Galmudug iyo Ahlu Sunna: Maxaa dhici kara haddii dadaalladii wadahadallada ay fashilmeen

0
Madaxweyne Qoor-Qoor iyo hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir
Qoraalka sawirka,Madaxweyne Qoor-Qoor iyo hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya oo dhexdhexaadin ka dhex waday maamulka Galmudug iyo Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud ku sugnaa 12-kii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa quus ka istaagay in si nabada lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya labada dhinac ee keenay dagaalkii lagu hoobtay ee ka dhacay Guriceel.

Saraakiisha ayaa sheegtay in wixii hadda ka dambeeya ay arinta u taalo maamulka Galmudug.

Deegaanka Bohol wuxuu magaalada Dhuusamareeb u jiraa qiyaastii illaa 30-kilomitir, waxaana hadda saldhigyo kuleh ciidamada ururka Ahlu Sunna, oo uu hoggaaminayo Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan.

Janaraal Aadan Abshir Nuure oo loo yaqaano Janaraal Laba-Afle oo ka tirsan saraakiisha waanwaanta waday oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in ay arintaas ku gacan saydheen Ahlu Sunna Waljamaaca.

.

“Saraakiil ka tirsan dowladda dhexe oo aan ka mid ahaa ayaan muddo 12 maalmood ah, waxaan u joognay deegaanka Bohol si aan ururka Ahlu Sunna ugala hadalno in wadahadal lagu dhameeyo wax walba, balse waan ku guuldareysanay oo Ahlu Sunna wax walba oo aan u sheegnay way naga diideen,” ayuu yiri Jeneraal Laba-Afle oo shalay gelinkii dambe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb.

General Laba-Afle ayaa sheegay in dhexdhexaadintii ay wadeen ay burburtay ayna arrinkaas u taallo wixii hadda ka dambeeya maamul goboleedka Galmudug.

Dadaalada ay wadeen saraakiisha ka tirsan dowlada federalka oo haatan “ka quustay” arrinta ayaa laga cabsi qabaa in ay isu bedesho dagaal markale ka dhex qarxa ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ururka Ahlu Sunna maadaama ay maleeshiyaadka Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn xarunta dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb oo lagu wado in dhawaan ay ka bilowdaan doorashada Golaha Shacabka.

Dhanka kale, BBC-da oo la xiriirtay Cabdisalaan Aadan Xuseen, oo ah madaxa siyaasadda Ahlu Sunna Waljamaaca, ayaa gaashaanka u daruuray inay iyaga nabadda diiddan yihiin.

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka,Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir

Wuxuu tilmaamay in mar weliba ay diyaar u yihiin in miiska lagu dhammeeyo tabashada ay qabaan iyo xiisadda haatan ka taagan Galmudug.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Laba-Afle uu ugu goodiyey Ahlu Sunna in la leynaayo ama ay isaga tagaan degaanka Bohol, sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalka Muuqaalka,Daawo: Wareysi guuddoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca

Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna ayaa xusay in Galmudug aysan diyaar u aheyn in laga wada-hadlo tabashada jirta, si xal loogu helo khilaafka.

Wuxuu intaas ku daray in hadda ay Ahlu Sunna 15-km u jirto caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug.

“General Laba Afle wuxuu ahaa nin aysan jirin cid soo dirsatay oo Wasiir ka tirsan Galmudug ayaa horay u cadeeyay. Madaxda Galmudug na wada-hadal ma rabaan, anagana in aan nabad rabno waxaa cadeyn kuu ah in Ahlus Sunna oo 15-km u jirta caasimadda inay ka warsugayaan Culimadii iyo Ganacsatadii dhex dhexaadinta waday,” ayuu yiri

Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in hadalka ka soo yeeray General Laba Afle, oo ka mid ah saraakiisha Xoogga dalka, inuu “uga sii darayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Galmudug,” loona baahan yahay in aan la sii hurinin xaaladda, si uusan u daadan dhiig dambe.

Maxay tahay tallaabada xigta, Mar haddii wadahadalladii Galmudug iyo Ahlu Sunna ay fashilmeen?

Goob lagala wareegay Ahlu Sunna

XIGASHADA SAWIRKA,RADIO MUQDISHO

Qoraalka sawirka,Goob lagala wareegay Ahlu Sunna

Janaraal Laba Afle oo ay BBC-da weydiisay, maaddaama ay wadaxaajooyadii fashilmeen tallaabada xigta iyo halka looga dhaqaaqayo? Wuxuu ku jawaabay: “Waxaa xiga dowladda Galmudug ayay u taallaa mar haddii annaga oo ah saraakiil ka soo jeedda deegaanka ah ay naga socon waayeen nabadeyntii aan wadnay oo aan ugu daneynaynay shacbaka iyo guud ahaan Galmudug.”

“Galmudug ayay u taallaa haddii ay wadahadal ama si kale u xallineyso arrinta Ahlu Sunna, annaga waan isaga soo baxnay.”

Muxuu salka ku hayaa dib u soo laba kacleynta khilaafka Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug?

Horraantii bishii Sebteembar, waxaa magaalada Dhusamareeb dib ugu laabtay hoggamiyeyaasha Ahlu-sunnah.

Maclin Maxamuud iyo sheekh Shaakir, waxay halkaas u tageen siyaaro sida ay sheegeen madaxda dowladda Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay hoggaamiyayaashan in ay colaad abaabuleen islamarkana ay ciidamo uruursadeen.

Ka dibna wuxuu dagaal ka dhacay deegaanka Bohol, kaas oo dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunnah.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay ka dibna Ahlu Sunna waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel, halkaas oo markii dambe uu ka dhacay dagaal sababay khasaare naf iyo maalba leh, ka markii ay la sheegay inay fashilmeen wadahallo lagu doonayay in Ahlu Sunna looga saaro magaalada.

Hase yeeshee dagaalka ka dib waxay Ahlu Sunna ka baxeen magaalada, waxayna saldhig ka sameeyeysteen deegaanka Bohol ee duleedka magaalada Guriceel oo ay haatan ku sugan yihiin dagaallamaayasha Ahlu Sunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here