FALANQAYNA BUUGA GEEDIGII CABDIQAYS.

0

FALANQAYNA BUUGA
GEEDIGII CABDIQAYS.
Hal kale,mid kale,iyo dhigaal qiimo leh, ayaan ku nasiyey indhahayga maalmahan,wuu i cajab geliyey,iguna abuuray xiise fog oon islahaa beryahaa kumuu haleeleen, ee wuu kugu soo degdegay,GEEDIGII CABDI QAYS,waa dhigaal lagu ururiyey,suugaantii iyo taariikhdii cabdi aadan xaad(cabdi qays).waxa uu ku dhashay XAGAL oo duleedka galbeed ee Hargeysa ku taal, qiyaastii 1948dii,wuxuuse ku koray kana soo arbaaray Hargeysa, hakaasoo uu malcaamadii shiikh baraawe ka soo galay, quraanka iyo carabigana uu ka bartay, waxaanu cabdi fanka ku biiray isagoo aad u yar lixdanaadkii qarnigii labaatanaad, waxaana soo dhiiriyey gacan qabtayna abwaan Saxardiid Maxamed Jebiye, oo ka mid ahaan jiray kooxdii WALAALO HARGEYSA.bilowdayna fankii Somaliland afartanaadkii, buuganina wuxuu ka mid yahay murtida iyo taariikhaha dhigaalka inoo galay, nasiibkana aynu u yeelanay inay inoo dhawrsanaadaan,ummadda Soomaaliyeed meelay joogtaba waxay ahayd hadal ku nool,badibana taariikhdeedu waxay ku urursanayd hadal iyo suugaan,waana taa sababta loogu bixiyey bulshadii gabayada,waana ta ay inbadan ku soo caano maashay ,balse maanta taa way ka duwan tahay,waxayna u qalab qaadatay inay noqoto umad wax qorta,waana taas ta lagu kala baydhi waayey.
Aan dib idiinla soo noqdee buugan la baxay GEEDIGII ABDI QAYS,waxaa isugu keen hawlay wakhti badana geliyey,ururiyey,habeeyey inoona soo bandhigay CALI MAXAMED YUUSUF(CALI GUREY) waan uga mahad celinayaa dedaalkiisa naf hurnimada leh, ee uu inoogu hibeeyey dhigaalkan, gundhiga balaadhan leh, ee uu meel qudha inoogu soo ururiyey taariijhdii iyo suugaantii abwaan CABDI AADAN QAYS, intii la heli karaayey.
Iyadoo aan tabar iyo itaal midna ina gabin, wax qabad la’aanteena, shaqo aynu isku canaannan lahayn ayuu inaga furtay, inoo qabtayna,sidaa daraadeed wuu geyaa mar labaad inaan idhaahdo mahadsanid, waayo meel wanaagsan oo gundhig u ah in wax laga bilaabo ayuu inooga sees dhigay, waxaanay inoo noqon doontaa gundhig wanaagsan, iyo ku dayasho toolmoon,waxaynu ku biirin doonaa wixii aynu gefnay,khaladnay,lumay ee la helay iyo intii inaga dahsoonaydba,waxaa kaloo aynu ka tilmaan dhiganaynaa inaan kuwa danbe ee dhexdeena qaaliga ku ah,magaca inagu dhex leh, iyo taariikhaha mucjisada leh oo dhan, aynu wakhtigeeda u qalin qaadano,qorno oo diyaarino intay markhaatiga leedahay, ururinana inta la xasuusan yahay, wax danbena waa dhacdee aanay cidla inagaga lumin.
Waxaynu caawa waa halkane aynu ku falanqayn doonaa buuga geedigii cabdiqays, ee uu qoray mujaahid qoraa Cali Gurey, intii aan milicsanayey wixii igaga soo baxay dhaliil iyo amaanba.
Marka laga tago gogoldhiga buuga,oo uu qoraagu u qaybiyey 1.WAA KUMA CABDI QAYS,2.ARAR IYO AFEEF, IYO 3.MAHADNAQ,Waxa uu ku soo saaray buuga sadex marxaladood oo kala ah
1.Marxalada koowaad, CABDIQAYS IYO JABUUTI 1966kii
2.marxalada labaad, CABDIQAYS IYO HARGEYSA 1970KII
3,marxalada sadexaad,CABDIQAYS IYO MUQDISHO 1978kii.
