Hal-doorka Nabadda: Suldaan Maxamed Suldaan Faarax (Siciid Gahayr (Hargeysaawi))

0

Hal-doorka Nabadda: Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
(Siciid Gahayr (Hargeysaawi))
______________________________________________________________
Mar kale iyo qormooyinkeennii Sooyaalka Hal-doorka waxa aynu ku soo qaadanaynaa qormooyin kooban oo ku saabsan sooyaalkii Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Mahad oo ku suntan halgannadii Somaliland xorriyaddeeda kaga heshay Ingiriiska iyo Koonfurta Soomaaliya, sidoo kale ahaa masuulkii koowaad ee ku dhawaaqay hub ka-dhigista iyo nabadgelyada Somaliland ka hanaqaaday..

Suldaan Maxamed waxa uu dhashay taariikhdu markay ahayd 1921-kii, sannadkaas oo ay Soomaalidu u taqaannay Dayuuradle, sababtoo ah waxa uu ku beegmayaa markii ay Ciidamada Ingiriisku diyaaradaha dagaalka ku weerareen jabhaddii Daraawiishta ee uu madaxda u ahaa Sayid-Maxamed Cabdulle Xasan. Waxa uu ku dhashay deegaanka Hargeysa, gaar ahaanna Buuraha Naasa-hablood, oo ku yaalla jihada Woqooyi-Bari ee Caasimadda Somaliland, halkaas oo ay qoyskoodu u deggenaayeen reer-guuraannimo. Xilligaas magaalada Hargeysi ma ay ahayn mid si weyn loo deggen yahay. Hooyadiina waa Faadumo Axmed Diiriye Ammaan.

Waxa uu la dhashay shan carruur ah oo uu isagu ku lix ahaa. Carruurtaas qaarna xagga hooyo ayay ka walaalo ahaayeen, qaarna xagga aabbo. Xagga hooyo waxa ay ka walaalo ahaayeen Axmed Askar oo ifka kaga tegay 3 wiil, oo tarmay, kuwaas oo ay maanta carruurtoodu gaadhayso 20.

4ta kale ee ay xagga hooyo iyo aabbaba ka walaalaha ahaayeen saddex ayaa tarmay, waxaanay kala yihiin Maxamuud Suldaan Faarax iyo Aadan Suldaan Faarax oo labadooduba nool hadda, iyo Muxumed Suldaan Faarax oo geeriyooday. Waxa Jabuuti ku geeriyooday isaga oo dhallinyaro ah, xaasna aan yeelan Axmed Suldaan Faarax.

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu guursaday laba xaas, iyada oo marwadiisa koowaad ay ahayd Sahra Xaaji Jaamac, oo aabbeheed lagu naaneysi jiray Xaaji Dhagax, oo ahaa oday caan ka ah magaalada Hargeysa. Marka la isku daro carruurta uu Alle kala siiyay Sahra iyo Suldaan Maxamed waxa ay noqonayaan shan wiil iyo laba gabdhood. Kuwaas oo kala ah

Yuusuf Suldaan Maxamed, oo aan hadda noolayn AHN oo carruurta u weynaa, waxa ku xigay Cabdi Suldaan, waxa ku sii xigay Suldaan Cumar Suldaan Faarax, waxa ku xigay Naasir, waxaana ugu yar Khadar Suldaan. Labada hablood oo dhalasho ahaan dhexda ku jira, kuna xiga Naasir waxa ay kala yihiin Rooda Suldaan iyo Faadumo Suldaan.

Xaaska labaad ee uu guursaday Suldaan Maxamed Faarax waa Xaliimo Qawdhan oo carruurteedu yihiin 1 wiil iyo afar hablood oo kala ah Keyse, Samsam, Amjaad, Farxaan iyo Gaasira. Guud ahaanna wadarta awlaadda Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa ay noqonayaan 12 ubad ah.

Suldaan Maxamed intii uu ka yaraa da’da 17 sano jir, waxa uu noloshiisa ku qaatay reer guuraannimo iyo raacidda xoolaha. Markii uu gaadhay 17 sano jir ayuu u soo wareegay dhinaca magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka bilaabay shaqo, isaga oo ka mid noqday askartii dawladda Ingiriiska ee gumeysan jirtay Somaliland. Caaqillada ayaa ka caawin jiray Ingiriiska xulista dadka loo qaadanayo askarta. Cuqaashii fududeeyay in Suldaan Maxamed ka mid noqdo askarta Ingiriiska waxa ka mid ahaa Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ay saaxiib isu dhaw ahaayeen Suldaan Faarax Suldaan Mahad oo aabbe u ah Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, wakhtigaasina waxa uu ku beegmayaa hilaaddii 1938-kii.

