Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Uu Leeyahay Khiyaarku

0

KHIYAAR(CUCUMBIR)
Kingdom: Plantae
Family: Cucurbitaceae
Order: Cucurbitales
Botanical Name: Cucumis sativus.

Botanical Name: Khiyaarka (Cucumis sativus L.) waxaa uu kamid yahay qoyska Cucurbitaceae, waana mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan
Qoysaska dhirta.
Cucurbitaceae wuxuu ka kooban yahay 90 qaybood iyo 750 nooc.
Cucumis waxaa ku jira ku dhawaad 40 nooc oo ay ku jiraan saddex nooc oo muhiim ah oo la beero (ie, C. anguria L.gherkin], C. sativus [khiyaar], iyo C. melo L. [cantaloupe]).
Khiyaarku waa dalag khudradeed, muhiimadda dhaqaale ee ay leedahay way kala duwan tahay marka loo eego qaaradaha iyo wadamada adduunka. Waxay caan ku tahay Yurub, USA, USSR iyo Aasiya.
Khiyaarku waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa Aasiya, halkaas oo lagu beeray cunto ahaan ugu yaraan 3000BC oo sano. Waxaa lagu soo bandhigay Shiinaha 100 BC. Waxa uu soo galay Faransiiska qarnigii 9aad.
Dhirta kale ee muhiimka ah ee kamid ah qoyska Cucurbitaceae waxaa kamid ah qaraha ama xabxabka (Citrullus vulgaris Schrad),muskmelon (Cucumis melo L.), squash iyo bocorka ama aaraadubaha (Cucurbita pepo L., C. mixta Pang., C. moschata Poir., iyo C. maxima Duch.
Qajaarku waa cucurbitaceous caadi ah waana khudradda xagaaga la goosto
Waxa kale oo loo isticmaalaa sida khudaarta la kariyo. Midhahan waxay u fiicanyihiin dadka la dhibaataysan calool istaaga, cagaarshow iyo khal khalka dheefshiidka.

Cimilada
Khiyaarku waa dalagga xilli diiran wuxuuna Ku baxaa oo ugu fiican heerkulka 18-24 C, umana adkeysankaro dhaxanta.
Khiyaarka waxaa lagu beeri karaa dhammaan noocyada ciidda laga bilaabo
ciid ilaa carro culus. Loam, dhoobo ah iyo carrada dhoobada ah ayaa ugu fiican si loo helo wax soosaar sare.

Carrada (Ciida)
Khiyaarku wuxuu ku fiicanyahay (sandy loam soils) ciidda dhoobada bacaadka ah ee dabacsan, lkn waxaa lagu beeri karaa ciid kasta oo si fiican u bacrinsan. Khiyaarka waa in lagu beeraa meel qorrax buuxda leh Sababtoo ah xididadoodu waxay gaadhaan 36 ilaa 48 inch oo qoto dheer ah, khiyaarku wuxuu sifiican ugu baxaa carrada khafiifka ah ee si fiican loo bacrimiyay, oo ay ku badan tahay maadada organic oo leh pH 6 – 6.8.
Diyaarinta
Ciidda waa in si fiican loo qodo 3-4 jeer iyada oo lagu qodayo qalab.
Seed rates (Heerka Abuurka):
 2.5 ilaa 3.5 kg/ha.
Waqtiga beeridda(Time of sowing):
Khiyaarka waxaa la beeraa xagaaga iyo xilli roobaadka labadaba.
 Dalagga xagaaga: Janaayo ilaa Febraayo.
 Dalagga xilli-roobaadka: June ilaa July.
Kala fogaynta (spacing):
 1.5 ilaa 2.5m (row-row) x 60 ilaa 90cm (plant-plant).

