Kulanka Farmaajo iyo Rooble – iyo inta jeer ee arrimo ay isku khilaafeen

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yeeshay kulan xalay markii ugu horreysay, tan iyo markii uu khilaaf dhexmaray laba bilood ka hor.

Ilo wareedyo madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa BBC-da u xaqiijiyay in kulankan uu ka dhacay dhismaha Madaxtooyada ee Villa Somaaliya.

Khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo in ay sii xumaato xasilloonida Soomaaliya iyadoo dalka uu ku guda jiro doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Labada mas’uul ee ugu sarreeya dalka ayuu soo kala dhexgalay khilaaf xoogan oo la xiriiray tallaabooyiin ay labada dhinac qaadeen, kuwaas oo sii cakiray xaaladda.

Ma jira war rasmi ah oo ku saabsan waxa ay ka wada hadleen oo ka soo baxay labada dhinac.

Balse sida ilo-xog ogaal ah ay sheegeen, BBC Somali waxay fahansan tahay in madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu labadii maalmood ee la soo dhaafay ku howlanaa dhexdhexaadinta labada dhinac.

Kulanka xalay ayaa lagu tilmaamay mid ”hor dhac iyo isu laabxaarasho ah”, waxaana lagu ballamay kulan kale oo illaa caawa fiidkii lagu dhameystirayo qodobada ay isku mari waayeen labada dhinac, isbuucyadii la soo dhaaftay.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada mas’uul dhex-mara iyadoo ay fashilmeen isku dayo kale oo horey u dhacay oo lagu doonayay in labada dhinac lagu dhexhdexaadiya.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GOOBJOOG

Qoraalka sawirka,Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)

Khilaafkooda ayaa salka ku hayay murankii ka billowday dilka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsanayd NISA iyo tallaabooyinkii xigay ee ay ka mid ahaayeen xil ka-qaadistii Taliyihii NISA Fahad Yaasiin iyo magacaabiistii labada taliye ee ay NISA u kala magacaabeen madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha.

Masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada ayaa BBC-da u sheegay in hogaanka NISA iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ra’iisalwasaaraha xilka ka qaaday balse madaxweynahana ka horyimid ayaa ka mid ah qodobada ay amdaxda wali isku mari la’ yihiin.

Haddaba imisaa goor ayay is qabteen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble?

Kiiska Ikraan Tahliil

.

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Waxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka iyo muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya oo ay dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay ka dib in muddo ah oo la la’aa. Balse Al-Shabaab ayaa beeniysay arrintaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu shaqada uga joojiyay agaasimaha hay’adda NISA, Fahad Yaasiin.

Ka dib madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo saaray qoraal faraya in Fahad Yaasin uu sii wato shaqadiisa madaxa sirdoonka dalka, inkastoo markii dambe shaqo kale looga magacaabay madaxtooyada.

Markii uu Rooble shaqada ka joojiyay agaasimaha hay’addaas, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir – oo la sheego inuu saaxiib dhow la yahay Farmaajo – falcelinta madaxweynuhu waxay ahayd inuu markii hore xilkiisa ku celiyay, kaddibna uu u dallacsiiyay jago taas ka sarreysa oo ah la taliyaha amniga qaranka.

Dhanka kale xil ka qaadista wasiirka Amniga, Xasan Xundubeey Jimcaale, taas oo madaxweyne Farmaajo uu diiday ayaa khilaafka uga sii dartay.

Intuu socday khilaafka hadda ugu dambeeya, Farmaajo iyo Rooble ayaa qaaday tallaabooyiin iska soo horjeeday oo xaaladda uga sii darayay.

Rooble iyo Farmaajo ayaa wada hadal albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Muqdisho, illaa dhowr goor, sida ay xaqiijiyeen dad ka agdhow, balse wax natiija ah oo wanaagsan kama aysan soo bixin.

Dad xog ogaal ah ayaa BBC-da sheegay in arrinta taliyayaasha ay labada mas’uul u kala magacaabeen hay’adda sirdoonka iyo kiiska Ikraan Tahliil ay yihiin qodobada ugu adag ee la isku fahmi waayay.

Rooble ayaa ka digay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo kiiska Ikran Tahliil Faarax, isagoo intaa ku daray in ciidanka ay ka fogaadaan wax kasta oo sumcaddiisa wax u dhimi kara, kalsoonida shacabka Soomaaliyeedna dhaawici kara.

Fahad Yasiin

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

Xaaladda waxay sii xumaatay ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in “awoodaha fulinta uu ka xayuubiyay” Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in “Ra’iisul wasaaraha uu jebiyey dastuurka ku-meel-gaarka ah.”

Rooble ayaa isna gaashaanka u daruuray awood ka xayuubinta uu madaxweyne Framaajo ku sameeyay, taas oo sharci darro uu ku tilmaamay.

Safarkii Ra’iisul wasaaraha ee Kenya

.

XIGASHADA SAWIRKA,MADAXTOOYADA KENYA

Wuxuu khilaaf kale soo baxay markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu booqashada ku tagay dalka Kenya. Laakiin xafiiska Rooble ayaa xilligaas beeniyay in uu khilaaf u dhexeeyo labada masuul.

Booqashada Rooble waxa ay muujisay inuu daggan yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan – Soomaaliya iyo Kenya – balse safarkaas wuxuu yimid maalmo ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayay in wax heshiisyo ah lala galo dowlado shisheeye, ilaa inta ay ka dhammaanayaan doorashooyinka.

Safarka Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Kenya ayaa ka dhashay casuumaad rasmi ah oo Uhuru Kenyatta u fididay. Waxaa warqadda casuumaadda Muqdisho ugu gyesay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeyo labada dal.

Markaasi ka dib ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho ku tegay Kenya, wuxuuna la kulmay madaxweyne Kenyatta. Kulamadaas loogama wada hadlin kiiska badda ee labada dal, sida uu Rooble sheegay.

Heshiisyada caalamiga ah

Bilowgii bishii August ee sannadkan, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto madaxweyne oo uu ku hakinayay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is af-garad “taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.”

Qoraalka Villa Somalia waxaa lagu sheegay: “Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta hantida qaran iyo madaxbannaanida dalka, wuxuu xeer Madaxweyne ku joojiyay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is-afgarad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga”.

Balse, War-saxafaadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in haayadaha dawladdu ay sii wataan shaqadooda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Rooble ayaa sidaan lagu yiri: “Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray ra’isul Wasaaraha.”

Markaasi ka dib ayaa waxaa dadka qaar oo siyaasadda u dhuun daloola sheegeen in marka la eego qoraalladii ka soo baxay dhinacyada raysal wasaaraha iyo madaxweynaha ay muuqdeen in khilaaf soo kala dhex galay madaweyen Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble kaas oo la xiriira kala aragti duwanaan ay dad badan u arkaan in ay salka ku hayso awoodaha dastuuriga ah. Inkastoo Raysal Rooble gaashaanka u daruuray in jiri khilaaf u dhaxeeya isaga madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here