Madaxweyne Muuse Biixi Ma Mas’uulkii wixii la isku khilaafo ka go’aan-qaadan lahaa baa mise waa markhaati?

0

Madaxweyne Muuse Biixi Ma Mas’uulkii wixii la isku khilaafo ka go’aan-qaadan lahaa baa mise waa markhaati?

Horraantii 2018kii markii Xisbiga WADDANI duray Komishankii doorashada ee xilligaa, codsadayna in xilka laga qaado, iyadoo Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha Degaanku (Xeer Lr. 20/2001) uu si cad u waajibinayo in marka xaaladdaasi timaado uu Madaxweynuhu u magacaabo guddi baadhiseed oo madax-bannaan oo ka soo war-bixisa, war-bixinteedana uu ku go’aan-qaato, ayuu ku go’aan-qaatay aragtidiisii ahayd in Komishanku xafiisyadoodii dhisteen doorasho xor iyo xalaal ahna ay qabteen, uguna soo jawaabay Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI in markuu intaa arkay aanay cabashada Xisbiga WADDANI sharciga waafaqsanayn. Hadda waxa suurto-gal ahayd in Guddida Baadhiseed war-bixinteeda ay sidaa Madaxweynuhu aaminsanaa ku keento, go’aankiisuna uu markaa noqodo isla kii uu qaatay, oo markaa ay khasab noqon lahayd in la aqbalo maadaama loo maray nidaamkii inoo yaalley.

Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha Degaanka ee xilligaa (Xeer Lr. 20/2001) iyo ka haddana ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha (Xeer Lr. 91/2020) Qodobkiisa Xil-ka-Qaadista Komishanku wuxuu sidan qorayaa markaana sidan qorayey:
“1. Xubnaha Komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa:
a) Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay.
b) Marka uu xilka gudan Kari waayo karti darro ama caafimaad darro awgeed.
c) Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatoyo, musuq-maasuq, eex IWM.
2. Marka arrimaha kor ku xusan yimaadaan waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa
guddi- baadhiseed madaxbanaan oo ka soo warbixisa si uu go’aan ugu qaato.
3. Xil ka qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in
Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority).”

Ku-dhaqmi-la’aanta qodobkaa xeer ee Madaxweynuhu ka doortay in uu markhaatiga uu ka ahaa sida Komishanku xilkiisa u gutey uu ku go’aan-qaataa dalka waxay gelisey muran dheeraaday oo wakhti badan ka lumiyey.

Beryahan dambe Dugsiga Abaarso waxa lagu hadal-hayey in lagu soo marti-qaaday dad ku caan noqday ficillo diinteena iyo dhaqakeena khilaafsan, maalmahan dambena waxa soo raacay ka-hadalka jaamacad magaceeda lagu sheegay Barwaaqo University oo aan hore loo maqal, iyadoo jirtey muddo ay kaga qalin-jebiso dufcaddii ugu horeysey, laguna sheegay in ay ku xidhan tahay Dugsiga Abaarso oo labadooduba ku yaalla debedda magaalada Hargeysa qaybaha ay ka degaan Madaxweynuhu Beesha uu ka soo jeedaa.

Jaamcaddaa Barwaaqo oo uu Madaxweynuhu kagala qayb-galay qalin-jebintii dufcaddeedii u horraysay, waxa lagaga war-helay in gabadha lagu sheegay in ay Jaamacadda ka madax tahay oo iyana joogtey munaasibaddaa qalin-jebintu ay tahay gabadh ku caan ah fidinta diinta Kiristaanka.

Labadaa arrimoodba oo uu ummadda u soo ban-dhigay Cabdulmaalik Muuse Coldoon, dad kalena ka hadleen, halkii xukuumaddu la hubin lahayd ee ay baadhitaan kaga samayn lahayd, waxay go’aansatay in la xidho Cabdulmaalik oo hadda markii labaad arrimahaa u xidhan dhawr cisho.

Madaxweynuhu wuxuu inoo sheegay in markii uu hadal-haynta lagu hayo Dugsiga Abaarso uu maqlay in uu halkaa tegey isagoo kelidii ah, oo uu ku soo arkay wax ummadda Somaliland iyo Islaamkaba u wanaagsan. Waxaan u arkaa in tegistiisa ay dhaami lahayd isagoo u dira guddi madax-bannaan oo arrintaa soo baadha dadka la hadal-hayana dib u raacda taariikh-nololeedkooda iyo dhaqankooda oo uu markaa war-bixintooda ku go’aan-qaato.

