Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Khilaafka Khaliijka + Dawladda Qadarna Eedo Ujeediyay

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo weli ku guddo jira socdaalkiisii uu ku joogay Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland marka ay noqoto Dawladda Qadar, ay la safan tahay Xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

waxa uu dawladda Qadar Ku Eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay ka xun tahay heshiiska Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World oo lagu wareejiyay maal gelinta Dekeda Berbera “Qadar waxa ay ka soo horjeedaa Heshiiska Dp World ee Dekeda Berbera, laakiin ma jirto wax hagar daamo ah oo ay noo geysan kartaa, mana soo faro gelin karto shacabakayaga iyo dantayada” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale cadeeyay in marka la is barbar dhigo xulafada Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Isku Dhinac Ah iyo Dawladda Qadar oo iyana geesta kale taagan ay xukuumadiisu raaci doonto dhinaca Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta “Waxa aad ogtihiin in Gacanka Carabta ay ka jirto xiisad siyaasadeed, waxaana iskuĀ  dhinac ah Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta iyo qadar oo dhinaca kale ah, marka la is barbaro dhigo waxa aanu la jirnaa Imaaraadka iyo sacuudiga, waxaanan eegaynaa danta naga dhaxaysa” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here