Haweenayda sida qarsoodiga ah wax u barta carruurta Dcaasih?

0

Maalin kasta 09:00, Ilona Taimela waxa ay salaantaa ardaydeeda oo u sharaxdaa casharka ay maalintaa qaadan lahaayeen.

Hawl maalmeedkani waxa uu socday ilaa hal sano laga bilaabo Maaj 2020 waxana ay wadaagaan hawshan macalimiin kale oo dhammaantood u shaqeeya si online ah.

Marka laga reebo ardayda Ms Taimela markii hore waxaa wax lagu bari jiray xero lagu hayo oo ku taal waqooyi bari Suuriya – oo ah adduun ka fog miiskeeda u dhexyaalla magalo ku taal Finland.

Farriimaha ay WhatsApp-ka ku dirtay, ayay ku bartay maaddooyin u dhexeeya xisaab ilaa juquraafiga iyada oo adeegsanaysa labada af Finnish iyo Ingiriisi.

Waxay ahaayeen 23 carruur ah oo Finnish ah oo ku noolaa xerada al-Hol, oo ah magaalo aad u ballaadhan oo teendho ah oo loogu talagalay dadka xidhiidhka la leh kooxda isugu yeedha Dawladda Islaamka (IS). Ilaa 60,000 oo qof ayaa ku nool halkaas, kuwaas oo u badan haween iyo carruur ka kala yimid tobannaan waddan oo Yurub ah.

Carruurtaas qaarkood waxay ahaayeen ardaydii Ms Taimela.

“Cid kasta oo ay carruurtu yihiin, waxay xaq u leeyihiin inay wax bartaan,” ayay u sheegtay BBC-da.

Short presentational grey line

Kahor casharrada Ms Taimela, waxay heli jireen oo kaliya waxbarashada aan rasmiga ahayn ee dugsiyada ay maamulaan hay’adaha samafalka. Ka dib jabkii dhuleed ee IS ka soo gaadhay Suuriya horaantii 2019, xeradu waxay noqotay xabsi waxaa iyaguna ay maxaabiiis u noqdeen ciidamada Kurdiyiinta ee uu Maraykanku hogaamiyo.

Muddo sanado ah carruur dhalashadoodu kala duwan tahay ayaa halkaasi lagu hayay iyada oo wadamadooda ay qiimeeyeen khatarta amni ee ka dhalan karta in hooyooyinkood dib loogu celiyo dalkooda, kuwaasi oo ay ka cabsi qabaan inay wali ku sii dhiiran yihiin fikirka xagjirka ah.

Dhanka kale, carruurtan ayaa ku soo koray xaalad aad u liidata, iyada oo ay cambaareeyeen kooxaha xuquuqul insaanka oo ku tilmaamay xaalad ka baxsan bini’aadantinimada.

Qoraalka Muuqaalka,Baadhitaan ay samaysay BBC-da ayaa lagu ogaaday in carruur badan oo ajnabi ah oo ka tirsan taageerayaasha IS ay wajahaan xabsi daa’in jeelal ku yaalla Suuriya

Dabayaaqadii 2019, dawladda isbahaysiga bidix-dhexe ee Finland waxay soo jeedisay fikradda ah in hoygoodii lagu soo celiyo 30-ka carruurta ee Finnishka ah ee xeradaas ku jira.

Talaabadan muranka dhalisay ayaa siyaasad ahaan taabatay dareenka dad badan waxayna daaha ka rogtay dhibaatada sharciga ah ee ka dhalan karta kala fogeynta carruurta iyo hooyadood.

Si loo xaliyo dhibaatadan, dowladdu waxay magacawday ergey gaar ah, Jussi Tanner, kaas oo hoggaaminayay wada xaajoodka maamulka Kurdiyiinta ee maamulaya xerada.

Nidaamku wuxuu ahaa mid adag. Markii ay toddobaadyo isu beddeleen bilo, Mr Tanner waxa uu bilaabay in uu ka fikiro tallaabooyin ku meel gaadh ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda carruurtan marka loo eego sharciga Finland.

Markii masiibada Covid-19 ay ku qasabtay iskuulada in la xidho Maarso 2020, Mr Tanner waxa uu ka qaatay fikrad ku aaddan arrintaas. Isaga oo qabay haddii ardayda hab online ah wax lagu baro Finland, sidaas oo kale ma loo samayn karaa carruurta Finnishka ah ee xerada al-Hol?

The al-Hol camp in Syria

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Ku dhawaad 60,000 oo qof ayaa ciidamada Kurdiyiinta ay ku hayaan xerada Al-Hol ee waqooyiga Suuriya.

Dawladda Finland way taageertay fikraddaas waxayna u wakiishay Mu’asasada Waxbarashada Nolosha oo dhan inay horumariso barnaamijka waxbarashada ee habka online ah ku gaadhaya meelo fogfog.

