ballaadhintii qaybaha ganacsiga, oo alaabihii macaamiishu u baahnaayeen baa loo keenay. Habkan ballaadhinta dhaqaaluhu waxa ay keentay in hantidii guud si habboon dadka dhexdooda u wareegto, oo lacagtii iyo hantidii u kala gudbaan dabaqaddii hoose iyo ta dhexe una gudbaan waxgaradkii Millatariga (Mandour, Sisi’s War on the Poor, 2020). Haddii aynu nuxurka soo koobno, Millatarigu waxa uu isku baddelay oo ahaa awoodda dhaqaale ee ugu wayn Dalka uguna muhiimsan marka loo eego awooddooda ay ku tilmaamayeen siyaasadda dhaqaalaha oo si toos ah Qaranka u maamulaysay, iyo awooddooda ah inay wixii siyaado ah ama dheeraad ku ah danta guud ka saaraan.
Caqabadaha siyaasadahani waa kuwo maamulka jiraa caqabad ku yahay. Haddii aynu nuxurka soo koobno, Millatarigu waxa uu isku dayayaa inay hagaajiyaan waxsoosaarka dalka ee sii xumaanaya, iyo in ayna maamul daadejin samayne ay hal meel maamulka ku koobaan. Habkani si taban ayuu muddo dheer u saamaynayaa awoodda ama karaanka goobahan (institutions), iyo awooddooda ay ku bixin karaan adeegyada dadwaynaha, waxaana ugu muhiimsan inay baraarujiyaan xirfaddooda iyo xasaanaddooda.
Sidoo kale, waxa ay hoos u dhigaysaa suurtagalnimada lagu qabo inay dhalato dawlad Dimuqraaddi ah oo nabad ah oo ku meelgaadh ah, tan iyo intii xarumahan dawladdu isbeddelka sameeyeen, gaar ahaanna ay isbeddelka ka sameeyeen dhinacyada amniga iyo garsoorka. Dhinaca dhaqaalaha dayntii maaliyadeed ee Millatariga lagu ballaadhinayay si taban ayay u saamaysay xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay (private sector ), waxayna keentay in la dallacsiiyo dadka iyada oo aan xirfaddooda lagu dallacsiine lagu salaynayo lacagta ama dhaqaalaha ay haystaan, taasi oo keenaysa in dhaqaalihii muddo badan liito oo dhutiyo. Haddii aynu nuxurka soo koobno, halkii laga dhisi lahaa sees dhaqaale oo caga’adag ku taagan, maamulku wuxuu daciifiyay xarumihii gaarka loo lahaa, dhaqaalihii danta guudna si gaar ah ayay uga faa’ideysteen. Dhab ahaan, waxa intaas dheerayd inuu jiray cadaadis siyaasadeed oo xad’dhaaf ahi. Millatarigu waxa uu isku dayay inuu maamulka ama awoodda hal meel ku koobaan, Masar na waxa ay ka dhigeen goob lagu dhibaataysanyahay, illaa haddana waa lagu hirdamayaa iyada oo la burburinayo caqabadihii bini’aadanka.
Tixraaca
Mandour, M. (2019, February 14). Generalissimo Sisi. Retrieved from Sada Journal.
Mandour, M. (2019, August 2019). Sisi’s Vanity Projects. Retrieved from Sada Journal.
Mandour, M. (2020, July 15). Repression and Coronavirus Response in Egypt. Retrieved from Sada Journal.
Mandour, M. (2020, September 23). Sisi’s War on the Poor. Retrieved from Sada Journal.
Sayigh, Y. (2019). Owners of the Republic: An Anatomy of Egypt’s Military Economy. Beirut : Carnegie Middle East Center.
The New Arab. (13 December, 2020). The New Arab. تم الاسترداد من The New Arab.
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
2021

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here