Dhaqaalaha Soomaaliya: Shan Qodob Oo Ku Xusan Warbixinta Baadhista Maaliyadeed Ee Hanti-dhowrka

0
Xafiiska hanti dhawraha guud ee Soomaaliya Maxamed Cali Afgooye

XIGASHADA SAWIRKA,SONNA

Qoraalka sawirka,Xafiiska hanti dhawraha guud ee Soomaaliya Maxamed Cali Afgooye

Xafiiska hanti dhawraha guud ee Soomaaliya Maxamed Cali Afgooye ayaa soo saaray warbixinta baarista maaliyadeed iyo u hoggaansamidda dhanka sharciga.

Warbaxintan ayaa ah mid waafaqsan Dastuurka, si loo ilaaliyo hufnaanta maamul maaliyadeed ee dawladda.

Baaristan waxaa lagu sameeyay 25 hay’adood iyo saddex safaaradood.

Warbixintan ayaa waxaa ku xusan khaladaad dhanka maaliyadda ah oo dhacay sanadkii tegay ee 2020-kii.

Waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa qaar kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo hadal qaaday warbixinta xafiiska hantidhawrka guud ee Soomaaliya.

Xisaabo aan la soo gudbin

Warbixinta hanti-dhowrka guud ayaa waxa lagu sheegay in ay jiraan lacago dhan 78 milyan oo doolar oo la siiyay maamul gobleedyada iyo gobolka Banaadir oo aysan wax isla xisaabtan ah ka so gudbin.

“Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banadir oo aan wax isla-xisaabtan ah ka soo gudbin lacag dhan US $78M oo la siiyay sannadkii tagay,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dhakhliga safaaradaha iyo deeqaha

Warbixinta hanti-dhowrka guud ee dowladda federaalka ayaa waxaa sidoo kale baaritaan lagu sameeyay safaaradaha iyo qaabka ay u maamulaan dhakhliga soo gala.

Warbixinta ayaa xustay in dhakhli dhan 278000 oo doolar aan lagu darin warbixinta maaliyadda.

dhanka kale warbixinta ayaa farta ku fiiqday in ay jiraan lacago deeqo ahaa oo aan la sii dhex marin nidaamka maaliyadda dalka.

Lacag dhan 17 milyan oo doolar oo deeq ahayd ayuu xafiiska hanti-dhowrka guud sheegay in ana la soo dhex marin nidaamka maaliyadda dalka.

Kharash bixin aan cadeymo wadan.

Warbixinta hanti-dhowrka guud ee dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in ay jiraan qarashaad la bixiya iyada oo aan la soo raacin wax cadeymo ah.

Lacag dhan 9 milyan oo doolar ayuu xafiiska sheegay in la bixiyay balse aan la soo raacin wax cadeymo ah.

Warbixnta ayaa waxaa sidoo kale ku xusan in la ogaaday in ay jiraan akoontooyiin bangi oo ka baxsan qasnadda dhexe ee dowladda oo si sharci daro ah loo furtay.

Hanti-dhworaha guud ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan heshiisyo dhan 31 milyan oo doolar oo aan laga diiwaangali xafiiskiisa.

Dhaqaalaha Caabuqa COVID-19 iyo sida lo isticmalay

Sida ku cad warbixinta xafiiska hanti-dhowrka guud waxaa uu baaritaan ku sameeyay sidii loo maamulay lacagaha caabuqa COVID-19 iyo qaabkii ay dowladda u wajahday ka jawaabista iyo la tacaalidda caabuqa COVID-19.

Warbixinta ayaa lagu xusay in ay jiraan khaladaadka ka soo ifbaxay baaritaankaasi waxaa ka mid ah ka gaabinta astaynta goobo ku filan oo lagu karantiilo laguna daweeyo kiisaska COVID-19.

Waxaa sidoo kale hanti-dhowrka guud uu sheegay in laga gaabiyay in xisaab celin laga sameeyo lacago la siiyay dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir taasi oo dhaneyd $3.9 milyan oo doolar.

Kalluumaysatada magaalada Kismaayo

XIGASHADA SAWIRKA,.

Qoraalka sawirka,Kalluumaysatada magaalada Kismaayo

Baarista Maamulka Kalluumaysiga

Warbixinta xafiiska hanti-dhowarka ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyay sidii loo maamulay khayraadka kaluumaysiga dalka.

Khaladaadka badan ayuu hanti-dhowrahu sheegay in ay ku jireen qaabka loo maareeyay kaluumeysiga dalka.

Waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan lacago ay ahayd in laga qaado markiibta kaluumeysiga oo aan al qaadin taasi oo sharciga ka soo horjeeda.

” Dakhli dhan ugu yaraan US $56M oo ku waajibay marakiibta longliner-ka oo aan la uruurin taas oo lid ku ah Sharciga Kalluumaysiga,” ayuu lagu yiri warbixinta.

Warbaxinta ayaa lagu sheegay in qaybsiga dakhliga laga uruuriyay kheyraadka kalluumaysiga usan lahayn hannaan iyo qaab sharciyaysan oo lagu maamulo.

Kaluumeysatada ayaa warbixnta lagu sheegay in dabtaan Qubada oo sii dabar go’aysa taas oo lid ku ah Sharciga Kalluumaysiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here