Kenya: Dilka Wiilkii Ganacsada Ahaa

0
Waxaa dhawaan dalka Kenya lagu shirqooley, lagu af-duubay, la waayey, lagu jirdilay (si aad u foolxun), ugu dambayna nafta loo dhaafiyey! Alle ha u naxariistee wiil Soomaaliyeed oo ganacsade ahaa magaciisuna ahaa Bashir Maxamed Gaboobe.
Intaa mid waliba waa dambi iyo jariimo tan kale ka weyn. Wuxuu xaq ulahaa, Anaguna aan fileynay in dawladnimo muuqato, in runtu cadaato, in xaqiiqada la gaaro iyo inuu caddaalad helo. Illaa hadda intaasiba ma dhicin mana muuqato, balse isagii baa dambiile noqday, isagiibaana eedeeyeysan!
Bashiir qarsoodi kuma joogin Kenya, nidaamkeeda ayuu raacay, Iqaamuu qaatay, shirkad buu aas-aasay, Account buu furtay, tartan buu galay, wuu guulaystay, qanadaraasyuu helay qayb uu fuliyey iyo qayb dhimanaydba, Madaxda Kenya qaarkood buu la kulmay. Laakiin wuu sirmay, wuxuu moodayey inuu dawlad ku hoos nool yahay, isaga iyo qaarkeenba waxaan gadaal ka ogaanay, qaarna horey u ogaa, qaar kalena gadaal ka qiran doonaa, dawladdu waa magac uyaal markii la doono, waa la jiifiyaana bannaan, Markaasna waxaa shaqeeya ama sarreeya waa qaanuunka kaynta.
Dawladda kenya iyo booliskeeda, halkii xaq iyo xaqiiqa laga sugayey, halkii war lagu diirsado laga dhawrayey, waxaa burqaday adawaadkoodii iyo af-miishaaradoodii; Bashiir Argagixiso ayuu ahaa, wuu la shaqeynayey, Masuuliyiin soomaaliya ayuu ku xirnaa, Muqdishuu tegi jirey, xagaa iyo Soomaaliya ayuu lacago geyn jirey!
Dhulka la eg 637,640 kM2 iyo dhawr tobanka milyan ee ku dul nool, Masuul kasta oo Soomaali ah iyo Caasimadda Soomaaliyeedba, caqliga Kenya iyo afmiishaaradeeda waa u Argagixiso! Laakiin waxba kamay oran madaxdoodii uu Bashiir la kulmay, Waxba kamay oran qandaraasyadii ay dawladoodu siisay ee u saxiixday, lacagtii ay siisay iyo mashaariicdii uu fuliyey!
Dhinaca Kale, Kenya Argagixisada ma duurkaa lagu khaarajiyaa mise qaanuun baa ka yaalla? Ma qofkii doonaa dili kara mise maxkamado ayaa jira lala tiigsado? Qaabkaan immisaa horey ugu maqan? immisuuse mustaqbalka galaafan karaa? Meeshu ma dawlad baa mise waxaa cad in qaanuunka Kayntu sarreeyo, marka arrinku la xiriiro qof soomaali ah ama Muslin ah?
Mar aan ku qiyaasayo sannadihii 1996-kii Ilaa 1997-kii. ayaan aqriyey maqaal maalinkaas ku soo baxay jariidada bariga dhexe “الشرق الأوسط” ee sucuudiga ah. Maqaalku wuxuu ka waramayey dhacdo ka dhacday garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Wuxuu sheegay in gabar Soomaaliyeed oo dhoofaysay ama soo galaysay waddanka la yiri waa lagu baarayaa “jirkeeda”. Waxay dalbatay buu yiri maqaalku sida dhaqanku yahay inay gabdho Boliis ahi baaraan, laakiin raggii Meesha joogey waxay ku akaysteen inay iyagu baarayaan maadaama aanay gabar meesha ka dhaweyn, aysanna isku mashquulin inay gabar raadiyaan. Iyaddiina waxay ku adkaystay inaan rag baarin! Xoog baa inta lagu qasbay, ayaa qol meeshaana lagu tuuray, cabbaar kaddibna gabadhii oo aad arkayso dhibka loo gaystay iyo sida niyad jabku uga muuqdo ayaa qolkii ka soo baxday, oo kaliya dharkeedii iyo agabkii ay sidatay laguma xadgudbine, karaamadeedii lagu xad gudbay!
Wuxuu ku soo xiray maqaalka, waa Meesha aan usocdee (Karaamadaasoo aan usoo noqonayn gabadhaas illaa ay soo noqoto karaamadii waddankeeda Soomaaliya)!
Ugu dambayntii, dariiqa isku xira caasimadda Suuriya, Dimishiq iyo garoonkeeda diyaaradaha, ayaa waxaa ku yaalley boor weyn oo uu ku qoran yahay hadal loo tiirinayey inuu yiri madaxweynihii hore ee waddankaas Xaafidul Asad oranayana (Qof aan waddan lahayni karaamo ma leh).
Gabadhii iyo wiilkaa soomaaliyeed ee Bashiir iyo boqolaal kaleba sidaasaa xuquuqdoodii iyo karaamadoodii loogu tuntaa har iyo habeen. Odayaasheeniina siyaasadana kursiga inay isku haystaan baa fekerkoodu dhaafi waayey.
Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Abdilaziz Artan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here