Maamulka Cusub Ee Bangiga Dhexe Oo La Kulmay Shaqaalaha

0

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, mudane Cali Cabdillaahi Daahir iyo Agaasimaha Guud mudane Mukhtaar Cabdi Quule ayaa kulan isbarasho ah maanta la yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha, iyo Maamulayaasha Laamaha Caasimadda ku yaalla.

…………………………………………………………………………………………….

Hargeysa, 19.09.2021 – (BOSL) –
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo uu weheliyo Agaasimaha Guud, Mudane Mukhtaar Cabdi Quule ayaa maanta kulan is-barasho, iyo Is-xogwareysi ah la yeeshay Maamulayaasha Laamaha Baanka ee Hargeysa ku yaalla iyo dhamaan Agaasimayaasha Waaxyaha ee Baanka Dhexe ee JSL.

Ugu horeyn, waxaa kulanka ka hadlay Agaasimaha Guud ee Baanka isaga oo kula dardaarmay madaxda Baanka in ay sii labin-laaban dedaalkoodda isla marka na bulshada iyo Qarankaba si hufan ugu addeegaan.

Isna waxaa madasha ka hadlay Guddoomiyaha Baanka Dhexe isaga oo madaxda Baanka Dhexe kula dardaarmay ilaalinta shaqadda, iyo horumarinta addeegyadda Baanka Dhexe u fidiyo macaamiishiisa. Guddoomiyahu waxaa uu intaa ku daray in masuul kasta uu u
Madax banaanan doono shaqadiisa isla marka na lagula xisaabtami doono sida uu masuuliyaddaa loo dhiibay uu uga soo baxo.

Ugu danbayntii, waxaa uu Guddoomiyahu waxaa uu shaqaalaha iyo Madaxda Baanka ku amaanay shaqo wanaag, iyo isku duubni waxaa na uu ku booriyey in ay halkaa ka sii wadaan horumarka Baanku ku talaabsaday.

Gebogebadii Masuuliyiinta Baanka waxa ay u duceeyeen Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Baanka iyagoo Alle (SWT) uga beryey in Xilka ku asturo una fudeediyo shaqada ay Qarranka u hayaan, waxayna Balan qaadeen in ay hagar la’aan ah ula shaqeyn doonaan, Haddii Alle Idmo.

Wabillaahi Towfiiq.

  1. Xafiiiska
    Xidhiidhka Dadweynaha iyo Arrimaha Dibada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here