Doodda Iyo Mawqifka Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Waddani Iyo Ucid

0

DOODDA IYO MAWQIFKA XISBIYADA MUCAARADKA AH EE WADDANI IYO UCID

 

Faah-faahinta doodani waxa ay si kooban u taabanaysaa arrimaha sharci iyo xaqiiqooyinka ku gedaaman Ajandaha kala ah:

 

  1. Doorashada Madaxtooyada,
  2. Doorashada Ururrada siyaasadda iyo Xisbiyadda Qaranka,
  3. Komishinka Doorashooyinka Qaranka Iyo
  4. Ku tumashada Xuquuqaha aasaasiga ah, Hab-dhaqanka xadgudubka ah ee xukuumadda iyo tacadiyaddii lagula kacay xisbiyada mucaaradka iyo muwaadiniinta.
  5. DOORASHADA MADAXTOOYADA:

 

Doorashada Madaxtooyadu waa doorasho Dastuuri ah oo ka mudan dhammaan doorashooyinka aan Dastuuriga ahayn. Doorashada Madaxtooyada waxaa u diyaar ah qabashadeeda dhammaan waxyaabaha ay u baahan tahay oo ay ka mid yihiin; Xeerka Guud ee Doorashooyinka ee Xeer Lr. 91/2020 oo ah xeerka lagu maamulo dhammaan doorashooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer aqoosan yahay, kuwaas oo kala ah:

  1. Doorashada Madaxtooyada;
  2. Doorashada Golaha Wakiilada;
  3. Doorashada Golayaasha Deegaanka.

 

Ma jirto wax, habayaratee, ka dhiman doorashada Madaxtooyada, muddada ay qabsoomayso doorashada Madaxtooyadu waxa ay ku cayiman tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qoddobkiisa 88aad faqradda 1aad iyo Qoddobkiisa 10aad ee Xeer Lr. 91/2020 oo sheegaya in muddo xileedka Madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisu ay yihiin shan (5) sannadood oo ka bilaabmaysa maalinta la dhaariyey, waxa uu Dastuurku waajibiyey in doorashada Madaxtooyadu dhacdo bil ka hor maalinta xilka Madaxwaynuhu ku eg yahay sida ku cad qodobka 83aad faqraddiisa 2aad.. Doorashada Madaxtooyada waxaa u diyaar ah Xeerkii iyo miisaaniyaddii doorashada lagu qaban lahaa oo ku jirta miisaaniyad sanadeedka 2022ka. Sidaas darteed, qabsoomidda doorashada Madaxtooyada waxa ay u baahan tahay oo keliya in Madaxwaynuhu aannu carqalad hor dhigin ama ku furin. Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyadu waa waajib qaran fulintiisuna waa waajib dastuuriya.

 

Doodda Qodobk Doorashada Madaxtooyada JSL, waxa aan ku soo ururinaynaa:

 

  1. Doorashada Madaxtooyadu waxa ay muddeysan tahay 13ka November 2022 oo ah 10-ka sannadood ee Xisbinnimada dhexdooda ah, taas oo ah inay doorashadaas ka qaybgalayaan 3da xisbi qaran ee sharcigu u ogolyahay (UCID, Kulmiye iyo WADDANI).
  2. Qabashada doorashada Madaxtooyada sharci ahaan iyo farsamo ahaan ba waa diyaar oo waa loo hayaa xeerkii lagu qaban lahaa, mana aha doorasho cusub oo aan Jamhuuriyadda Somaliland hore looga qaban. Saddex doorasho Madaxtooyo oo hore ayaa dalka laga qabtay uguna dambaysay middii lagu doortay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka hadda xilka haya.
  3. Ma jirto duruuf, caqli saliim ah iyo xeer yaal toonna oo keenaya in doorashada diyaarka ah dib loo riixo si waqti loogu helo doorasho aan xeerkeedii ool, isla markaana ah mid ku cusub dalka oo diyaar garowgeeda iyo dejinta xeerarkeedu uu qaadanayo waqti badan oo aan la garanayn inta uu noqon doono.
  4. Waxaa curad ah oo hore u dhacday, in iyada oo mudnaanta ay Qaranka u leedahay la eegayo, doorashadii deegaanka oo wakhtigaa muddaysnayd dib loo dhigay oo laga soo hormayiyay doorashadii Madaxtooyada ee 2009kii, heshiiskii Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadii UDUB, balse waa arrin aan sharci ahaan iyo caqli ahaan midna aan sax ku ahay in doorashadii Dastuuriga ahayd ee weliba mudnaanta iyo muhiimadda qaranka u lahayd laga soo horreysiiyo doorasho toos ah oo xeerarka doorashooyinka ka soo horjeedda.
  5. Maadaama oo Dastuurku caddeeyay in labo jeer oo min shan sannadood ah Madaxweynuhu isu soo sharrixi karo tartanka Madaxweynenimo oo uu xaq u leeyahay waa sababtaa darteed muddo xileedka xisbiyada looga dhigay 10 sannadood. Nuxurka sharci ee dastuurku waxa uu sheegayaa in musharixiinta Axsaabta qaranka ee kalena xaq u leeyihiin inay  labo jeer isu sharraxaan jagada Madaxweynenimo. Muwaadiniintu waxa ay leeyihiin xuquuq siman sharciga hortiisa. Macquulna ma aha in Madaxweynuhuna helo xuuqdaadaas, Murashixii la sharraxnaana waayo oo waxa ay xad-gudub ku tahay u sinnaantii sharciga.
  6. Doorashada Madaxtooyadu waa waajib dastuuriya oo ay tahay in sideeda lagu fuliyo.

