Kenya Oo Qaadacday Natiijada Ka Soo Baxaysa Maxakamada ee Kiiska Muranka Badda

0

Dowladda Kenya ayaa soo saartay go’aano  u muqda inay ku qiraneyso in looga adkaan doono kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee xukunkiisa la filayo Talaadada.

Kenya ayaa maanta sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda.

“Ka sokow inay ka baxeyso ka qeyb-galkeeda kiiskan, Kenya waxay sidoo kale kula biireysa dalal kale oo xubno ka ah QM kala noqoshada aqoonsiga sharciyadda qasabka ah ee Maxkamadda,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here