Doorashada Soomaaliya: Hannaanka lagu tilmaamay “dhac” maxay ka tiri xukuumadda?

0
Qaar ka mid ah hoggaanka Mucaaradka

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIRAHMAN ABDISHAKUR WARSAME

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabay eedeyn xooggan oo ka soo yeertay mid ka mid ah musharraxiinta mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha ee ka soo jeeda garabka mucaaradka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeeyay inuu baal maray shuruucdii doorashada.

Balse Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah wasiirka Warfaafinta ayaa ku gacan seyray hadalka Cabdiraxmaan, isagoo sheegay inuu yahay hal shakhsi oo kaliya.

Muxuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu hadal ay caro badan ka muuqatay ku sheegay in “mucaaradku aysan oggoleyn habka loo wajahay doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya”.

Waxa hadda socda ayuu sheegay in aan lagu magacaabi karin doorasho.

“Hab raaca doorashada ee qoran waxay ka billaabataa odayaasha dhaqanka. In ugu horreyn la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka, la tababaro, kaddib ay ergo xulaan, ergadaas la tababaro, nidaamkii lagu heshiiyay ee kootada ahaa ee dhinaca haweneka ama bulshada rayidka ah la caddeeyo, ka bacdi ayay imaaneysaa in xildhibaannada ay is diiwaan geliyaan.

“Waxaasoo dhan lama marin ee waxaa laga billaabay meeshii ugu dmabeysay oo ah inuu xildhibaan isdiiwaan geliyo, oo ergadii aan la aqoonin, odaygii aan la aqoonin, nidaamkii aan la aqoonin, waxaas marka waa waxay dhihi jireen ‘dhac maalin ah oo cad’, taas doorasho ma aha, magac kale ha loo raadiyo,” ayuu yiri musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku dhaliilay inuu “gabay” mas’uuliyaddii ka saarneyd kormeeridda hannaanka doorashada.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,OPM SOMALIA

Qoraalka sawirka,Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

“Doorashadu inay khalad ku dhaceyso oo aysan raacsaneyn habraacii waa loo jeedaa, Ra’iisul Wasaaraha oo ah mas’uulkii ugu sarreeyay doorashada dalkan inuu doorashadii khalad ku socota dhaho ‘waddo sax ah kuma socoto’, mas’uuliyaddaas ayuu leeyahay.

“Dalkaan markii la isku qabtay doorashadiisa iyo muddo kororsigii cid baa mas’uuliyadda lagu wareejiyay, ciddaas ayaa la rabaa marka inay kasoo baxdo kaalinteedii iyo mas’uuliyaddeedii, oo ay isugu yeerto dowlad goboleedyada ayna dhaho ‘doorashada aad waddaan mid sax ah oo habraacii saxda ahaa waafaqsan ma aha'”.

Cabdiraxmaan ayaa intaas ku daray in mucaaradku ay ka mideysan yihiin go’aanka la xiriira marxaladda doorashada.

“Annaga warqaddii ugu dambeysay ee naga soo baxday, oo kasoo baxday Golaha Midowga Musharraxiinta waxay ahayd ‘doorasho la boobaayo iyo doorasho la daahinaao oo la rabo in si gurracan loo isticmaalo ma oggolin’, waana caddeynay.”

Hase yeeshee hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya waxaa ka fal celiyay Cusmaan Dubbe oo isaana wareysi siiyay BBC-da.

Maxaa ka jira dhaliilaha ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha?

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale difaacay shaqada Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Doorasho dadban waad taqaanniin oo way iska jiitantaa, doorashada hal qof iyo hal cod ayaa hal maalin dhacda. Doorasho dadban waxay leedahay culeys dhaqaale, culeys amni culeys siyaasadeed, laakiin xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay ku socotaa waddadii saxda ahayd,” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe

XIGASHADA SAWIRKA,OPM SOMALIA

Qoraalka sawirka,Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe

Wasiirka ayaa sheegay in mucaaradku aysan kasoo horjeedin hannaanka ay doorashada ku socoto.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadduba waxay aaminsan yihiin inay shaqadii loo idmaday u hayaan sidii ugu fiicneyd ee ugu quruxda badneyd. Mucaaradku way taageereen hannaanka, way taageereen geeddi socoka doorashada, way taageereen shaqada Ra’iisul Wasaaraha laakiin qof wax taban sheegaya dunida lagama qaayo,” ayuu yiri.

Hadalka kasoo baxay mucaaradka ayaa daba socday tallaabo ay guddiga doorashada Soomaaliya warqadaha isdiiwaangelinta ku guddoonsiiyeen taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin Fareey, oo u taagan doorashada kursiga baarlamaanka.

Qoraalka Codka,Taliyaha NISA, Yaasiin fareey ayaa loo diiwaangeliyay doorashada isagoo weli xilka haya

Waxaa horay loo ogaa in habraaca uu dhigayay in saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ka haya xilalka ay khasab ku tahay inay saddex isbuuc ka hor xilalka iska casilaan ka hor inta aan doorashada loo diiwaangelinin.

Hoggaanka guddiga doorashada oo BBC-da ay la hadashay ayaa dhankooda ku dooday in habraaca ay ku socdaan uu yahay mid uu keenay waqtiga deg degga ah, waxa uuna ku adkeystay in saraakiisha ciidamada ay isasoo sharrixi karaan.

Axmed Aadan Dagaal (Safiina), oo ah afhayeenka guud ee doorashada dadban ee Soomaaliya, ayaa isagoo arrintaas ka hadlaya BBC-da ku yiri: “Madasha Wadatashiga Qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay Muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca hadda lagu dhaqayo doorashada, habraacaasna ma sheegayo in muwaadinka Soomaaliyeed ee haya xil dowladeed ama xil ciidan inuu iska soo casilo.”

Dooasada Soomaaliya oo waqtigeeda ka dib dhacday ayaa hadda ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana dhawaan lasoo gabagabeeyay howsha dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Inkastoo hadda lagu guda jiro howsha doorashada Aqalka Hoose, weli ma cadda waqtiga ay dhaceyso doorashada xilka ugu sarreeya ee madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here