Isbuucyaadii Ugu Dambeeyey Waxaanu Kulamo La Qaadanay Wufuud Ka Socotey Beesha Caalamka.!! Gudd. Gollaha Wakiillada C/risaaq Khaliif Axmed.

0

Dhowrkii Isbuuc ee la soo dhaafay, waxa aannu kullamo isdaba joog ah la qaadannaynay wufuud ka kala socota Beesha Caalamka iyo Hay’ado kala duwan kuwaas oo aan dhammaantood kala hadlaynay sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-shaqeyntii & iskaashigii Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland kala dhaxeeyey.

Waxa aannu la kulannay, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, Madaxa Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Hargeysa, Ergeyga Dawladda Norway, Wakiilka Dawladda Taiwan ee JSL, Wakiilka Dawladda Imaaraatka ee JSL, Madax ka socota Machadka Caalamiga ah ee Jamhuuriga IRI, Madaxda ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa.

Waxa aanu rejaynaynaa dhawaan in aannu soo celinno xidhiidhkii qotoda dheeraa ee ka dhaxeeyey Golaha Wakiilada & dhammaan daneeyayaasha geedi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo Baarlamaannada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here