Kongsberg: Shan qof oo lagu dilay weerrar qaanso iyo falaar loo adeegsaday oo ka dhacay Norway

0

Afar qof oo dumar ah iyo mid rag ay ayaa ku dhimatay, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen ka dib weerar ka dhacay Norway oo loo adeegsaday qaanso iyo falaar.

Booliska ayaa abaare 18:13 waqtiga maxalliga ah waxaa la soo gaarsiiyay warka weerrarka ka dhacay magaalada Kongsberg ee koonfur galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Oslo.

Nin u dhashay Demark oo 37 sano jir ah ayaa loo xiray dhacdadaas oo booliska ay su’aalo waydiinayaan.

Booliska waxay sheegeen in dhowaan ay heleen dacwado ninkaas ka dhan ahaa oo la xiriiray in laga cabsi qabay in uu xagjir noqday ka dib markii uu diinta Islaamka qaatay.

Booliska ayaa rumaysan inuu kaligii falkaas fuliyay, waxa ayna baari doonaan in falkaasi uu ahaa mid argagixiso, sida uu sheegay afhayeen.

Taliyaha Booliska Norway, Ole Bredrup Saeverud, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhammaan dadka dhibaatada ay soo gaartay ay da’ ahaan u kala dhexeeyaan 50 illaa 70 jirro.

Dhacdadaas waa mid “laga argagaxo”, ayay tiri Ra’iisul Wasaaraha Norway, Erna Solberg, taas oo hadashay saacado ka hor intii aysan xilka ka degin.

“Waan fahmayaa in dad badan ay baqayaan, balse waa muhiim in la sheego in booliska ay xakameynayaan hadda”, ayay tiri.

Waxaa la sheegay in ninkaas uu weerarka ka fuliyay gudaha dhismo laga dukaameysto oo ku yaalla dhanka Galbeed ee Kongsberg kaas oo lagu magacaabo Coop Extra. Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah askeri fasax uga maqnaa shaqada oo suuqaa ka adeeganayay.

Afhayeen u hadlay suuqyarahaasi ayaa markii dabme xaqiijiyay in “fal halis ah” uu ka dhacay halkaasi, waxa uuna intaasi ku daray in shaqaalahoodu aanay wax dhibaato jireed ah soo gaarin.

Waxaa jira warar sheegaya in booliska iyo qofka weerrarka soo qaaday ay isfarasaareen ka hor inta aanan ugu dambayntii la qaban 18:47 ee waqtiga maxalliga ah.

Qof goobjooge ahaa ayaa TV2 u sheegay in ay maqashay qaylo iyo buuq ayna aragtay haween isqarinaysa, kaddib waxaan arkay “nin dhinac la taagan fallaaro dhabarka ugu jira iyo qaanso uu gacanta ku watay”, sida ay u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

“Markaas kaddib waxaan arkay dad noloshooda la baxsanaya. Midkood waxa ay aheyd haweeney gacanta haysata canug yar,” ayey ku dartay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale baaraya haddii qofka weerrarka soo qaaday uu hub kale isticmaalay inta uu weerrarka socday, Chief Aas ayaa sidaasi ku warramay.

Qofka laga shakisan yahay ayaa waxa uu maray dhul ballaaran, mas’uuliyiintuna waxa ay xireen dhowr qeyb oo magaaladaasi ah. Dadka deegaanka ayaa waxaa lagu amray in aanay guryaha ka soo bixin si mas’uuliyiinta ay u baaraan goobta caddaymahana ay u uruursadaan.

Armed police on the streets of Kongsberg after an attacker opened fire on people with a bow and arrow

XIGASHADA SAWIRKA,HAKON MOSVOLD/NTB/VIA REUTERS

Qoraalka sawirka,Booliska ayaa xiray dhul baaxad wayn oo magaaladaasi ah

Qofka laga shakisan yahay ayaa waxaa la geeyay saldhig boolis oo ku yaal magaalada Drammen.

Tobannaan gawaariga gurmadka degdega ah ayaa la geeyay goobta, oo ay ku jiraan ambalaasyo, gawaarida booliska iyo xitaa diyaaradaha qummaatiga u kaca.

Wasiirka Cadaaladda ee Norway Monica Maeland ayaa sheegtay in la soo gaarsiiyay waxa ay dhacay si dhawna ay xaaladda ula socon doonto, waxaa sidaasi lagu shaaciyay farriin wasaaradda ay soo dhigtay barta Twitter-ka.

Madaxa booliska ee dalkaasi ayaa amray dhammaan askarta booliska inay hubka qaataan si taxadar dheeraad ah loo sameeyo. Caadiyan booliska dalkaasi ayaanan hubaysnayn.

“Booliska illaa hadda ma hayaan in wax laga badalay heerka halista qaranka,” taliska booliska ayaa sidaasi ku sheegay bayan uu soo saaray (oo ku qornaa afka Norwegian-ka).

Map

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here