Laamaha ammaanka Laascaanood oo baaraya dil xalay loo geystay mudane ka tirsan golaha deegaanka

0

Waxaa xalay fiidkii magaalada Laasacaanood lagu dilay Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha deegaanka, isla markaana ahaa gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee gobolka Sool.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in dad hubaysan oo aan heybtooda la aqoon ay mudanaha ku dileen gurigiisa. Sanadihii dambe, waxaa Laasacanood ka dhacayay dilal qorsheysan, arrintaas oo aan looga baran deegaannada ay ka arrimiso jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Maayarka Laasacaanood, Cabdiraxiim Cali Ismaaciil ayaan ka waraystay dilka marxuumka.

Laamaha ammaanka ee magaalada Laasacaanood oo baaraya dil xalay halkaasi loo geystay mudane ka tirsan golaha deegaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here