 

  1. DOORASHADA URURADA SIYAASADEED IYO XISBIYADA QARANKA.

 

Tan iyo sannadkii 2002dii oo ahayd doorashadii u horreysay ee lagu furay tartanka ururada, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay tartanka ururada siyaasadeed  ku qabsoomaysay si ku lammaan doorashada Golayaasha deegaanada, xeerka dalka u yaal ayaa sidaas jideeyey, dhaqan siyaasadeedka iyo ka doorasho ee Somaliland ayaa sidaas ahaa, waxaa la qabtay tartanka ururrada laba jeer oo kala ah 2002dii iyo 2012dii. Labada jeerba xeer la’aan lama qaban doorashada Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Sannadkii 2002dii waxa doorashada lagu maamulay Xeer Lr. 14/2001. Sannadkii 2012dii waxaa doorashada lagu maamulay Xerer Lr. 14/2011. Iminakana doorashada soo socota ee Ururrada iyo ansixinta Axsaabta Qaranka ee go’aanka maxkamaddu tooska ka dhigay kana reebay doorashada goleyaasha deegaannada Xeer la’aan lama qaban karo.

 

2002dii iyo 2012dii Doorashada Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka  waxa lala qabtay oo ku lammaanaayeen  doorashada Golayaasha deegaanka, waxaana soo baxayey saddexda urur ama Xisbi ee ugu codka badan oo  noqon jiray saddexda xisbi Qaran  ee dalka. Waa hannaankii ay 2002dii ku soo baxeen Xisbiyada UDUB, UCID iyo KULMIYE halka sannadkii 2012dii ay ku soo baxeen Xisbiyada UCID, KULMIYE iyo WADDANI.

 

Taariikhdu markii ay ahayd 16kii January 2022ka, waxa ay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland soo saartay xukunka halkan ku lifaaqan. Xukunka Maxkamaddu waxa uu sheegay in la kala saaray tartankii Golayaasha deegaannada iyo tartankii Ururradu ku kala bixi jireen oo hadda wixii ka danbeeya in si toos ah ay u tartamayaan Ururrada/Xisbiyada Qaranka. Xukunka Maxkamaddu:

 

  1. Ma sheegin oo ma cayim goorta ay dhacayso Doorashada Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka JSL.

 

  1. Ma sheegin oo waajib kama dhigin in doorashada Ururradu iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku ka soo horreyso Doorashada Madaxtooyada.

 

  1. Ma sheegin oo ma dejin xeerka lagu maamulayo tartanka Ururrada Siyaasadda /Axsaabta Qaranka maadaama oo ay Maxkamaddu laashay qaabkii hore ee doorashada Ururradu u dhici jirtay sababta aanay Maxkamaddu xeerka u dejin ayaa ah in sida ku cad qoddobada 37aad iyo 38aad ee Dastuurka JSL oo dhigaya in  awoodaha waaxyaha Qaranku u kala soocan yihiin oo samaynta xeerarka waxa loo gaar yeelay xeer dejinta ama Baarlamaanka JSL.

