Haweenay U Dhimatay Diyaaradii Ay Ka Shaqanaysay Oo Ay Ka Dhacday

0

Haweenay ka mid ah shaqaalaha marti-soorka duulimaadyada oo ka tirsan shirkadda Duulimaad Emarates Airline ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa geeriyootay kadib markii ay kasoo dhacday diyaarad.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday garoonka Entebe ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo la sheegay in ay kasoo fakatay albaab furan oo diyaarada ah xili ay kici rabtay. Lama sheegin dalka ay u dhalatay gabadhan.
Wakaaladda wararka AFP ayaa kasoo xigatay maamulka shirkadda Emarates Airline in xubin ka mid ah shaqaalahooda ay dhimatay.

afhayeenka ayaa dhinaca kale Sheegay in ay taageeri doonaan Qoyskii ay ka baxday haweenaydaasi isla markaana waxa uu uga tacsiyadeeyay dhimashadeeda

Laanta duulista hawada sare ee Uganda ayaa sheegtay in ay baaritaan ku samayn doonto falka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here