Ms Taimela, oo khibrad u leh waxbarista dhaqamada kala duwan, aayaa hawshaa si habboon uga qayb qaadatay.

Waxa la xidhiidhay Tuija Tammelander, madaxa dugsiga waxbarashada fogaanta ee barnaamijkaas aasaaskiisa wadday.

Toddobaadyo gudahood, Ms Taimela iyo macallin kale waxa ay dejiyeen manhaj khaas ah. U diritaanka casharrada maalinlaha ah ee carruurta, waxay rabtay inay sare u qaaddo aqoontooda maaddooyinka asaasiga ah una diyaariso sidii ay ula qabsa lahaayeen nolosha Finland.

Si aan caadi ahayn, adeegga WhatsApp ayaa u ahaa habka keliya ee ay kula xidhiidhi karto ardaydeeda.

“Weligay sidan oo kale ma aannu samayn,” ayay tidhi Ms Tammelander, oo soo jeedisay in barnaamijku yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah.

Ardaydu waxay kaga qaybqaadan karaan oo keliya ogolaanshaha hooyadood, kuwaas oo uu la xidhiidhay Mr Tanner.

Iyadoo hooyooyinka 23 caruur ah ay qayb ka ahaayen barnaamijkan, ayaa fariimihii ugu horreeya loo diray bishii May ee sannadkii hore.

Short presentational grey line

“Subax wanaagsan! Maanta waa Khamiis 7-da (todobada)May 2020. Waana maalintii koowaad ee dugsiga ku baxaya habka online-ka!,” farriintii ugu horreysay ee ay akhriyan ayay ahayd.

Waxay adeegsatay oo u dirtay sawir ay muraayadaha indhaha laga xidho iyo maro madaxa ku xidhan tahay, iyada oo dhoolla caddaynaysa. Waxay isugu sheegtay Saara, magac been abuur ah oo lagu ilaalinayo aqoonsigeeda.

Ilona Taimela

XIGASHADA SAWIRKA,ILONA TAIMELA

Ilona Taimela's message

XIGASHADA SAWIRKA,ILONA TAIMELA

Inta badan farriimaheeda waxay ku qornaayeen Finnish, hawlaha qaarkood, emojis ayaa loo isticmaalay halkii ay ka ahaan lahaayeen sawirro xog gudbinaya.

Luuqadda Finnishka iyo xisaabta ayaa gundhig u ah manhajkeeda.

Ms Taimela waxa ay sheegtay in ay aragtay horumar ay sameeyeen ardaydeedu. Ugu dambeyntii, ilmo lix jir ah wuxuu akhrin karaa sheekooyin Finnish ah, halka ardayda waaweyni ay fahmi karaan waxyaabo badan oo kakan oo luqadda ah.

1px transparent line
Screen shots of lessons taught on WhatsApp
1px transparent line
1px transparent line

Horumarka caruurtu waxa uu ahaa maxsuulka ka soo baxay diridda iyo gaadhsiinta boqolaal farriimo ahaa oo isgu jirey qoraal iyo cod. Sababtoo ah hooyooyinka waxaa laga mamnuucay inay yeeshaan teleefannada gacanta, fariimahan waxay ahayd in laga ilaaliyo maamulka Kurdida iyo dadweynaha Finland.

Weli, Ms Taimela waxay ka shakisay inay akhrinayaan waardiyayaashu. Mararka qaarkood, hooyooyinku ma aysan soo jawaabin toddobaadyo, taas oo kor u qaaday welwelka amnigooda.

Gu’gii sanadkan, Ms Taimela waxa lumisay xidhiidhkii ay la lahayd qoysaska intooda badan. Markii qaar badan oo iyaga ka mid ah dib loo celiyay ama loo raray xerada u dhow toodii hore oo lagu magacaabo al-Roj, halkaas oo kormeeriddu adag tahay.

Ilona Taimela walking down a street

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Mu’asasada Waxbarashada Nolosha Dheer ee Finland ayaa Ms Taimela ka codsatay in ay maamusho barnaamijka wax barida carruurtan

Hadda, dugsiga Ms Taimela wuxuu ku jiraa fasax si kastaba. Xitaa haddii dhamaantood dib loosoo celiyo, ardaydeedu waxay inta badan ahaanayaan dad aan aqoon u lahayn macalinkooda sirta ah.

Ilaa hadda, waxa ay la xidhiidhay mid ka mid ah hooyooyinka, oo ay kula kulantay xarunta soo dhawaynta ee Finland, iyada iyo qaar ka mid ah ardaydeedii.

Markan, WhatsApp looma baahnayn

“Cod ahaa bay garanayeen,” ayay tidhi. “Markii hore aad bay u xishoodeen, laakiin ugu dambayntii, waxay bilaabeen inay dhabtayda ku soo fadhiistaan carruurtii, wax baanu akhrinay oo taleefoonka ka wada daawannay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here