 

Sidaas darteed, si loo fulliyo go’aanka Maxkamadda waxa loo baahan yahay in Xeer Cusub oo lagu maamulo doorashada tooska ah la sameeyo ama wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka si loo waafajiyo doorashada tooska ah ee ay waajibisay Maxkamaddu. Ilaa hadda wax ka beddelkaas lama samayn. Ma jirto doorasho la qaban karo xeer la’aan.

 

Xukuumaddu waxa ay ku doodaysaa in doorashada Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka la qabto ka hor ta Madaxtooyada . Ugu horreyn, ma jiro xeer si cad iyo si dadban toonna u odhanaya waa in la horreysiiyo tartanka Ururrada. Mar labaadka, arrinkani maaha ugub ee waa curad. Jamhuuriyadda Somaliland doorashooyin badan ayay soo qabsatay oo ay ku jirto doorashada Madaxtooyada ee 2010kii oo ka horreysay doorashada Ururrada ee 2012dii, iyadoo muddo ahaan ay horaysay doorashadii goleyaasha deegaanka/ururrada iyo axsaabtu, sababta oo ah labada doorasho ee is gaadhay waxaa la hormariyey middii dastuuriga ahayd. Xukunka Maxkamaddu waxba kama odhan labada doorasho ka horreynaya Madaxweynuhuna xaq uma laha kala horreysiinta Doorashooyinka dalka isaga oo doorashada isaga khusaysa u abuuraya carqalad iyo duruuf ay ku qabsoomiwaydo..

 

Maadaama oo aan xeer iyo xukun maxkamad midna waajib ka dhigayn horreysiinta doorashada ururada, su’aashu waxa ay tahay waa maxay sababta ay xukuumaddu u doonayso inay dib ugu dhigto doorashada madaxtooyada dastuuriga ah ee muddaysan, xeerarkeeduna diyaar yihiin? Jawaabtu waxa ay tahay in ay doonayso xukuumaddu muddo korodhsi oo ay abuurayso carqaladaha badan ee ay ka mid tahay  faro-gelinta Guddidii Doorashooyinka Qaranka oo ay dhammaantood ku biyo shubanayaan isla hal shay oo ah: Madaxwayanaha oo ay ka go’an tahay inuu helo muddo korodhsi.

 

Waxa muhiim ah in la fahmo inay kala duwan yihiin labadan marxaladood:

 

  1. Wejiga koowaad ee diiwaangellinta iyo kala saarista Ururrada cusub oo ah shaqo loo raaco Xeer Lr. 14/2011 isla markaana ay qabato hawlaha la xidhiidha Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
  2. Wejiga Labaad oo ah qabashada tartanka doorashada oo loo raaco Xeerka Doorashada Guud ee Xeer Lr. 91/2020 isla markaana ay qabato hawlaha la xidhiidha Guddida Doorashooyinka Qaranku. Wejigan labaad ma jiro xeerkii lagu dhaqi lahaa Doorashada Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee ay tartanka u qaban lahayd Guddida Doorashooyinku.

 

Hannaanka diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo muddada ay qaadanayso waxa ay ku astaysan yihiiin Xeer Lr 14/2011, waana habkan soo socda:

  • Sida ku cad qoddobka 4aad farqaddiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda ee Xeer Lr. 14/2011, “Guddidu waxa ay ku baahinaysaa warbaahinta dalka muddada qabashada codsiyada diiwaangelinta Ururrada siyaasadeed, iyo muddada dhammaadka qabashada codsiyada diiwaangelinta. Muddada qabashada codsiyada diiwaangelintu waa shan iyo afartan maalmood gudahood (45) oo ka bilaabmaysa maalinta la daabaco ama la sii daayo baahinta qabashada codsiyada.”

 

  • Marka muddada 45ka maalmood ahi ay dhammaadaan Guddidu waxa ay kala xulaysa oo ay dib u eegis iyo hubin ku samaynaysaa codsiyada la soo gudbistay si ay u ogaato kuwa buuxiyey shuruudaha xeerku jideeyey. Marka ay Guddidu hawshaas dhammaysato, hawshaas oo waqtiga ay qaadanayso aan Xeerku cayimin, waxa ay soo saaraysaa Ururrada gudbay iyada oo siinaysaa lix bilood oo hawlgal ah.