Suldaan Maxamed waxa uu lahaa aqoon dhinaca shiishka ah ka hor intii aanu ku biirin askarta Ingiriiska, taas oo uu ku bartay miyiga, taasina waxa ay ka turjumaysay maskax furnaantiisa. Meelihii tababarka ciidan uu ku qaatayna waxa ka mid ahaa magaalada Jigjiga. Judhii uu ka mid noqday askarta Ingiriiska waxa uu Suldaan Maxamed sameeyay horumar iyo koboc ballaadhan, waxaana markiiba la siiyay dallacaad dhinaca derejada ciidamada ah, taasoo ahayd alifle, in yar ka dibna waxa uu qaatay dallacaaddii labaad waxaanu noqday laba alifle.

Isaga oo Suldaan Maxamed ka mid ah kuwa askarta tilmaaman ee Ingiriiska, ayuu geeriyooday Aabbihii Suldaan Faarax Suldaan Mahad, taariikhdu markay ahayd 1942-kii. Wakhtigaas waxa socday dagaalkii labaad ee adduunku, Suldaan Maxamedna waxa uu markaas ku sugnaa agagaarka deegaanka Calawla, oo ku taalla dhina Bari ee Gobolka Sanaag halkaas oo uu ka mid ahaa Ciidamadii Ingiriiska ee la dagaallamayay Talyaaniga ee qabsaday inta badan waddamada ku yaalla Geeska Afrika intii uu dagaalka 2aad ee dunidu socday.

Qormada 2aad.
Maadaama oo uu Suldaan Maxamed ahaa wiilka ugu weyn carruurta Suldaan Faarax, waxa ay noqotay in loo caleemo-saaro kaalinta uu aabbihii ka baxay. Waxa lagu soo qaaday diyaarad gaar ah oo Ingiriisku lahaa, waxaana la keenay Berbera oo markii kowaad lagu caleemo-saaray. Waxa uu Suldaan Maxamed yimi Hargeysa, halkaas oo loogu qabtay munaasibad caleemo-saar oo ballaadhan, oo lagu qabtay geed ku yaallay meesha uu hadda yahay Hudheelka Hadhwanaag oo ku yaalla faras-magaalaha Hargeysa. Munaasibaddan waxa ka soo qayb galay dad farabadan oo isaga yimi deegaanno kala geddisan, oo ay ka mid ahaayeen Suldaan C/Laahi Suldaan Diiriye, Suldaan C/Raxmaan Suldaan Diiriye, Xaaji Cabdi-Waraabe, cuqaal iyo hal-door kale oo badan.

Xilliga la caleemo-saaray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa dalka ka talinayay gumeystaha Ingiriiska, Soomaaliduna ma ay aqoonnin qaabka dawladnimada ee la isku maamulo, kaalinta uu madaxweynuhu maanta ugu jiro bulshadana waxa hayn jiray salaaddiinta oo ahaa awoodda ugu sarreysa ee maamul. Maroorsiga uu Ingiriisku ku weecsaday taladuna waxa uu sababay in ay isku dhacaan salaaddiin badan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Nuur Axmed Ammaan oo Daraawiishta u galay, Suldaan Diiriye Xasan iyo Suldaan Diiriye Garaad oo Sacaaddadiin lagu xidhay markii lagu eedeeyay in ay Daraawiishta xidhiidh qarsoon la leeyihiin iyo Suldaan C/Laahi Suldaan Diiriye oo Xabsiga Mandheera loo taxaabay markii uu hor istaagay waxbarashadii Ingiriiska, waxaana gumeystaha la shaqayn jiray cuqaasha.

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu ka mid ahaa salaaddiinta ay sida weyn isaga horyimaaddeen Ingiriiska, isaga oo ka tirsanaa xisbigii SNL ee ku guuleystay aqlabiyadda 33kii Xildhibaan ee ku soo baxay doorashadii Ingiriisku dalka ka qabtay. Suldaanku waxa uu ka mid ahaa dadka sida weyn u diiddan joogidda gumeystaha, taasina waxa ay sababtay in loo maleego xadhig, laakiin taasi may suurtogelin waxaanay Suldaanka iyo nin suxufi ah oo la odhan jiray Cali Muuse u tallaabeen dhinaca dhulka Hawdka halkaas oo ay muddo lix bilood gaadhaysa ku maqnaayeen. Ciidamada Ingiriisku iskuma ay dayin soo qabashada iyo in ciidan laga daba-diro Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, waayo waxa uu ahaa nin aqoon u leh shiishka, waxaanu ahaa “sharp shooter” xilligii uu askarta Ingiriiska ku jiray. Iyagoo ka maagay in ay taasi horseeddo halis muggeeda leh. Suldaan Maxamed waxa uu dalka ku soo laabtay markii waanwaan laga dhex sameeyay isaga iyo saraakiishii Ingiriiska ee dalka joogay.