Hadda Madaxweynaha oo isagu ah kii halkaa tegey ee warbixinta ka keenay iyo ka leh ka-go’aan-qaadashada arrintaasi waa iska Madaxweynaha; waana markhaati iyo go’aan-qaatihii oo isku qof ah. Cid kale oo warbixin tiisaa khilaafsan uga keeni doonta oo warkiisa beenisaana way adkaanaysaa. Warbixinta Madaxweynuhu halkaa ka keenay iyo sida uu uga hadlay, run ahaantii may noqon mid aan ku qanco, dad badina way ila qabi karaan sida aanu Cabdulmaalikba ugu qancin. Sida Madaxweynuhu arrinta u maamulay iyo xadhigga Cabdulmaalik waxay u muuqanayaan in Madaxweynuhu wax jira dambabasayo.

Hadalkii gabadha lagu sheegay in ay madax ka tahay Jaamacadda Barwaaqo ay ka jeedisey xafladdii qalin-jebinta ee Madaxweyne Muuse joogey, waxay ku sheegtay in ardayda qalin-jebisey ay noqonayaan macallimiin wax ka dhiga dalkan Somaliland. Waxa la is-weydiin karaa khataraha ay inagu keeni karaan carruurteenaa wax inoo baratay haddii loo soo xambaariyo fikrado iyo hab-dhaqanno aan diinteenu oggolayn. Waxa la yidhi “Khayr wax kuma yeelo e shar u toog-haye” walaacaa laga muujinayo goobahaasi in dhug loo yeesho oo daba-gal iyo baadhis lagu sameeyo ayay mudan yihiin ee may ahayn in kii soo gadal-qaaday xadhig lagula deg-dego. Weliba caddaymo badan oo la soo dhigayo baraha bulshada ilaa shalay waxay taageerayaan in ay wax ka jiraan waxyaabahaa laga walaacsan yahay.

Dhaarta dastuuriga ah ee Madaxweynaha lagu dhaariyeyey waxa ugu horraysa in uu “u yahay daacad diinta Islaamka ……”, isagaana ah qofka ugu sarreeya ee u xil-saaran ilaalinta iyo horumarinta ku-dhaqanka diinta Islaamka, siduu isaguba yidhi, ummaddii xilka u dhiibateyna way ku ilaashanaysaa.

Anigoo Cabdulmaalik ku khilaafsan siyaabo badan oo uu u dhaqmo ama aragtiyo aan ka aaminsanay in uu qabo, waxaan qabaa in hadalladiisan khuseeya Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo ee la sheegay in ay ku xidhan tahay dugsigaasi, ay ka mid yihiin uun ku-ilaaliska ummaddu ku ilaashanayso xukuumadda gudashada xilka ay ummaddu u dhiibatey.

Waxa qoraalkan kooban saaka igu kellifey hab-dhaqanka Madaxwrynaheena ee ah in uu wixii la isku khilaafo ama laga soo cawdo uu isagu ka noqdo markhaatigii iyo go’aan-qaatihii labadaba, iyadoo go’asnkiisuna mar walba taageerayo marag-furkiisa ah in waxaa laga cawday aanu jirin.

Waxaan Madaxweynaha kula talinayaa:
1) in uu si dhakhso ah u amro in Cabdulmaalik Muuse Coldoon xorriyaddiisa loogu soo celiyo,
2) in uu si dhakhso ah u magacaabo baadhiseed oo madax-bannaan oo ka kooban culimo iyo aqoonyahanno si rasmi ah u soo baadha waxaa lagu hadal-hayo Dugsigaa iyo Jaamacaddiisa ee khuseeya hab-dhaqanka maamulkooda iyo dadka ay ku soo marti-qaadaan iyo waxa loo gudbiyo ardayda,
3) in Madaxweynuhu, xisbi gaar ahna ma aha, qabiil gaar ahna ma aha e waa Madaxwynihii ummadda e, uu ka fogaado wixii xaglin iyo difaac indho-la’aan ah ugu muuqan kara ummadda oo uu xaaladaha inala soo dersa dhex-dhexaadnimo iyo niyad-wanaag ku abbaaro, una abbaaro hab waafaqsan shuruucda dalka oo daah-furan, loona dhan yahay.

Wa Billaahi Tawfiiq

Waa: Xuseen Axmed Caydiid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here