 

  • Sida ku cad qoddobka 5aad, farqaadiisa 1aad, ee Xeer Lr. 14/2011, “Muddada hawlgalada Ururrada siyaasadeed waa lix (6) bilood gudahood waqtigana waxaa cayimaya Guddida diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Anxisinta Axsaabta Qaranka iyaga oo la tashanaya Guddida Doorashooyinka Qaranka.” Hawlaha muddadan la qabanayo sida ku cad qoddobka 5aad, farqadiisa 3aad waa: Qabashadii shirweynaha ee Ururka ama Xisbiga, meeshii uu ku qabtey, taariikhdii uu qabsoomay iyo wixii ugu weynaa ee ay qabteen, sida liiska magacyada xubnaha  Golaha dhexe, Guddida Fulinta iyo magacyada hoggaanka Xisbiga, caddeyn in Ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal ah, ugana diiwaan-gashan yihiin ugu yaraan 1000 (Kun qof) xubnood Gobol kasta, kuwaas oo haysta warqda  aqoonsiga muwaadinnimo oo sharci ah.

Sida ku cad qoddobka 5aad ee aynu sare ku xusnay, muddada liisanka Xisbiyadu waa 10 sannadood oo ka bilaabanta maalinta la siiyay liisanka. Waxa uu qoddobku waajibinayaa in hawlaha sare ku xusan in la bilaabo 6 bilood ka hor xilliga uu dhacayo liisanka Xisbiyadu oo ah 26 December 2022. Sida Xeer Lr. 14/2011, muddada ururka lagu noqonayaa waa toddoba bilood iyo badh (45 maalmood +6 bilood).

Dooddii Madaxweynuhu Ku Soo Celiyey Wax-ka-bedelka Xeer Lr. 14/2021 Xeerkii Doorashada Ururrada

Sida ku cad lifaaqa labaad ee qoraalkan, Madaxwaynaha JSL waxa uu 20kii July 2021 ku soo celiyay Golaha Wakiilada wax ka bedelka Xeer Lr. 14/2021. Wax ka bedelkaas oo dhigayay in doorashada ururrada toos loo galo oo laga reebo tartanka Golayaasha deegaannada. Haddaba Madaxwaynuhu waxa uu soo celiyay wax ka beddelka Xeerka isaga oo ku sababeeyey sidan:

  1. In muddada Doorashada tooska ahi waxa ay ka hor imanaysaa muddada doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13ka November 2022.
    1. Madaxweynuhu waxa uu ku dooday in doorashada Madaxweynuhu ay dastuuri tahay oo ay ka mudan tahay doorashada ururrada.
  2. In aanay hannaanka doorashada tooska ah ee Ururrada/Xisbiyada waafaqsanayn Xeerka Guud ee Doorashooyinka ee Xeer Lr. 91/2020.
    1. Waxa uu madaxwaynuhu ku dooday in doorasho toos ah oo loo qabto ururrada aan loo hayn xeerkii lagu qaban lahaa maadaama oo aanay ku ool Xeerka Guud ee Doorashooyinka Xeer Lr. 91/2020. Sidaas darteed, in loo baahan yahay in xeerka dhaqan galka ah wax laga beddelo.

 

Ma jirto haba yaraatee, wax iska beddelay duruufta uu Madaxweynuhu ku soo celiyay wax ka beddelka oo lama samayn xeerkii oggolaanayay in doorasho toos ah ururradu galaan, balse waxa is beddelay waa damaca Madaxweynaha oo ka dhex arkay ururrada muddo korodhsi aan xad lahayn.

 

Qaraarka Maxakamadda Sare ee Dasruuriga ahi ma aha markii ugu horreysay ee ay go’aan Maxakamaddu ka soo saarto arrimaha doorashooyinka ee waxaa jirtay 2005tii oo hore u dhacday in Madaxweyne Daahir Riyaale u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, Xeer labada Gole ay ku meel-mariyeen aqlabiyad 2/3 ah, taas oo Madaxweynaha ka xaaraan-tinimaynaysay in uu wax ka beddel ku sameeyo Xeerka ama Golayaasha dib ugu soo celiyo. Sidaas awgeed, Madaxweynuhu waxa uu xilligaa go’aansaday in uu dooddiisa u gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah.

Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, waxa ay laashay qoddobadii xeerka ku jiray ee is-hortaagayey Doorshadii Golaha Wakiilada ee 2005tii in ay waqtigeedii ku qabsoonto. Go’aankii Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ay ku laashay qoddobada is hortaagayey Doorashaddii Golaha Wakiilada ee 2005, waxa isla xeerkii wax ka beddel iyo kaabis u beddelay oo go’aankii maxkamadda waafajiyey labada Gole isla markaana aqlabiyad dib ugu ansixiyeen.

Wax ka beddelka iyo kaabista labada Gole ka soo baxay, waxaa saxeexay labada Guddoomiye, Madaxweynuhuna waa uu saxeexay, sidaas ayay Komishinkii Doorashooyinka Qaranku ku qabteen Doorashadii Golaha Wakiilada 2005. Sidaas arted, dalka kama jirto doorasho tartan ururrada/xisbiyada oo toos ah oo hore inoo soo martay, hadana ma jiro Xeerkii lagu maamuli lahaa doorashada tooska ah ee Ururrada Siyaasadda & Axsaabta Qaranka.

 

Doorashada Ururrada siyaasadeed waxa aan ku ururinaynaa:

 

  1. Ma jiro xeer lagu maamulo doorasho toos ah oo ay galaan ururada siyaasadeed iyo Xisbiyada Qaranku.
  2. Si ka duwan doorashada Madaxtooyada ee muddadeedu caddahay, ma cayinna maalinta ay dhacayso doorashada ururradu, lamana qaban karo 10ka sannadood ee muddada xeerku cayimay ee ay Xisbiyadu jirayaan oo waxa ay ka soo horjeeddaa Xeerka iyo curfiga hannaanka dimuquraadiyadda.
  3. Xeer Lr. 14/2011 sida aynu sare ku soo xusnay waxa uu dhigayaa muddo ay ugu yar tahay toddoba bilood iyo badh si loo diiwaangeliyo ururrada iyo hawl-galkooda ka hor intaan doorasho la qaban. Sidaas darteed, doorashada ururradu farsamo ahaan iyo sharci ahaan toonna diyaar maaha.

 

 

 

  • KOMISHINKA DOORASHOOYINKA QARANKA:

 

  1. Waxaa Xukuumaddu Komishanka ku haysaa farogelin joogto ah waxaana ay taasi dhaawac weyn u gaysatay dhexdhexaadnimada iyo madaxbannaanida Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Agaasimaha Komishinku waxa uu ka tirsanaa shaqaalaha Madaxtooyada, in Madaxweynuhu u magacaabaana waxa ay ka soo horjeeddaa Xeer Lr 91/2020 doqobkiisa 16aad faqraddiisa 3aad oo dhigaya in Komishanku si madaxbannaan u magacaabayo, u eryayo una ansha-marinayo shaqaalaha xafiiska dhexe, gobollada iyo degmooyinka.
  2. Waxaa Xukuumaddu xubnihii hore ee Komishanka ku haysay cabsi gelin ilaa meesha lagaga saaray iyada oo aanay wakhtigoodii dhammaysan oo lagu khasbay in ay is casilaan.
  3. Madaxweynuhu ilaa hadda ma uu soo dhammeys tirin Komishinkii Cusbaa, isaga oo aan ilaa hadda soo gudbin saddexdii xubnood ee ka dhinnaa, taas oo u muuqata waqti lumin iyo xagal-daac dhanka Doorashada Madaxtooyada, meeshana ka saaraysa in la sameeyo Jadwalkii Doorashada (Election timeline).
  4. Kama soo hor jeedno baadhista hantidhawrku ku sameeyay Komishinka Doorashooyinka, balse waxaa Xukuumaddu u adeegsatay in ay ku haddido xubnihii hore ee Komishinka, guddiga baadhista ee loo saarayna may ahayn dhexdhexaad ee waxa ay ka tirsanaayeen Xisbiga KULMIYE, si daah furanna looguma soo bandhigin Xisbiyada qaranka maadaama oo Komishinku yahay hay’ad madax bannaan oo u dhexaysa Xisbiyada qaranka ee tartamaya, taasina waxa ay caddeyn u tahay in warbixinta hantidhawrka loo adeegsaday si loo dhaawaco xubnahii Komishinka ee xilligaa joogay meeshana lagaga saaray.
  5. KU TUMASHADA XUQUUQAHA AASAASIGA AH, HAB-DHAQANKA XADGUDUBKA AH EE XUKUUMADDA IYO TACADIYADDii LAGULA KACAY XISBIYADA MUCAARADKA IYO MUWAADINIINTA.