Suldaan Maxamed iyo Shirkii Muqdisho 1948
Kaddib markii uu dhammaaday dagaalkii 2aad ee adduunku sannadkii 1945-tii waxa soo baxay quwado waawayn oo kala ahaa Mareykanka iyo Midawgii Soofiyeeti (Ruushka) oo diiddanaa Gumeysiga waxaana hoos u dhacay awoodihii Ingiriiska iyo Faransiiska oo ahaa dalal gumeysi ku haysatay waddamo badan oo adduunka ku yaalla.. Taasi waxa ay sababtay inay kor u kacaan dhaqdhaqaaqyada gobanimo-doonku.

Ingiriiska oo gacanta ku hayay inta badan dhulka Soomaalidu waxa uu shir aayo-ka-talinta Soomaalida ah ku qabtay Haradigeed 1946-kii waxaana ka soo qayb-galay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Biritan. Natiijada shirkani waxa ay noqotay in Soomaalidu doonto in Talyaaniga loo dhiibo si uu xorriyad u gaadhsiiyo, iyada oo ay madasha af-duubeen ergadii ka timi Gobollada Koonfureed. Taasna Ingiriisku lama dhicin

Mar labaad, iyada oo uu socdo Hal-gankii lagaga soo horjeeday Gumeysiga Ingiriiska ee uu doorka laxaadka leh ka ciyaarayeen madax-dhaqameedka iyo siyaasiintay ka mid ahaayeen Xaaji Faarax Oomaar, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, dadka ku nool Geeska iyo Bariga Afrikana ahaayeen dad iska war haya, ayaa waxa 1948-kii safar ku tagay magaalada Muqdisho wefti ka socda Gobolladii Soomaalida ee Ingiriisku haystay oo ay tiradoodu gaadhayso konton nin. Weftigaas waxa ka mid ahaa:

1. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo u da’yaraa wefdiga,
2. Xaaji Khaliif Sheekh Xasan,
3. Warsame Suldaan Madar,
4. Suldaan Maqtal Daahir,
5. Mukhtaar Cumar Ugaas,
6. Sheekh Xasan Yabaroo, Aw Geeddi
7. Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye,
8. Xaaji Cabdi-Waraabe iyo rag kale.

Xilliga uu Safarkani dhacay oo ahayd 1948-kii, wakhtigaas waxa shanta Soomaaliyeed intooda badan gacanta ku haysay dawladda Ingiriiska, Kolkii uu Talyaanigu Xayle Salaase ka qabsaday Addis Ababa, waxa uu u soo dhiciyay Ingiriiska. Markii Talyaaniga laga adkaadayna, waxa uu Ingiriisku Xayla Salaase oo ahaa Boqorkii Itoobiya u celiyay dhulkii uu Talyaanigu ka qabsaday, gaar ahaanna inta ka baallaysa ama ka shishaysa ee dhinaca Galbeed ka xigta magaalada Diridhaba ee ay ugu sokeyso Dooxada Hawaas, NFD-na ( Northern Frontier Districts) iyo Nairobi oo Kenya ahna Ingiriis ayaa fadhiyay, Xamarna Ingiriis ayaa haystay, Dhulkii Soomaalida ee Ingiriisku haysan jiray ee British Somaliland-na Ingiriis ayuu gacanta ugu jiray, Jabbuti oo uu talo ku lahaa maaha’e Afarta Soomaaliyeed ee kaleba Ingiriis ayaa gacanta ku hayay, kolkaas waxa uu Ingiriisku damcay in uu dhammaan Soomaalida mid ka dhigo, oo uu isagu inna tilmaamo, macallin-na inoo noqdo, shirkaas uu Ingiriisku qabtay waxa lagu qabtay Dig, dadka shirka ka qayb galayna waxa ay isugu yimaaddeen Dig, dadkii halkaa ku shirayay waxa ay is tuseen isna tusaaleeyeen in aanu Ingiriisku sii dayn doonin, xorriyadna siin doonin Soomaalida, haddii uu Ingiriisku gacanta ku wada dhigo Soomaalida.La soco qormada saddexaad haddii Alle idmo…… Haddii aad hayso xog ku saabsan Suldaan Maxamed Faarax ku soo hagaaji

