Dawooyinka sida qaldan loo isticmaalo iyo khatartooda.

0

Bismilaahi raxmaani raxiim. Maanta waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago dhibaato dadkeena haysata oo horeba u jirtay, se ay imika ay soo korodhay in xayaysiis loo sameeyo, dadka aan aqoon badan u lahaynna looga dhigayo wax wanaagsan–iyadoo sidii hore ka khatar badan, oo laysku dardarayo dhawr nooc oo kala duwan oo daawooyin ah.No description available.

Dhibaatadaasi waxa weeye isticmaalka qaldan ee dawooyinka, haddii ay tahay mid la cabbo amma/iyo mid la marsado maqaarka. Haddii aynnu ku horraynno kuwa la cabbo (syrups), ama kuwa la liqo (tablets), waxay ka kooban yihiin Fiitamiino iyo maaddo loo isticmaalo noocyada kala duwan ee allergies-ka, oo layidhaa (cyproheptadine).No description available.

Sida aynnu ognahay dawo kastaa waxay leedahay faaido iyo khasaare, walow khasaaraha ay keentaa qaarkood aanu sii waynayn, muddo badana aanu sii jirin ee ay iskood iskaga tagaan, haddaba maadadaa (cyproheptadine) ee kujirta dawooyinkaa ayaa side effects-ka ay keento waxa kamida: weight gain(miisaan kordhin), moon face (wejiga oo qaab goobo ah yeesha) iyo naaxid kale oo aan run ahayn, se isbuucyo kadib iska tagaya.No description available.

Marka uu qofku waayaba wuu ku ceshanayaa, iyada oo xaddiga dawadaasi mar walba jidhka kusii kordhayo, markasta oo ay ku sii korodhana ay khatar caafimaad oo kale keenayso–oo dadka qaar aad arkayso jeex jeexyo jidhkooda ku samaysmay iyo kuwo nabaro ay ku samaysmaanba, aakhirkana ay gaadho heer dhiigooda laga nadiifiyo dawooyinkaas. Qaybta kale oo ah kuwa maqaarka loo isticmaalo (creams), oo la isticmaalo marka ay jiraan xanuuno maqaarka ku dhacay oo ay wanaagsan tahay in lagu qaato talo dhakhtar Dermatologist ah, ayaad arkaysaa dad aan wax xanuunadaas ahi ka muuqan oo isticmaalaya si ay is-caddayn (whitening) uga helaan, kaas oo aan ahayn isticmakii dawada loogu talo galay. Markasta oo ay ka tagto saamayntaa taban ba, qofku mar kale ayuu u baahanayaa inuu ku ceshado, kuwaas oo marba marka ka danbeeya, sii daciifinaya maqaarka oo aakhirka keenaya inay ka dilaan bacteeriyooyinka wanaaga u leh maqaarka ee ka hortaga xanuunada maqaarka, kadibna uu maqaarku noqdo mid aan wax xanuuna iska difaaci karin oo u nugul.

Gabogabadii waxaan usoo jeedin lahaa bulshadaa aan ku baraarugsanayn dhibaatadaa inay naftooda waxyeelada ka daayaan, abuurka Allena ku kalsoonaadaan– isagoo Eebbeheen inoogu sheegay quraanka kariimka ah(لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ فِىٓ أَحْسَنِ تَقْوِيمٍۢ).

Dhan kale, ganacsatada waxa aan u soo jeedin lahaa in waxa ay ka ganasanayaan ee ay risiqa ka dayayaan u meel dayaan Allena ka baqaan. Wabilaahi Tawfiiq.

Qore: Dayib Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here