 

  1. Hab-dhaqanka Xukuumadda:

Waxaa ay Xukuumaddu siyaasadaysay hay’adihii Qaranka ee dhexdhexaadka ahaa sida Ciidanka Booliiska, Hay’adda Xeer Ilaalinta, Warbaahinta Qaranka iyo Hay’adaha Maaliyadda oo dhammaan ay u adeegsato daneheeda gaarka ah, kuna cabudhiso Xisbiyadii dhiggooda ahaa.

 

Waxa ay Xukuumaddani soo kordhisay ixtiraam la’aanta iyo ku tagri falka awoodda qaranka oo ay Xisbiyada u isticmaalayso hab-dhaqan anshaxa ka baxsan, sida gacan ka hadalka Madaxweynaha iyo hadallada qalafsan ee ka imanaya mas’uuliyiinta Xukuumadda.

 

  1. Ku tumashada Xuquuqihii aasaasiga ahaa:

 

Waxa ay Xukuumaddani caadeysatay ku tumshada xuquuqihii aasaasiga ahaa oo ay ka mid tahay xuquuqaha siyaasiga ah, xuquuqaha cabirka ra’yiga iwm, tusaale ahaan waxaa la xidhaa madaxda Xisbiyada Qaranka iyada oo aan loo marin sifo sharci ah, tusaale ahaan waxaa la xidhxidhay:  Hoggaankii sare sida laba Guddoomiye ku xigeen, Xoghayihii Guud, Afhayeenkii Xisbiga, Xoghayihii Arrimaha Gudaha, Xoghayihii Caddaaladda, Xoghayihii Arrimaha Bulshada, Xoghayihii Horumarinta Maalgashiga oo dhammaantood ah Xisbiga WADDANI iyo Madax badan oo ka tisan Xisbiga UCID oo uu ugu dambeeyey Xoghayihii Warfaafinta ee Xisbiga UCID  iyo Madaxdii Gobollada ee Xisbiyada Qaranka oo dhammaan lagu beegsaday in ay saxaafadda ka dhaliileen Xukuumadda maanta jirta oo ah shaqadoodii. Xukuumaddu waxay xidhay oo jildishay xildhibaanno huwan haybaddii sharciga iyo xasaanad kana caagan xadhig.

 

Waxaa aan xad lahayn taageerayaasha la xidhay ama loogu cagajugleeyay awooddii dawladnimo. Waxaa sidaa si la mid ah loo gaystay jidh dil iyo garaacis, waxaana halka ku lifaaqan caddeymahoodii sida warbixinihii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah. Iyada ee sheegaysa inay ilaalinayso ku-dhaqanka shuruucda iyo amniga ayay iyadu burburinaysaa nuxurka iyo mabaadii’da asaasiga ah ee dastuurku dammaanad qaaday kuwaas oo ah dhidibada ay dowladnimadu ku taagan tahay.

Waxaa tacaddiyo joogta ah loo geystaa xubnaha kala duwan ee Xisbiyada kuwaas oo  aan xad lahayn oo ay ka mid tahay, dhaawacyo waaweyn, Karaamo dil iyo ihaano lagu sameeyay birmageydadii ay ka mid yihiin haweenka suuqa lagu garaacay ee la jiidjiidayey.

LIFAAQYADA:

  • Lifaaqa 1aad: Ajandaha Xisbiyadu isla waaqafeen.
  • Lifaaqa 2aad: Xukunka Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah
  • Lifaaqa 3aad: Waraaqda Madaxwaynuhu u qoray Baarlamaanka 20 July 2021
  • Lifaaqa 4aad: Xeer Lr. 14/2011
  • Lifaaqa 5aad: Liisanka Xisbiyada
  • Lifaaqa 6aad: Warbixinta Hay’adaha Xuquuqal Iinsaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here