Qaybta 3aad
Ingiriisku waxa uu sameeyay urur loo yaqaannay SYL oo ka koobnaa 13 nin, oo idilkood geeriyooday, waxaanu ku yidhi “SYL-eey walaalo ayaad tihiin, ee Soomaalida midnimadeeda raacdeeya”, rag badan ayaa diiday oo ka soo horjeestay in wada shaqayn lala yeesho SYL, raggaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdiraxmaan, Xaaji Cali Yoonis, Qaadi Ibraahin, iyagoo raggaasi ku doodeen in aanay isku dhaqan ahayn SYL iyo Bulshada British Somaliland.
Calanka Soomaaliya waxa laga taagay hoyga Xaaji Khaliif Sheekh Xasan, waxaana keenay Aadan Cabdulle Cismaan. In la dejiyo calanka Soomaaliya ee buluugga ah waxa diiday Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye oo yidhi “La dejin maayo Calankaa Soomaaliyeed ee Buluugga ah, ee nabadda wada”.

Soo dhawaynta Calanka Soomaaliyeedna waxa uu Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye u qalay geel, kursina wuu ugu soo fadhiistay, Calankana waxa laga taagay halka ay hadda ku yaallaan Masjidul-Jaamica weyn iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, Suldaan Cabdilaahi, Xaaji Cabdi-Waraabe iyo dadka kale ee taageersanaa calanka Soomaaliduna waxa ay calanka ku daawanayeen oo ay soo fadhiisteen ka soo horjeedka Masjidul-Jaamica iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa oo uu hadda ka dhisan yahay aqal fooq ahi, xilliga calanka Soomaaliya laga taagay Hargeysa, beelaha Somaliland, gaar ahaana Beelaha Hargeysa wada degaa iskuma ay raacsanayn in calankaas laga taago Hargeysa, waxaanay ku doodayeen in aanay reer Hargeysa iyo Soomaalida Talyaanigu haystaa aanay isku dhaqan ahayn, laakiin aan sida aan soo xusnay waxa calanka Soomaalida aqalkiisa u furay, oo aqalkiisa korkiisa laga taagay Xaaji Khaliif Sheekh Xasan, sidaas ayaana lagu soo dhaweeyay calanka Soomaaliya.

Iyada oo ay sidaas tahay, ayuu Ingiriisku damcay in uu shir u qabto Soomaalida, shirkaas oo lagu qabanayay magaalada Muqdisho waxa la qoondeeyay wefdi la diro, oo ka soo qaybgala shirka Soomaalida ee ka dhacaya Muqdisho, oo wakiil ka noqda gobollada Woqooyi, dadkii reer Hargeysa iskuma ay wada raacin in laga qayb galo shirkaas, oo badh ka mid ah ayaa diiday in shirkaas laga qayb galo, halka ay qaar kalena ka oggolaayeen in madasha shirka shirka la tago, lagana qayb galo.
Shirkaas waxa qaadacay in ay ka qayb galaan rag farabadan oo hal-door ah, kana soo jeeda beesha Sacad Muuse ee Galbeedka Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye Garaad, Qaaddi Ibraahin Sheekh Madar, Xaaji Cali Yoonis, Xaaji Maxamuud Cumar-Xaashi, Xawaadle Xaaji Madar iyo rag fara badan oo kale, raggan hal-doorka ah ee diiday in ay ka qayb galaan shirka Muqdisho ka dhacayay, waxa ay sidii aynu horeba u xusnay ku doodeen in aanay isku dhaqan ahayn ururka SYL ee uu Ingiriisku qabanqaabiyey iyo Soomaalida Woqooyiga degtaa, sidaas daraadeedna aanay ka qayb galaynin shirkaas. Taas waxaynu ku fasiri karnaa in ay beelahaasi lahaayeen aragti ka fog beelaha kale ee shirka xaadiray.

Shirkaas waxa oggolaaday in ay ka qayb galaan rag door ah oo ka soo kala jeeda beelaha Arab iyo Garaxajis, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Warsame Suldaan Madar oo markaa Suldaanimo ku shaqayn jiray, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye iyo Xaaji Cabdi-Waraabe iyo ragkale oo gaadhaya konton nin. Waxa sidoo kale shirkaas ka soo qayb galay ergo iyo wufuud ka socota Afar dawladood.

Markii uu wefdigaasi ku sugnaa magaalada Muqdisho dhawr cisho, ayaa waxa la dilay gabadhii ku caan baday halgankii lagaga soo horejeeday Gumeystaha Talyaaniga ee Xaawo-Taako, waxa sidoo kale la laayay dad badan oo caddaan ah, wefdigii Hargeysa ka tegayna waxa uu ku mashquulay ergeynta, qaboojinta iyo dejinta xiisadda ka aloosantay magaalada Muqdisho ee sababtay dhimashada.

