Duqa Gabiley Oo Cidlo Taagan Ka Dib Markii Ku Xigeenkiisii uu La Saftay Mucaaradka

0

Xukuumadda Somaliland ma tix Gelin Doontaa Codsiga Aqlabiyadda Golaha Deegaanka Gabiley
________________

Khilaafkii u dhaxeeyay Golaha Deegaanka ee Magaaladda Gabiley ayaa mar kale soo labo kacleeyay, kaas oo aan xal loo helin, ka dib markii si lama filaan ah uu ku xigeenkii duqa Magaaladaasi ugu biiray xubnaha Mucaaradka ah.

Dr. Cabdilaahi Ismaaciil ayaa ku biiray xubnaha aqlabiyadda ee doonaya in meesha laga saaro Mayorka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ay ku eedeeyeen in uu lugaha kula jiro fadeexado musuqmaasuq.

Xukuumadda Somaliland ayaa Xubnahan hore uga hor joogsatay in ay fadhi isugu yimaadaan si meesha looga saaro duqa Magaaladaasi.

Khilaafka ka taagan Golaha Deegaanka ee Magaaladda Gabiley ayaa ah kan sida wayn isha loogu Wada hayo, waxaana uu hadda Gabi ku soo ciiray Duqa Magaaladdaasi kaas oo uu ka dhaqaajiyay ku xigeenkiisii uu sida wayn isugu halaynayay.

www.sagalnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here