GORFEYN BUUGGA: MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN AXMED CALI “TUUR”: TAARIIKH-NOLOLEEDKII MADAXWEYNIHII KOOWAAD EE SOOMAALILAND (1931-2003)

0

GORFEYN BUUGGA: MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN AXMED CALI “TUUR”: TAARIIKH-NOLOLEEDKII MADAXWEYNIHII KOOWAAD EE SOOMAALILAND (1931-2003)

November 11, 2022

Qoraha buugga: Cabdiqani Cabdillaahi Aadan. 448 Bog. Hill Press, 2022.

Gorfeyntii: Faysal Cabdi Roble

Taariikhda bulshooyinka laba xoog ayaa sameeya. Xoog waa kan dadweynaha (forces of the masses). Midka kalena waa xoogga shaqsiyaadka sida boqorrada, hoggaamiyayaasha, indheergaradka, iyo qalinlayda. Sida aad buuggan kaga bogan doonta, Madaxweyne Cabdiraxamaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur) waxa uu ahaa shaqsi saamyen weyn ku yeeshay taariikhda Soomaalida.

Xilliyada qaarkood Soomaaliya waxay ahayd gayi loogu soo hagaago waddaniyad nuxurkeedu yahay dad is leh neeftooduna is oggoshahay. Waxa kale oy ahayd waddan aanu dadkiisu tiro badnayn laakiinse tayo la taaban karo leh. Maanta Soomaaliya waa dal burburay oo kala biiqay iyadoo Soomaaliland gooni isu taagtay. Waa sheekada buuggan iyo taariikh-nololeedkii Cabdiraxmaan Tuur).

Jidka uu qoraagu kula jibaaxayo ayaa ah arrimahaas kor ku xusan. Waa buug xogta iyo dhacdooyinka ku duugan ay ku koobayaan laba qarni oo kala ah qarnigii 20aad iyo kan 21aad. Waa sheeko-wadaag ku aaddan dhalashadii Soomaaliya, doorkii uu Cabdiraxmaan Tuur kulahaa kobcinta dawladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan waxqabadkiisii dhinaca arrimaha dibadda xilliyadii uu danjiraha ahaa, iyo kala cararkii dadkii marka horeba wax isku darsaday ee kala ahaa Koonfur iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Markaan buuggan akhriyay, gaar ahaan inta u dhexaysa cutubyada 1aad iyo ka 3aad xiiso gaar ah ayuu buuggani igu beeray. Waxa ku duuggan koritaanki iyo qaangaadhnimadii Cabdiraxaman Tuur. Runti waa xili Soomaalidu, gaar ahaan dhinaca waqooyigu, la odhan karo waxa uu ku jiray xilligii dahabiga ahaa ama “golden era.” Dhallin istaqaan, meel wax kuwada baratay sida dugsigii Sheekh oo kale, markii dambena, intooda badani Suudaan iyo Ingriiska tageen ayaa isu diyaariyey lawareegii dawladnimadii dhalatay Juun 26, 1960. Waxa ku xusan magac aan jiilka hadda nooli garanahayn laakiin ahaa miiddii ummada Soomaaliyeed. Isla jiilkaas ayaa ka qayb qaatay burburkii iyo kala biiqii Soomaaliya. Waa taariikh macaan iyo khadhaad wada socda leh.

Nolosha Madaxweynihii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Tuur waa seef labo aflay ah: Midda hore waxay ka warramaysaa taariilh nololeedkii Cabdiraxmaan Tuur gaarka u ahayd – waa will ka soo jeeda duleedka Burco, dugsi hoose kaga baxay aagga Burco, markii dambena dugsi dhexe u tagay dalka Suudaan. Waxa uu waxbarsho sare markii dambe u aaday dalka Ingriiska.

Qaybta labaad ayaa ka warramaysa curashadii, kala biiqii, iyo burburkii ku yimid Soomaaliya. Cabdiraxmaan Tuurna taariikhdaa xanuunka iyo tacadiga leh dhexda ayuu kaga jiraa.

Sida Qoraagu inala wadaagay, taariikh-nololeedka Cabdiraxmaan Tuur waxay billaabantay bartamihii qarnigii 20aad. Miyiga Burco ayuu ku dhashay (1931), 1940 naadkii oo ah xilligii dagaalkii 2aad ee adduunku soo afjarmay waddaniyaddii Soomaalinimaduna kobocday ayuu la kacaamay. Isla xilliyadaa wixi ka dambeeyey ayuu waxabarasho kala duwan ku qaadanayaa Soomaaliya, Suudaan, iyo Ingriiska ayuu nasiib u helay. Cabdiraxmaan isaga oo 72 sano jira oo soo noqday madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, safiir iyo oday Soomaaliyeed ayuu magaalada London ku geeriyooday taariikhda gaaladu markay ahayd 2003.