Soomaalida uu Talyaanigu xukumayay ee loogu tegay Muqdisho waxa ay ahaayeen xilliga uu shirkani dhacayo qaar kala qaybsan, oo beel beel u kala fadhiya, Tusaale ahaan waxa gaar u fadhiyay beelaha Digil iyo Midhifle ee dega gobalada Baay, Bakool iyo qaybo ka mid ah gobollada kale Soomaaliya, waxaana isu soo dhawayntooda ka qaybqaatay, kuna qanciyay in ay midoobaan inta ay xoriyaddooda qaadanayaan, qaar ka mid ah weftigii ka tegay Hargeysa, gaar ahaan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye.
Shirkan waxa ka soo qaybgalay rag farabadan oo ay ka mid ahaayeen Garaad Maqtal Daahir oo ka yimi Carriga Ogaadeeniya, Mukhtaar Cumar Ugaas, Sheekh Cali-Jawhar, Sheekh Cali-Suufi, Sheekh Khaliif, Sheekh Xasan Yabarahe, waxa kale oo ka mid ahaa niman tijaar ah oo ka yimi Harar iyo Diridhabe, iyo dad badan oo madax ah oo kale. Dhammaan ergooyinkii kala geddisnaa waxay isku raaceen in Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye oo sheegan jiray “Suldaankii Afrika” laga dhigo Guddoomiyaha shirka, ergooyinku waxa ay Suldaan Cabdilaahi u aqoonsadeen “Suldaan Soomaaliyeed”.

Shirki markii la gudogalay waxa uu Ingiriisku ergadii shirka ka soo qaybgashay kala doorransiiyay afartii dawladood ee ka soo qayb galay shirka, isaga oo uu Ingiriisku tilmaamay, in ay Soomaalida macallin u noqon doonto mid ka mid ah afartaas dawladood ee shirka ka soo qaybgalay, waxa uu intaas Ingiriisku raaciyay in la isku dari doono, lana midayn doono Shanta Soomaaliyeed, waqtigaas waxa uu Ingiriisku in jeclaa in isaga laga dhigo dawladda macallinka u noqon doonta Soomaalida.

Laakiin Suldaan Cabdilaahi oo guddoomiyaha shirka ahaa, Ingiriiskana aad u necbaa ayaa ku yidhi “Haddii aynu hadda dawladnideenna Ingiriiska u dhiibanno, mar dhaw ka qaadan kari mayno, ee yaynaan u dhiiban”. Ergadii ka socotay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ee ay ka mid ahaayeen Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan-Cadde” iyo Cabdilaahi Ciise-na waxa ay sheegeen in aanay af aqoonnin, oo aanay garanayn sida loola dhaqmo dawladaha kale, marka laga reebo Talyaaniga, waxaanay soo jeediyeen in dawladda Talyaaniga laga dhigo macallinka Soomaalida. Ergadii shirka ka soo qayb gashay waxa ay isla garteen in ay ugu daran tahay in la kala tago iyada oo aan wax go’aan ah la gaadhin,waxaanay dhammaantood isla garteen in Talyaaniga laga dhigo macallinka Soomaalida, lana raaco talada ay soo jeediyeen Suldaan Cabdilaahi iyo ergada ka socota Koonfur. Ninka u ololaynayay in Soomaalidu isu timaaddaa, waxa uu ahaa Wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska, kana tirsanaa Xisbiga Shaqaalaha, laakiin Ingiriisku aad ayuu u dhibsaday go’aammada ka soo baxay shirkaas ka dhacay Muqdisho.

Markii shirki dhammaaday, waxa uu Ingiriisku ergooyinkii shirka ka soo qayb galay ku kala celiyay Gobolladii ay ka kala yimaaddeen, Kuwii Itoobiya ka yimi Itoobiya ayuu ku celiyay. Ingiriisku waxa uu xilligaas siiyay Itoobiya dhulka loo yaqaanno “Reserved Area” waana xilligii la sameeyay xadkan u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee mara Ina Guuxaa, Ballidhiig, Wajaale, Xariirad IWM. Ergooyinkii ka yimi Kenya-na waxa uu Ingiriisku ku celiyay Kenya, ergooyinkii ka tegay Hargeysana waxa uu Ingiriisku ku soo celiyay Hargeysa. Natiijada shirkani ma ay noqon mid la mahadiyo, waxaanay dadkii metelayay Somaliland sheegeen in la hafiyay sidaasna go’aankani ku soo baxay.

Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here