Jamaal Cismaan: Nin Soomaali ah oo hirgeliyay in kor looga adimo Masaajidyada magaaladii ugu horreysay ee Mareykan ah

0

Guddoomiyaha degmada 6-aad ee Magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota, Jamaal Cismaan, ayaa ku dhawaaqay in dadaal dheer kaddib la hirgelinayo aadaanka codka dheer ee dhammaan masaajidyada.

Waxa uu sheegay in laga billaabo 24-ka bishan March masaajid walba oo ku yaalla magaaladaas loo fasaxayo inuu sameecadihiisa dusha sare ku xirto aadaankiisana laga maqlo qaybaha kala duwan ee magaalada.

Saddexdii sano ee ugu dambeeyay hal masjid oo ku yaalla magaalada Minneapolis oo keliya ayaa loo oggolaa in uu aadaanka kor u qaado xilliga lagu jiro bisha Ramadaan, loomana oggoleyn inuu bilaha kale ee sanadka sidaas sameeyo.

Haddase se maalin kasta shanta salaadood ayaa masaajidyada aadaankooda laga maqli doonaa Minneapolis oo ay ku badan yihiin Soomaalida iyo dad kale oo sidoo kale Muslimiin ah.

Waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee arrinta noocan ah laga dhaqan geliyo magaalo ku taalla Waqooyiga Qaaradda America, sida uu Jamaal qudhiisa sheegay.

Wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sharraxay sida ay ugu suurtagashay howshan.

“Markii aan xilkan qabtay, muddo hal sano ah ayaan ka shaqeynayay arrintan, anigoo la tashanayay wadaadada daggan Minneapolis, ururrada u dooda Muslimiinta, aniguna waxaan ahaa qof sharci dajiye ah, waxaana qaaday waddadii ay ku suurtagli lahayd in masjid walba oo magaaladan ku yaalla laga addimo,” ayuu yidhi Jamaal Cismaan.

Jamaal Cismaan

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Waxa uu sheegay in arrintani ay ahayd mid ay bulshadu raadineysay, “isagana uu heystay fursadda lagu hirgelin karo”.

“Sharcigan wuxuu noo fasaxayaa in masjid walba uu sameecadaha waaweyn kor ku xirto, addinkiisana ay maqlaan dadka bannaanka jooga, sida kuwa gawaarida ku jira, kuwa waddooyinka lugeynaya iyo dadka deriska ah.

“Waddankenena ama dalalka Muslimiinta ah marka aad joogtid waad maqleysaa aadaanka salaad kasta, balse Minneapolis lagama maqli jirin, dadkuna hadda waxay aad ugu farxeen hirgelinta sharcigan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Masjid

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

24-ka bishan ayaa la saxiixayaa in si rasmi ah loogu dhaqmo xeerkan.

Shaacinta sharcigan masaajidyada u fasaxaya aadaanka codka sare ah ayaa kusoo aaday xilli ay foodda nagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tallaabadan ma abuureysaa Islaam Nacayb?

Guddoomiye Jamaal Cismaan ayaa sheegay in cid walba oo xeerkan dood ka qabta ay usoo mari karto oo keliya waddo sharci ah.

“Way dhici kartaa in hal ama labo qof ay wax cusub ku noqoto, oo ay maqlaan aadaanka kaddibna dhahaan ‘waxani waa arrin cusub ee sidey wax u jiraan?’, laakiin sidaan ognahay dalkan sharci ayaa ka jira, sharcigaas ayay dadku fiirinayaan, oo ay ku soconayaan,” ayuu yidhi Jamaal.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in buslahadu aysan fileynin inay wax dhibaato ah ka dhalato tallaabadan, cid walbana la ogeysiin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here