Madaxweyne Cagjar Iyo Mudadii Uu Ka Talinayey Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, W/Q; Cali Xasan Cawaale.

0

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo mudadii uu ka talinayey dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya…waxa qoray Cali Xasan Cawaale (Cali Nageeye).

Marka hore waxan hambalyo iyo ducaba u diraya Madaxweynaha dawlad deegaanka Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar ( Cagjar) Anigoo ku hambalyaynaya in si rasmi ah loogu doorto madaxweynaha shanta sanadood ee soo socda.

Waxan Allah swt uga baryayaa in uu ku asturo Xilkaa umadiisa u dhiibatay aamin .

Mar labaadka waxan doonaya in aan halkan ku xuso waxyaabo badan oo u qabsoomay dawlad degaanka somalida mudadii u hogaaminayay Madaxweyne Cagjar.

Isbedelkii maamul ama hogaamineed ee ka dhacay dalka Ethiopia Waxa uu saamayn togan oo ku yeeshay dawlad degaanka somalida Ethiopia, inkasta oo dadka deegaanka Soomaalidu ay isbadalka dhacay ula sinaayeen maamulada kale ee Itoobiya hadana waxa hubaal ah in isbadalku u sameeyey si ka balaadhan kilalada kale ee dalka isla markaana ka faa,iidaystay.

Dhamaadkii sanadkii 2018 ayey ahayd markii meesha laga saaray madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar iyo maamulkiisiiba, xilkana si ku meelgaadh ah loogu wareejiyey madaxweynaha hada la doortay ee Mustafe Muxumed Cumar.
Hadaba waxaynu qormadan kooban kaga hadli doonaan isbadelada xaqiiqada ah ee maamulka madaxweyne Cagjar ka hirgeliyeen dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya kuwaas oo aynu qodobayn doono.

Ugu horayn maxaa u qabsoomay dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya mudadii uu madaxweyne Cagjarka talinayey?

Su,aashan kor ku xusan ayeynu kaga jawaabi karnaa qodobadan.

1. Maamulka madaxweyne Cagjar waxa uu hirgeliyey oo markiiba uu meesha ka saaray tacadigii iyo dhibaatooyinkii ay shacabku deegaanku kala kulmayeen maamulkii ka horeeyey iyo askartiisa.

2. Maamulka madaxweyne Cagjar waxa uu albaabada u laabay jeelkii lagu magacaabi jiray Jeel Ogaadeen oo ahaa mid dadka lagu ciqaabi jiray.

3. Madaxweyne Cagjar waxa uu sii daayey dhamaanba maxaabiistii sida sharci darada ugu xidhnayd jeel Ogaadeen.

4. Maamulka madaxweyne Cagjar waxa uu soo afjaray oo isaga iyo dawlada federaalka Itoobiya heshiis la galeen ururkii ONLF kuwaas oo si nabadgalyo ah ugu soo noqday dalkooda.

5. Maamulka madaxweyne Cagjar waxa uu hirgeliyey nidaamka xoriyatul qawlka iyo saxaafada madaxa banaan oo sheega dhaliilaha maamulkiisa mana jiro qof loo xidho ama loo ciqaabo aragtidiisa iyo inuu dhaliilay dawlada madaxweynaha.

6. Maamulka madaxweyne Cagjar waxa uu nabadeeyey bulshada walaalaha ah ee la dhexdhigay colaadaha.

7. Maamulka madaxweyne Cagjar waxa uu isbadal ku sameeyey hab dhaqankii iyo shaqadii ciidanka Liyuu Booliska kuwaas oo uu ka dhigay qaar aan dhibaatayn shacabka balse u adeega.

8. Maamulka madaxweyne Cagjar waxa uu deegaanka u furay dhamaan xuduudihii ay la lahaayeen dalalka soomaalida ee walaalahood ah kuwaas oo markii hore ahaa qaar kala xidhan oo ka go’doonsan bulshadooda ku nool wadamada Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti.

9. Waxa si nabad ah ku soo laabtay oo deegaanka yimid dhamaan muwaadiniintii qurbaha u baxsaday ee ka cararay tacadiyadii uu gaysanayey maamulkii hore.

10. Maamulka Mustafe Cagjar waxa uu dhiiri geliyey isla markaana furfuray ganacsigii taas oo dhiirigelisay maalgashi ay sameeyeen ganacsatadii ka maagayey.

11. Isbadalada xigmadaysan ee sida cajiibka uu maamulka madaxweyne Cagjar sameeyey waxa kale oo kamid ah isbadalka ku yimid calankii iyo heestiia calankaba, isaga oo hirgeliyey calan cusub oo loogu wanqalay Cawaale.