Xiiso badan ayuu buuggu ku galin, wax badan oonu dadku ogeyn amase intii taqaanay ay maanta da’ yihiin ayaa buuggan ku duuggan. Matalan 1948kii waxa uu Cabdiraxmaan Tuur waxbarasho u aaday dalka Suudaan. Waxa xiiso iyo xasuus mudan dadka uu ugu tagay dugsigii sare ee Suudaan ee la odhan jiray Xantuub. Waakan Cabdiqani oo ina la wadaagay jiilkii reer-Waqooyiga ahaa ee Xantuub xilligaas ku jiray:

Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) waxaa dugsiga Xaantub uga sii horreeyey shan arday oo halkaa loogu qaaday waxbarasho sannadkii 1947kii. Waa kan Cabdiqani oo arrinkan sii tibaaxaya: “Suudaan waxa loo qaatay shantii arday ee ugu sarreeyay oo kala ahaa Cabdiraxman Axmed Cali, Axmed Xaaji Ducaale, Maxamed Cali Magan, Maxamed Xaashi Cabdi iyo Axmed Maxamed Qaydka sii. Candiraxman 1948kii ayuu ardadaasi ku biiray Boggaga 62-63.

Cabdiqani oo ah qoraaga buuggan baaxadda leh si hagar la’aan ah ayuu innoola wadaagayaa magacda ka kooban miiddii ka soo kacaantay Waqooyi Galbeed ama Soomaaliland. Marka uu ka sheekaynayo xilligii uu Cabdiraxmaan Tuur danjira ahaan u shaqeeynayey (1969-1984), waa muddadii awoodda Soomaaliya ay gacanta ugu jirtay dawladdii kacaanka, waxa uu qoraagu si baaxad leh u wareysanayaa dadyawgii aad ay isku yaqaaneen Cabdiraxman Tuur. Guud ahaan dadk uu qoraagu wareystay waxay isku raaceen in uu Cabdiraxmaan Tuur ahaa nin aqoon, akhlaaq, diblomaasiyad leh islamarkaana uu ahaa xeer yaqaan. Marka aad akhrido qaybaha diblomaasiyeed ee marxuumka (la soco oo Suudan iyo Itoobiya ayuu xilliyo xaasaasi ah safiir uga ahaa Soomaaliya labadaas dal) waxaadan innaba hilmaami kareyn kartida Soomaaliyeed ee xilligaas jirtay iyo tayo iyo tacliin xumada maanta haysata hawlwadeennada u shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

In Soomaaliya u tabaabushaysato dagaalkii lagu xorreynayay Soomaali Galbeed, ayuu qorayaa Cabdiqani, Cabdiraxmaan Tuur qayb muhiim ah ayuu ka qaatay. Ubucda Itoobiya, sirteeda ayuu si gaar ah u helay. Si uu doodda arrinkan u xoojiyo waxa uu Cabdiqani xigasho dheer ka la soo baxay wareysi laga Qaaday Cabdillaahi Xasan oo ahaa Guddoomiyihii Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbee. Bogga 106.

Cutubka saddexaad waxa uu qoraagu kugula wadaagayaa aqoon hoose oo ku saabsan shaqooyinkii uu Cabdiraxmaan Tuur soo qabtay. Qaybtan waxaad si fiican ugaga bogan sawirro aadan meel kale ka helayn (rare pictures) una badan xilliyadii uu danjiraha ahaa.

Cutubka 4aad waxu ku aaddanyahay xilligii uu Cabdiraxmaan Tuur ka goostay dawladdii Maxamed Siyaad Barre madaxa ka ahaa, dhibaatooyinkii lagu hayey shacabka Soomaaliland, iyo ka qaybgalkii dhaqdhaqaaqii SNM (1984 iyo wixii ka dambeeyey). Hawlgalkii uu Cabdiraxmaan tuur u galay in uu Jeneral Maxamed Faarax Caydiid ka soo jaro dawladdii Siyaad Barre jabhad “Hawiyena” loo samaayo, sidan ayuu qoraaga buuggani u dhigay:

“Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali markaa laba qorshe ayuuu diyaariyey.” Qorshaha labaad ayaa ahaa “in halganka dibuxoreyn qaran lagu ballaadhiyo qabiillada Soomaalida, gaar ahaana reerka Hawiye samaysto jabhad, si kolkaa madaxda aanu Isaaq iyo Woqooyi kali ah ku koobnaan.” Sidaasaanu Cabdiraxaam tuur Caydiid xidhiidh ula sameeyey culays xagga dhaqaale qoyskana laga furtay, waa sida qoraagu sheegaye. Cutubkani waxa uu si faahfaahsan u qaadaa dhigayaa kobocii iyo guulihii SNM soo hoysay.

Cutubka 5aad waxa lagu tilmaami doorka uu ku lahaa dhalashadii Somaliland iyo go’aamintii, dib u dhiskii, iyo gooni isutaagga Soomaaliland maanta haysato. Waa sharraxaad dhammeys tiran (comprehensive) oo ku aaddan kaacaa-kufkii SNM, Soomaliland, iyo dibindaabyooyinkii la soo darsay curashada Soomaaliland.

Buuggan Cabdiqani qorey waa dhaxal reeb iyo keyd diiwaan galinaysa taariikh nuxur leh Soomaalida intii u dhaxaysay 1930kii illaa 2003dii. Xog muhiim ah oo la rabo in da’ walba oo Soomaali ahi akhrisato ayaa kula kulmaysaa.

 

W.Q. Faysal Cabdi Rooble

Email: faisalroble19@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here