Inkastuu sameeyey heestiisii u horeysay una qabtay radio Hargeysa 1963kii taasoo la odhan jiray hooy hooy habawsaneey dadka qaarna u yaqaaneen beel hayaantiyo adhay horaysaa, waxaa wada qaaday hibo maxamed iyo cismaan gacanlaw, ayuu 1966 rawaayad uu alifay walaalkii cabdilaahi aadan uu u raacay jabuuti, maadaama uu isagu hargaysa qoraalka riwaayadaas uu ku hayey, waana sababta uu ku tegey jabuuti,sidaasi ayaanu markii danbena uu reer jabuuti ku noqday, jilayaashii riwaayadaana uu kaga mid noqday sida ku cad boga 26aad ee dhiganaha GEEDIGII CABDIQAYS,qaybtani waa marxalada qoraagu u baxshey marxaladii jabuuti ee 66kii, wakhtigan hadaba uu noqday reer jabuuti waxa uu noqday fanaan luxdan,iyo abwaan leelsan oo lamahdiyey reer jabuutina ay Ad ujecel yihiin, balse muu ahayn mid aadlooga yaqaanay dhamaan degelada soomaalida isaga iyo suugaantiisaba waana sababta aan aad loogu aqoon heesihiisii uu xilagaa uu ku qaaday jabuuti xitaa markaad eegto qoraalada heesahii wakhtigiisii jabuuti dadkii jamhuuriyadu aad umau aqoon, waxaa taa kuu muujinaysa boga 43aad eedhiganaha waxaa ku xardhan hees uu qaaday abwaanku ee WAAN U CIIDI LAHAA, oo uucuriyey 1967kii isla boga 46aa ayay hadana soo laabatay isla iyadii, waxaanan is leeyahay heesta oo aan ahayn mid caan ah ayaa sababtay soo noqnoqoshadeeda, waxaan kaloo is odhan karaa waa khalad daabacaada ah.
Buuga markaan eegay wuxuu ka kooban yahay 382 bog oo muc iyo marti ku dhitaysan tahay aadna loogu fara yaraystay, waxaan islahaa ka gayoon maysid akhrintiisa iyo xiisahiisa labadaba,wase halkan meesha aan ka dareemay khaladkiisa ugu wayn, wakhti gaaban ayay igu qaadatay inaan ku gebagebeeyo, taasoo aan u sababeeyey inaan heesuhu lahayn faalooyin ama idil ahaanba suugaantu ay qurux iyo dheeh u tahay sharaxaadu, taasina way ka maqan tahay, waxaa kaloo meesha ka maqan, u abtirinta heesaha xiligay soo baxeen,cida laxamadooda agaasintay,haday riwaayad ku jirtay iyo hadii kaleba,sababta ay ku timid iyo cidii qaadayba.
Dhamaantood intaniba xawaash bay u tahay buugan qurxinaysa,sheekooyinkaasina waxay akhristaha ku kordhinayaan wakhti uu ku qaato fahanka heesta,midhaha iyo erayada oo uu xerodhaamiyo,iyo micnaha iyo tuducyada oo uu fiiro dheer u yeesho,isla iyo markaa isagoo qaafiyadana halkeeda ku adkaynaya,waxaanay ku kordhinaysaa, xiise uu u qaado buuga iyo kalgacal waana sabab dhallin karta in laysu soo tilmaamo,buuguna uu ka mid noqdo ku wax dheer buugaagta kale, hodantinimada buugu dhan kastaba,iyo docwalba waa illo aqooneed soo burqnaya,ta kale waan kula waafaqsanahay in maskaxda qofka aadanaha ahi xusuusaha lumin karo, markastoo qofku sii waynaadaba, inkastoo cabdi qays uu Hadraawi xusuus wanaag ku majeeran jiray hadana weli wuu noolyahay abwaanka Buugan laga qoray, inbadana waa laga heli karaa sababaha heesuhu u curteen(uu u sameeyey) sida bogaga 109,110,111 sida farshaxanka leh ee loogu qaadaa dhigay labada heesood ee ADUUNYOOY XAALKAA BA’ IYO AAKHIROY XAGEEBAAD NAGA XIGTAA,heesahaha sharaxa leh iyana waxaa kamida SOO JIIDH WANAAGAA eeg boga 141aad,iyo sida miisaanka leh ee loo sharaxay hordhaca sooyaalkii siinlayda ee todobaatanaadkii, heesahani dhamaantood waa qaar nafta soo jiidanaya ugu yaraana aad dareemayso, inaad heshay warbixintii aad uga baahnayd heesahan uu tiriyey cabdi qays,oo in badan dhegaysi uun nagaga koobnaa sidaa si lamida ayay inta kalena (heesaha kalena)u baahnaayeen sharaxaad dheeraada iyo warbixin siyaado ah,waxaanse filayaa in daabacaada danbe horumar wayn laga sameeyo.