Xigmadaha ku duugan Calankan Waxa ay yihiin sidan.

a) Calankani Waxa u ka kooban yahay afar midab. afarta midab oo kala ah sidan
cadaan , casaan , cagaar, iyo qaybta danbe oo bue ah xidig cadina ku dhex jirto.

Hadii aad macnayso calankan, midabada cadaanka, cagaarka, casaanka iyo buluuga xidigtu ku jirto waxa u ka metalaa Calamaanta dalalka soomaalida ee ay ka mid yihiin Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas uu mid walba qayb ka matalo.

Isbadalkan lagu sameeyey calanka ayaa macnaynaysa in dadka ku nool dawlad deegaanka soomaalita Itoobiya ay yihiin qaar ka soo wada jeeda dalalka soomaalida kale ee ay xuduuda la wadaagaan.

Arrinta kale ee mucjisada ah ee ku duugan calankaas Waa heesta calanka oo sifaynaysa sida uu yahay iyo midabada calankan iyo ujeedkiisaba, halka calankii hore aanu ku fadhiyin macnaha uu calanka cusubi leeyahay iyo mid u dhaw toona.

12. Maamulka madaxweyne Cagjar waxa uu hirgeliyey siyaasad ku dhisan jaar wanaag iyo isku socod abuuray jacayl umadnimo oo dhexmaray shacabka dalalka soomaalida ee ay xuduudaha la wadaagaan, iyada oo madaxweynuhu si madax banaan uu u booqday dalalkaas.

13. Madaxweyne Cagjar waxa uu abuuray qadiyada ku fadhida inuu marwalba ku faano soomaalinimada isaga oo soo dhawaysanaya dalalka walaalihiisa ah ee ku hareeraysan isaga oo abuuray jawi furfurnaan iyo iskaashi ku dhisan.

14. Madaxweyne Cagjar waxa uu si aan gabasho lahayn u qaatay doorkiisii siyaasadeed ee uu leeyahay maamulka dawlad deegaanka soomaalidu.

15. Sidoo kale madaxweyne Cagjar waxa uu wax badan ka qabtay tabashooyinkii bulshadu qabtay isaga oo meesha ka saaray caqabadii ka haysatay in bulshada soomaalida Itoobiya is aaminaan dhexdooda, dalkoodana jeclaadaan iyo inay si furfuran uga adeegtaan meel walba.

16. Madaxweyne Cagjar waxa uu si caqli gal ah u maareeyey caqabadihii ku xeernaa dawladii uu la wareegay iyo dhamaan eelkii uu ka tagay maamulkii hore oo ahaa mid aad ugu daran bulshada.

Dhamaan qodobadaas iyo kuwo kale oo aanan halkan ku xusi karinba waxay yihiin qaar xaqiiq ah oo ka madhan amaan iyo buun buunin, waxaanay dhamaantood ka hirgaleen dawlad deegaankasoomaalida Itoobiya mudadii uu sida ku meelgaadhka ah uga talinayey madaxweyne Mustafe Cagjar.

Hadaba Waxa is weydiin mudan marka uu madaxweyne Mustafe Cagjar arrimaha aan sare ku soo xusay iyo qaar kalo badan u ku hirgaliyay mudadaa kooban ee u ku meel gaadhka ahaa.

Maxa laga filan kara in uu hirgalin doono maanta oo dib loogu doortay in uu noqdo madaxweynaha 4 sano ee so socda hogaamin doona dawlad degaanka somalida Ethiopa insha Allah.

Waxa hubaal ah in hadii u ku sii wado sidan xawliga ah Allah swt ku simo in Dawlad degaanka ethiopia noqon doono Mid ka horeeya kana muuqda dhamanba kililda kale ee ethiopia. isla markaana ay mahadiyaan dhamaanba bulshada somaliyeed. ee ku nool iyo kuwa ku nool wadamada jaarka ahba.

Allah swt Waxan uga baryayaa in uu d.degaanka Ethiopia ugu wado nimcada iyo horumarka ka taabo galay .

Gunaanadkii Dawlad degaanka Ethiopia. Waxaas oo dhan oo an so xusay iyo in kalo badaniba Way ka qabsoomeen. Waxana hubaal ah in uu yahay kililka kaliya ee Sida xawliga ah uga faaidaystay Isbedelkii Ethiopia.
Wa bilaahi Tawfiiq.

Cali Xasan Cawaale ( Cali Nageeye)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here