Faahfaahinta Dagaal Mar Kale Dhex Maray Qoomiyaddaha Canfarta Iyo Soomaalida Ethiopia Wada Dega

0

Dagaal ayaa mar kale saaka ka qarxay xad ay wadaagaan labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta.

Aaga colaadda hadda ka socoto ayaa kala ah agagaarka Biyacadde oo u dhaw Magaalada Cadheyti, Tuulooyinka Shakle iyo birta dheer oo dhanka magaalada Candhuufa ah iyo tuulada Qalacle oo aan ka fogeyn magaalada Garbaciise oo bil ka hor ay dagaal kula wareegeen maleeshiyaad Deegaanka Canfarta ka soo jeeda.

Ma jiraan ilaa hadda khasaare dhab ah oo ka soo baxay dagaalka saaka iyadoo horey Canfarta ay u qabsadeen labada magaalo ee Garbaciise iyo Cadheyti oo ka mid ah sadexda magaalo ee lagu muransanaa.

(BBCSOMALI)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here