Kiiska aqoonyahan Abdiwahab: Maxay ka wada hadleen siyaasiyiinta Soomaalida kenya iyo masuuliyiinta waaxda dembi baarista?

0

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee gobolka Woqooyi Bari ee Kenya oo uu hogaaminayey xildhibaan laga soo doorto galbeedka degmada Wajeer, Axmed Kolosh, ayaa kulan ay la yeesheen agaasimaha waaxda dembi baadhista Kenya kaga dalbaday xukuumadda in ay war cad ka soo saarto xaaladda Profeesarka.

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo sideedii bishan aynu ku jirno la sheegay in laga af-duubtay badhtamaha magaalada Nairobi.

Aggaasimaha ayaa u sheegay hogaamiyeyaashaas in la bilaabay baadhitaan arintaa la xidhiidha oo aanay salka dhigi doonin ilaa ay ka gungaadhayaan afduubkaas oo aan ilaa haatan raq iyo ruuxtoona la hayn prof Cabdiwahaab.

Axmed Kolosh oo faahfaahinaya kulankaa ay la yeesheen agaasimaha laanta dembi baadhista Kenya ayaa u waramay Xasan Sheekh Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here