“Gaadhigu Muu Jiidhin Guriga Guddoomiyaha ee Dayrka Masjidka ayuu ku dhacay anaga oo badbaadinayna Arday”

0
Darawalka Waday gaadhiga jiidhay Dayrka Masaajidka ku yaala duleedka Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa u sheegay shabakada wararka ee Sagalnews in shilka baabuur uu ka dhacay ka dib markii iyaga oo ka yimid dalcada dhinaca xero awr uu ka hor yimid gaadhi siday arday, kaas oo ay dhinac uga duween si ay u badbaadiyaan baskaasi ay saarnaayeen ardayda tirada badan, hasayeeshee uu mid kale uu hadan ka hor yimid, dabadeedna ay qaateen go’aan ah in ay dayrka masjidka jiidhaan.
waxa uu xusay darawalkani in gaadhigu uu la galay masjidka isla markaana aanay jirin sida wax loo dhigayaa.
“Gaadhigu Muu Jiidhin Guriga Guddoomiyaha ee Dayrka Masjidka ayuu ku dhacay anaga oo badbaadinayna Arday” ayuu yidhi darawalku.
Shilkan ayaa warkiisu uu ku faafay baraha bulshadda, waxaanu durba abuuray hadal hayn badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here