‘Lacag badan baan shaqeynayay, saboolna waan ahaa’

0

“Lacag ayaan sameynayay, balse ma heysan haddana wax lacag ah,” ayuu yiri Scott Davies, aasaasaha shirkada Hilltop Honey.

“Ma garanayo halka ay lacagtaasi aadday. Markii aan dhibaatadaas xalliyay ayuu ganacsigeyga bullaalay.”

Scott ayaa Hilltop ka aasaasay sannadkii 2011 meel u dhow Newtown oo ka tirsan Mid Wales, Britain. Wuxuu haatan sameeyay ganacsi ay bishii uga soo xarooto £16m, isagoo malabka ku iibiya dukaamada UK.

Malabkaasi qaarkii waxaa laga sameeyaa shinnada ay shirkaddu dhaqato; halka inta kalena ay soo iibsato. Ganacsiga ayaa labo jibbaar kobca sanad walba, wargeyska Sunday Times ayaana dhowaan u aqoonsaday shirkadda 26-aad ee sida dhaqsiyaha badan u kobceysa gudaha UK.

Haddana sanadihii ugu horreeyay, Hilltop waxaa la soo dersay dhibaato dhanka kharashka soo xarooda ah.

“Illaa saddex sano, runtii waan dhibtoonayay,” ayuu yiri Scott. “Waxaan ku fekerayay: sidee ayaan lacagtan ku sameeyay haddana aanan wax lacag ah u heysan?”

“Waxaan u shaqeeyay shirkadaha dhuxusha kahor inta aan aasaasin shirkaddan. Ma aanan heysan la taliye dhab ah, ma aanan fahansaneyn ganacsi wuxuu yahayba. Waxaan keliya ogaa inay tahay inaan alaabta ku iibiyo in ka badan inta ay igu fadhiso.”

Workers filling bottles with honey

XIGASHADA SAWIRKA, HILLTOP

Qoraalka sawirka, Ganacsi cusub ahaan, dadkii malabka ka iibinayay Scott ma aysan dooneyn inay bil sugaan lacagta

“Balse aniga oo lacag badan sameynayay ayaan haddana khasaaro ku jiray, waxaan ogaaday in aan mar walba dhibaato ku jiray.”

Scott ayaa si dhow ugu kuur galay sida uu kharashku u soo galo ugana baxo ganacsigiisa. Dhibaatada waxay ahayd in dadka uu wax ka soo iibsado uu goor hore siinayay lacagta isaga oo aan weli macaamiishiisa lacag ka helin.

“Ganacsi cusub ahaan, dadka aan alaabta ka iibsado si fiican ilama aysan macaamilin,” ayuu yiri.

“Wax taariikh ah ma aan lahayn gebi ahaanba, sidaas darteed wax walba waxay ahaayeen kaash. Kaddibna waxaan u tegay macaamiisha waxayna dhahayeen: ‘waynu iibsan doonnaa balse lacag idinma siineyno muddo 60 maalmood ah.’

“Marka qof ayaa iibsanaya 5,000 oo caag oo malab ah adigana waxaa lagaa rabaa inaad lacag siiso dadka aad ka soo iibsatay, balse lacagtu waxay muddo 60 maalmood ah la taallaa dadka iga iibsaday. Kaddib qof ayaa wax badan kaa iibsanaya waana inaad adiga lacagtaada ku soo iibisaa, adiga oo macaamiisha lacag ka sugaya.”

“Waxaan ogaaday in dhibku yahay in lacagta laga helo dalabka koowaad.”

Honeycombs being lifted out of a beehive

XIGASHADA SAWIRKA, HILLTOP

Qoraalka sawirka, Hilltop ayaa malabkiisa ka iibiya gudaha UK, haddana waxaa sanadkii uga soo xaroota £16m

Scott ayaa bilaabay inuu ka gorgortamo habka kharash bixinta, isagoo dadka uu wax ka iibsado ka socdsaday inay waqti badan siiyaan.

“Ma aha in aad hoos u dhigeyso dadka aad wax ka soo iibsaneyso,” ayuu yiri.

“Ee kalsooni ayaad ka abuuraneysaa. Waa tallaabadaad koowaad ee aaminaadda. Waa sida: ‘Muddo hal toddobaad ah gudahood ayaan lacagta idinku siinayaa’. Waa toddobaad dheeri ah oo ay lacagtu agtaada oolleyso. Taasi way fahmeen.”

“Kaddibna in badan oo aad la shaqeyso, waxay is dhahayeen: ‘Scott lacagta wuu i siinayaa sababtoo ah wuxuu i siinayay labadii sano ee la soo dhaafay. ‘Intaas kaddib, muddada lacagt bixintaada waxaad ka dhigi kartaa 30 ama 60 maalmood.”

Scott in badan ayuu shaqeeyaa, isaga oo ganacsatada cusub la talinaya. Wuxuu garwaaqsan yahay inay ku qasban yihiin inay oggolaadaan in muddo gaaban gudahood ay lacagta ku siiyaan dadka ay ka iibsadaan, ayna lacagta muddo dheer ka sugaan macaamiisha.

Hadana inay arrintaas wax ka beddelaan ayuu kula talinayaa inay u noqoto muhiimaddooda koowaad, ayuu yiri.

“Waa su’aal ka taagan dhanka xannaaneynta ganacsiga, intii aad deyn badan qaadan lahayd amaba aad saami ka iibin lahayd maalgashadayaasha.”

“Waxaa la igu qalqaaliyay inaan waxyaabahaas sameeyo sanadihii ugu horreeyay balse waxaan taas beddelkeed eegay kharashka soo xarooda iyo shuruucdeyda ganacsiga, haddana waxaan heystaa ganacsi faa’iido leh, kaas oo aan anigu leeyahay 100% – aniga oo aan wax deyn ah la igu lahayn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here