Go,aan qaadasho iyo badheedhe culus!!!

0

Go,aan qaadasho iyo badheedhe culus!!!

Anigoo ka midda kaadirintii iyo Xisbiyahankii Ururkii Kulmiye Xisbi gaadhsiiyey isla markaasina ka mid ahaa tiirarkii ugu cuslaa ee Gudoomiye Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo taageerada weyn siiyey oo ragii Siyaasada ay isku hayeen ee Beeshiisa ahaa aan uga hiiliyey- isla markaasina jeexay dariiq mahiima oo daah furay in qabyaalada iyo Siyaasada aan laysku milin.

Waayo aniga Beeshaydu Ururkii ASAD ayey ahayd- laakiin aqoontayda, muwaadinimadayda iyo bisaylkaygu waxay si badheedha u garab joogsatey halyeygii ama Madaxweynahii hore Ahmed Siilaanyo.

Anigoo ka mid ahaa Golahii hogaaminta ee ugu saamaynta iyo waxqabadka weynaa intii Xisbiga Kulmiye jirey taariikh ahaan.

Waa Golahii Kulmiye Xisbi ka dhigay ee rag orodka fagaxda ka dheereeyey.

In badan waxaa i xaganeysey dayaca iyo Dan la,aanta weyn ee Xisbiga Kulmiye rag aan ehel u ahayn lagu soo guray- isla markaasina Xisbiyahankii midba meel laga tuuray.

Buuni iyo ragaa la hal maala ee Xisbigii Kulmiye nabarada ku dhuftay iyo shacabku hays arkaan bal.

Anigu Buuni iyo nimankaa cadaysimadaa ee aqoon iyo taageero midna hayn daba socon maayo.

29 August 2021 waxaan si rasmi ah uga hadhay Xisbigii aan doorkiisa iyo dhismahiisa wax ku lahaa, Kulmiye.

Bulshada reer Somaliland waxaan ogeysiinayaa in Buuni iyo Saaxiibadii Xisbigaa ay ragaadiyeen aan ka guurey maanta.

Waxaan dib ka soo sheegi doonaa halka mustaqbalkayga siyaasiggii noqon doono iyo cida aan Kula biiri doono dadaalkii iyo doorkii.

Sideedaba ninku saamaynta uu leeyahay iyo waxtarkiisa Siyaasigii in uu muuqdo weeye oo uu wax biirin karo.

Xisbiga Kulmiye ragaa maanta gacanta ku hayaa halkii ay u dhaqaajiyaan ayeynu bal eegnaa- Buuni iyo ragaa kale xinniinyo rag leeyahay ayey ku ciyaarayaan oo dhulka jiidayaan.

Xisbigii Kulmiye waan ka baxay halka aan Kula biiridoono waxii Alle hibada noo siiyey ee rag aan guusha kaga xoraynay halka aan kula biiri doono, waan sheegi doonaa.

Dhici mayso in aan Buuni iyo rag waxba la joogin aan ku xidhiidhsanaado.

I am not Kulmiye anymore with the reaction of the recent failure and Buuni dull influences of the Party.

My next destination will be known quite soon and I totally give up to be member of Kulmiye Party.

Do not rush to ask me where I am going to join please.

Asxaabtayda sharafta badan aad ayaan uga xumahay go,aankaa adag ee aan qaatay- waayo nin aan Kulmiye marxaladaha uu soomaray waxba ka ogeyn ayaan inuu Xisbiggii la lumo ceeb weyn ayey nagu tahay.

29 August 2021 iyo ka hadhida aan ka hadhay Xisbigii Kulmiye ee laba jeer aanu guusha ku horay.

Buuni iyo ragaasi bal aynu eegno inay Xisbiga difaaci karaan ama Guul mar sadexaad gaadhsiin karaan.

Waan u joognaa.

Saaxiibadayda aan dareenkooda hayo ee Canada, Yurub, America iyo dalkii jooga, Waan sahan tegey.

I officially declare leaving Kulmiye Party on 29 August 2021 and rejuvenate both my political wit and wisdom.

Abdilahi Hassan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here