“Ma caleemo saarraa ?

0
Sandaladda iyo Somaliland labadaba waa in aynu si wada jira uga badbaadinnaa Maxaweyne Muuse Biixi !
Sandaladda Subeer-Awal xil ka weyn oo ka miisaan culus oo uu ku metelo reer Somaliland ayu hayaa Madaxweynaha qaranku, Xagga dhaqanka Muuse Biixi waa xubin ka mida qoyskayaga oo Suldaan guud uu noo yahay Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxaan, xuquuq gaara iyo xisaanad midna kuma dhex laha reerka oo wuxuu la siman yahay ragga kale ay mag wadaagta yihiin, wuxuu xisaanad iyo xurmo dastuurku qeexay ku leeyahay Madaxweyne nimada Somaliland, haddi uu qawaday waxaanu leenahay iimaanso adeer taas ummadda aad ku metesho ee Illaahayna kaala Xisaabtamaayo maalinta qiyaame taako taako.
Golayaasha dhaqanka qoysaska Somaliland Degen in la ixtiraamto Xukuumaddu oo Madaxweynuhu faragelinta iyo juqa-juqaynta gobanimada ka fog kadaayaa qumman, Sandalladu waa soo jireen laga dhaxlay awoowayaal, cid kastoo tammaniyaysa in ay dumisaana waa u damiir xumo. garnaqsiga iyo odayada ka cabanaaya warbaahinta hallaga daayo foolxumada, taariikhda Somaliland waa markii u horraysay ee Sandalad iyo Madaxweyne loo kala maaro waayo, shaqo ka weynbaa odayga u taal iska horkeen.
Sandalladana waxaan kula talin lahaa sidaa uu Muuse Biixi aad ugaaga taag weydeen Koofiyadda iyo sandaladda reerka ayuu yahay curfigiisa hoggaamineed, qarankanna ugu kala abtiriyayay oo magaca ummadda loogu kala sadburiyay, waajib waxa idinku ah jinni ninkii keenaa saaree in aad si wada jira Sandaladda iyo Somaliland uga badbaadisaan oo gacmihii doorashada is weydaaran jiray ugu bedeshaan gacmo badbaado iyo isbedel oo qaranka kaalintiina ka qaadataan.”
Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here