Intaa wixii soo dhaafa qoraaga aad baan uga mahad celinayaa, inuu qoraalka buugan, oo dib macalin iigu noqday ina baray heeso badan oo aanan aqoon cidii samaysay aanse ogaaday maanta inuu cabdiqays lahaa, sida SOO DHALO HOOYO iyo shamuuri GODOBTA BOSNIA oo uu qaaday shamuri
SOO JIIDH WANAAGAA,AMA JEENIGAA KU SOO QAAD
AMA OODA SOO JEBI
DHAAXAAN BELO, U JOOGEE iyo maxamed mooge liibaan,waxaa kaloo kamid ahaa
NAFYAY JIIDH AMA JOOG
JARBAA KAA HOREEYEE oo uu qaaday maxamed Axmed Kuluc DAYIXII MADOOBAA WELI NUUR MASOO DIRAY,DUQII SAMADA YAALIYO,AWRKII MA DOOGSADAY,waxaa qaaday Axmed Cali Cigaal iyo khadra Daahir,sida aan hore u idhina buugani waa dhigaal taariikhda umadan sumad u ah dhaxalna u noqon doona bulsho waynta soomaaliyeed ee sooyaalkan lahayd.
Qaybtan sadexaad akhristow waa qaybtii ugu danbaysay buuga waana muqdisho 1978 iyo cabdiqays waana amintii qarankii Soomaaliyeed furfurkiisu bilaabmay,waxaa dhacay xiligaa dagaalkii xabashida ee 77kii inqilaabkii dhicisoobay ee 78dii ee ciro iyo kooxdiisii,aargudashadii kacaanka ee beelaha gaarka ah lagu qaaday, ,dibusoo faqii qabyaalada iyo reerihii dadka dib loogu qaybiyey,iyo abaabulkii,samayntii iyo halgankii gacan ka hadalka ahaa ee jabhadihii,in kastoo aanu Cabdiqays bixin sida saaxiibadii Hadraawi iyo Gaariye, hadana hawlahaas aad ayuu uga qayb qaatay,af iyo ficilba sida dhigaalka ku cad.
Wakhtiyadan oo kubeegnaa soo dayntiisii xabsiga Cabdiqays waxa uu xooga saaray dhanka suufiyada oo uu jilbaha u aastay waxaanu iska soo daba saaray heesihiisii qasaa’idka ahaa ilaa uu ku sikto in lala qabto Ismaaciil cali abokor madaxwayne ku xigeenkii hore ee J.D.S. habeenkii gurigiisa laga qabanayey, wakhtiyadaana inuu isdaad raaciyo waa uu ku khasbanaa, waxaanu saaxiib ka dhigtay cidkasta oo loo tuhunsanaa ama uu wehel la noqon karaayey, kooxihii xukuumada ku abtirsanayey,si uu gabaad uga yeesho.
GEEDI SHAANBOW,DERDER,DARMAAN IYO DALXIIS iyo qaar kaloo badan ayuu ka dhigtay markii danbe hubkiisa laba dhacalaha ahaa,wixii intaa ka danbeeyeyna waxaa ugu caansanaa labadiisii heesood Saado Cali iyo Khadra Daahir qaadeen WAXBA IILAMAAD HADHIN iyo LABADEENA KALA DHEER
Cabdiqays wixii intaa ka danbeeyey hayaankii tahriibkuu ka qayb galay.
Buugu sidiisa kale aad ayuu u hodman yahay waana mid habkiisa iyo hanaankiisuna sareeyo hana dhayalsan Buugani waxa
Uu sidaa murtidii mid ka mida hal abuuradii ugu qanisanaa geyiga waa CABDI AADAN XAAD QAYS.

Waxaa qoray
Maxamed yaasiin maxamed
Myaasiin143@hotmail.com
Belguim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here