Maraykanka Oo Soomaaliya Faray In La Qabto Doorashooyin

0
Bayaan goor dhaweyd ka soo baxay xoghayahay arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu sheegay in Mareykanku ka walaacsanyahay jahawareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, taas oo khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
“Dowladda Maraykanku waxa ay si qoto dheer uga walaacsan tahay xaaladda ismarin-waaga ah ee ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, taas oo abuuraysa hubaanti la’aan siyaasadeed oo halis ku keenaya ammaanka, degenaanshaha iyo horumarka dalka.
Waxa aannu ugu baaqaynaa hoggaamiyeyaasha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ahba inay dhinac iska dhigaan waxyaababa ay siyaasad ahaan isku diidan yihiin, kana fikiraan gudashada masuuliyadaha guud ee ay u hayaan dadka Soomaaliya, kuna heshiiyaan sidii degdeg loogu qaban lahaa doorashooyin loo wada dhan yahay oo waadix ah.
xaaladda ismarin-waaga ah ee hadda taagan waxa ay minjo-xaabinaysaa horumarkii ilaa hadda lagu tallaabsaday, waxayna dib-u-dhac ku noqonaysaa dib-u-habaynaha sida degdeg ah looga baahnaa Soomaaliya si loogu sii socdo dariiqa loo marayo in si buuxda daymaha looga dhaafo Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay xaaladdani caqabad ku noqonayso la-dagaalanka argagixisada.
Dowladda Maraykanku waxa ay taageeraysaa xaqa ay muwaadiniinta Soomaaliya u leeyihiin inay si salmi ah u sameeyaan mudaharaadyo aan rabshado wada, waxaanan si xooggan uga soo horjeednaa in dhinacyada iska soo horjeedaa ay qaadaan tallaabooyin rabshado lagu abuurayo.
Waxa aannu ugu baaqaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay badbaadiyaan mustaqbalka dalka, isla markaana ay helaan xal heshiis ah oo horseeda in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxtooyada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here