DP World Oo Shirkad Laga Leeyahay Ingiriiska Kula Shiraakoowday Dekeda Berbera

0
Shirkada Dp World iyo shirkada kale ee CDC Group Plc oo ay leedahay dawlada Ingiriisku, ayaa sheegay inay lacag dhan $1.7 Billion galinayaan sadex dekedood oo ku yaala qaarada Africa oo ay ka mid yihiin Berbera Somaliland, Dakar oo ah Senegal iyo Ain Sokhna oo iyaduna ah dalka Masar.
Sida ay wasiirka arimaha dibada ee dalka Ingiriiska Liz Truss ku baahisay bogeeda Twitter-ka, CDC Group ayaa bixin doonta lacag dhan $720 million oo dollar.
Talaabadan ayay shirkaduhu ku sheegeen in ay sare u qaadi doonto badeecadaha muhiimka ah ee ay adeegsadaan 35 million oo qof, gacan ka gaysan doonto 5 million oo shaqo oo ay ku jiraan 138 kun oo ah shaqooyin cusub oo soo kordhay ah, sidoo kalena ay soo kordhin doonto dhaqaale dhan $51 billion marka la gaadho sanadkan 2035 ka.
Xigasho: Cabdixakiim Shirwac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here