Magaalo Habeenkii Laga Mamnuucay Hasaawaha Ragga Iyo Dumarka

0

Maamulka dowladda hoose ee deegaanka Rano ee goablka Kano ee dalka Nigeria, ayaa soo saaray sharci cusub oo mabnuucaya wada-sheekaysiga habeenkii ah ee u dhaxeeya ragga iyo dumarka dhalinyarada ah. Dadka haasawaha habeenkii ah laga mamnuucay waxaa sidoo kale ku jira dumarka garoobada  ama Carmalka ah.

Maamulka ayaa sheegay in sharcigaan ay u soo saareen dadka guurdoonka ah ee gobalka oo dhan si loo helo da’yar nadiif ah oo aan ka leexan hilinka haboon ee howsha guurka loo maro

Bayaan ka soo baxay guddoomiyaha dowladda hoose ee deegaanka Al-xaaji Daahiru Muxamed ayaa lagu sheegay in tallaabadaan loo qaaday si looga hortago waxyaabo dhaqan xumo ah oo bulshada ku dhex baahay iyadoo loo marayo magaca guurka. Arrintaana ayaa dhalisay muran, inkasta oo inta badan waalidiinta iyo dhalinyaradu u arkaan tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday.

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here