Beerista
Koritaanka khiyaarku waa mid gaaban, wuxuu na u dhexeeyaa 55-60 maalmood,haddii lagu beero green house 70 maalmood ayuu ku baxaa.
Beeristu waxay kuxidhantahay habka koritaanka, heerka bacriminita,kala duwanaanta iyo habka goosashada
Heerkulka: heerkulka ugu fiican waa
 habeenkii waa 19-20C,
 maalintiina 20-22C.
 Heerka kobaca dalagga(khiyaarku) wuxuu ku xidhan yahay celceliska 24-saac.
.
Celceliska heerkulka hawada maalinlaha ah ee ugu wanaagsan waa 15-24°C (65-75°F). Heerkulka ugu wanaagsan ee habeenkii, qiyaastii 18°C, maalintiina, qiyaastii 28°C.
Biqilka
Biqil: (Seeds) biqilka midhaha khiyaarka marka beero waxay ku soo baxaan saddex maalmood gudahood sida ugu fiican.
Biqilka ugu fiican,heerkulka ciidda waa inuu ahaadaa ama ka sarreeyaa 15°C (60°F).
Waraabka
Wax-soo-saarka ugu badan iyo tayada midhaha ugu fiican waxay ku xidhantahay helitaanka biyo ku filan.
Ujeedada waraabintu waa in geedku helo biyo ku filan xididdada geedka.
Waraabinta joogtada ah ee maalinlaha ah waxay keentaa in geedku bixiyo midho tayo leh.
waxaad qiimeyn kartaa waxtarka biyaha iyadoo ku xidhan nooca ciidda iyo xaaladaha koritaanka, qiyaastii 25-50 mm oo biyo ah todobaadkii ayaa loo baahan yahay si loo helo midho tayo sare lehm,pH-ka biyuhuna sidoo kale waa muhiim waana inuu u dhexeeyaa 5.5 iyo 6.0.
Noocyada ubaxa
Waxaa jira noocyo ubax ah oo kala duwan:
 Male flower( ubax lab).
 Female flower (ubax dheddig).
 Hermaphrodite (lab iyo dhedigba isku jira).
Khiyaarku waxa uu ka mid yahay dhirta monoecious oo leh ubax lab iyo dhedig oo kala duwan.
Ubaxyadu waxay leeyihiin lab iyo dheddig, dheddigu wuxuu bixiyaa midho yaryar oo aan qaangaadhin oo ku yaal gudaha ubaxa, ubaxa labkuna midna ma laha. Manka waxa u gudbiya ubaxa lab ilaa dheddig shinni ama cayayaan kale.
Goynta (harvest)
Khiyaarku wuxuu ku bislaadaa 40 – 50 maalmood gudahood, goosashadana waxay bilaabataa 45 – 55 maalmood ka dib marka la beero.

Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Cunista khiyaarka:
1. Nafaqadu aad bay ugu badan tahay; khiyaarka waxaa ku yar kalooriyada (clories) laakiin waxaa ku badan fiitamiino iyo macdanno muhiim ah.
 Khiyaar qaydhiin waxa uu ka kooban kuwan soo socda:
 Calories: 45
 Wadarta dufanka: 0 garaam
 Karbohaydrayt: 11 garaam
 Protein: 2 garaam
 Fiber: 2 garaam
 Vitamin C: 14% ee RDI
 Vitamin K: 62% ee RDI
 Magnesium: 10% ee RDI
 Potassium: 13% ee RDI
 Manganese: 12% ee RDI

2. Waxa ku jira Antioxidants; waxayna yareyn kartaa khatarta cudurrada daba dheeraada.
3. Waxa uu kor u qaadaa fuuq-celinta; waxaana ku jira biyo badan.Khiyaarka waxaa kujira qiyaastii 96% oo biyo ah Waxa uu Kaa cawin karaa Dhimista Miisaanka waxaana lagu darsan karaa cuntada fudud sida sandwich ka,sidoo kale waxaa ku yar kaloriyaasha waxaana ku badan biyaha.
4. Waxa uu kaa caawin kartaa Dhimista Miisaanka: Khiyaarku wuxuu kaa caawin inaad miisaan u lumiso adiga oo cuna khiyaar badan ama ku darsanaya cuntooyinka kala duwan, intaa waxa dheer biyaha badan eek u jira khiyaarka waxay kaa caawin karaan dhimista miisaan badan.
5. Waxa uu hoos u dhigaa sonkorta dhiiga; Khiyaarku waxa uu kaa caawin karaa hoos u dhigista sonkorta dhiigga iyo ka hortagga dhibaatooyinka la xiriira sonkorowga.
6. Waxay Kor u qaadi kartaa Joogteynta caafimaadka qabka; khiyaarka waxaa ku jira xaddi wanaagsan oo fiber iyo biyo ah, labaduba waxay kaa caawin karaan ka hortagga calool-istaagga.
7. Way fududahay in lagu daro cuntadada; khiyaarka waxaa la cuni karaa isagoo cusub ama la jarjaray. Waxaana lagu darsan karaa cunto fudud oo kaloori yar ama waxaa loo isticmaali karaa in lagu daro cunada kala duwan.

W/Q Environmentalist Aden Ahmed Hasen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here