“Jiidhkaa Lagaa Nacay Sidii Jananki Aamiine” Abwaan Cismaan Kujare

0

Madaxweyne Muuse Biixi Jabkii Ka Soo Gaadhey Xisbiga kulmiye Doorashooyinkii Isku Sidkanaa Ee Bilihii Lasoo Dhaafay Dalka Ka Qabsoomay Kadib.

Waxaa Igu Maqaala ah Inuu Madaxweynuhu Uyeedhay Odaayaal Beeshiisa Ah Oo Kuyidhi Orda Oo Raadiya Dadkii Kastamarka Inoo Ahaa Iyo Taageerayyaashii Xisbiga Kulmiye Gaar Ahaan Beeshii Aynu Jeegaanta Isku Ahayn Ee Aan Shirkadohoodii Xidhay Shaqaalohoodii Eryey Hudheeladoodii Xidhay Gudoomiyii Xisbigii Kulmiyena Aan U Diidey Ee Balantii Kaga Baxay.

Orda Oo Raadiya Oo Wadahadal Lafura Si Aynu Rajadii Xisbiga Usoo Celino Marlabaadna Kursiga Ugu Soo Laabano.

Hadaba Waxaan Talo Ahaan Odhan Lahaa Madaxweyne Wakhtigii Dalka La dhisi Lahaa Iyo Waqtigii Xisbiga Ladhisi Lahaa Labadaba Way Dhaaftay Waqtiguna Waa Gebgebo Sanadbaa Kuu Hadhay Wax Maanta Lagaa Qorayaana Majiraan Waayo Marka Naftu Qarqarada Soo Gaadho Dadka Waxba Lagama Aqbalo.
Markaa Anigoo Kuu Nasteexaynaya Waxan Ku Odhan Lahaa Odayaasha Ha Lugoyn Arintu Halkii Wax Laga Qaban Jirey Way Dhaaftay

Jawaabta Maanta Ku Hortaala Ama Ku Khusaysaana Waxay Noqonaysaa

Kelmedo Kujirey Gabay UU Nin Hore Tiriyey Oo Ahaa

Muusow Tolimo Waa Jeclaa Waydinkii Jaraye

Waataa Jardheer Kala Baxdeen Jixinjixeeniiye

Janadii Ilaahbaa Hayee Jidhida Iimaanso

Qodobka Labaad Waxaa Igu Maqaala ah Inuu Madaxweynenuhu Wasiirada Qaar Eryayo Qaar Kalena Magacaabayo.
Hadaba Arintani Hadii Ay Jirto Madaxweyne Muuse Waxaan Talo Ahaan Odhan Lahaa

Madaxweyne Hadii Dheriga Dhardhaarada Loo Kala Bedelo Raashinku Ma Macaanaado
Dalkuna Maanta Wasiiro La Bedelo Iyo Wasiiro La Magacaabo Uma Baahna Ee Wuxuu U Baahanyahay In Adiga Lagu Bedelo Maxaa Yeelay Intaad Adigu Meesha Joogto Waxba Isbedeli Maayaan .

Markaa Madaxweyne Waxaan Kugula Talin Lahaa Inaanad Iska Eryin Wasiiradii Aad Hore Usoo Xularay Ee Bilaa Aqoonta Iyo Bilaa Saamaynta Ah Ee Mudada Afarta Sano Ah Kula Shaqaynayey Iyo Horjoogaahaasha Xisbiga Kulmiye kuu Horfadhiya Waayo Waxaan Hubaa Hadaan Adiga Lagu Bedelin Inaan Waxba Isbedelayn

Waxaan Qoraalkaygan Kusoo Geba-gebaynayaa

Kelmedo Ku Jirey Gabay UU Hore Tiriyey Nin La Odhan Jirey Axmed aw muxumud

Kaa Jeeste Shacabkii Markay Jaah Wareereene

Jibadii Horeetiyo Lawaa Jiibkii Reeraha e

Jiidhkaa Lagaa Nacay Sidii Jananki Aamiine

Jagadii Bukaasoo Kalaad Galabta Joogtaaye

Inaan Jaal Markale Kula noqdoo Jagada Kuu Doorto

Oo Aad Jawaab Naga Heshaa Waa Hal Aan Jirine

Allaa Mahadle

Abwaan Cismaan Kujare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here