Dawladnimo Qabyaaladaysan mise Qabyaalad Dawladaysan? W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

0

Halbeegga ugu mudan ee badiba maanta wax lagu qiimeeyaa waa qabiil. Wax kasta oo dalka ka socdaa waxay u socdaan sifo beelaysan. Waxa loo nool yahay qof qof iyo qoys qoys. Indho qabyaaladaysan ayaa wax lagu eegaa, dhego reeraysanna wax baa lagu maqlaa. Mararka qaarkood, aragtida qof laga qabaa waa mid si uun ula xidhiidha aragtida qabiilkiisa laga qabo. Muwaaddinku waxa uu xaqiisa ku heli karaa ama ku waayi karaa sifo qabiil. Wacyigii dadnimo iyo kii ummadnimaba waxa meesha ka saaray wacyigii ficiltanka qabiilo iyo hiilada xigtanimada abtirsiinta. Waxa keli ah ee lagu midaysan yahay waa calanka iyo magaca dawladnimada oo iyaduna maalinba maalinta ka dambaysa hareeraha ka soo ururaysa. Ilaa hadda ma muuqdo ifafaalaha qarannimo loo siman yahay oo xidhiidhisa ummadda iyo dareenkeeda.

Displaying Maxamed Saleebaan Cumar.jpg

Maanta ma jiraan wax la wada leeyahay oo la sheegi karaa. Wax kasta oo nolosha la xidhiidhaa waa wax la kala leeyahay. Tusaale ahaan, mashaariicda waddooyinka ee dalka ka socdaa waa kuwo loo abaabulay qaab beelaysan. Jaamacadaha, dugsiyada, goobaha caafimaadka iyo adeegyada bulsho ee laga yagleelayo degmooyinka dalka ayaa iyaguna ku dhisan hab qabiil. Taa waxa khasbaya hab-degsiimeedka bulshada oo ah mid laftiisu qabyaalad ku dhisan. Tuulo kasta, degmo kasta iyo xataa magaalooyinka waaweyn ayaa qaab beeleed loo deggan yahay. Magaalada Hargeysa ee caasimadda ah lafteeda ayaa mararka qaarkood la kala sheegtaa oo haddii loo fiirsado leh soohdimo qabiil (Koonfur, Waqooyi, Bari, Galbeed). Neecawda tolaysigu waxay isku fidisay guud ahaan dalka, kaalin kasta oo nololeedna way gashay. Waxay ku faaftay goobaha waxbarashada, cayaaraha, ururrada bulshada, saxaafadda, ganacsiga iyo goob kasta oo ka caagganaan lahayd dareen caynkan ah. Cid kasta halkeeda ayay ugu tagtay, guri kastana waxay ku garaacday albaabka.

Axsaabta dalka ka dhisani waa kuwo qabiil ku sal leh. Waxay ku kala duwan yihiin magacyada hebellada hoggaamiya iyo beelaha ay hebelladaasi ka soo jeedaan. Waxay codka ku doonaan sifo qabiil, waxaana lagu doortaa qabiil. Deetana Madaxweynaha sifahaa qabiil lagu doortaa waxa uu dhismaha xukuumaddiisa ku saleeyaa qabiil. Golayaasha Baarlamanka iyo deegaannada ayaa sidoo kale qabiillo lagu doortaa. Shaqaalaha laamaha dawladda ayaa iyagana wakhtiyadan dambe reero lagu qaybsadaa. Waxan oo dhami waa dawladnimo qabyaaladaysan iyo qabyaalad dawladaysan.

Dareenka qabaliga ahi ma laha soohdin uu ku dhammaado ee waa mid marba marka ka dambaysa isa sii tara oo is tarmiya. Waxa lagu tilmaamaa inuu basasha la mid yahay oo marka lakab la rogaba lakab kale oo hor lihi soo afyeesho, ilaa la gaadho xaalad ay basashaasi dhammaato. Si taas la mid ah ayay beelaha laftoodii u sii furfurmeen. Beel waliba waxay maanta u kala fadhidaa toban ardaa, jilib ama jibsimood oo yaryar. Jibsin waliba waxay caleemo saartay suldaan, boqor ama ugaas gaar ah, waxaanay samaysatay shirweyne magac qurxoon oo gaar ah. Waxaas oo dhami ma aha wax la la xishoodo ee waa wax maanta lagu faano oo inta boodhadh loo sameeyo far waaweyn lagu qoro, warbaahinta laga faafiyo, loo xafladeeyo, oo madaxda qarankuna mararka qaarkood iyaga oo ku faraxsan khudbado tookh u badan ka jeediyaan. Shirweyne kasta oo tolalkaasi qabsadaan waxa ka soo baxa qodobbo isku wada mid ah “Beeshu waxay taageertay in qarannimada Soomaalilaan muqaddas tahay; beeshu waxay ku baaqaysaa adkaynta nabadgalyada iyo ammaanka qaranka; beeshu waxay xukuumadda uga digtay… beeshu… beeshu… beeshu…” Marka ay sidaa tahay, beeshu waxa ay ku jirtaa kaalintii dawladda, mar haddii ay ka soo gudubtay xayndaabkii dhaqanka iyo magaha oo ay marayso inay ka arrimiso qarannimada, nabadgalyada, hoggaaminta dalka i.w.m.

Dhowaan waxa barta Faysbuug lagu arkay qoraallo lagu diiddan yahay qabyaaladda oo summad looga dhigay “Ololaha Cidhibtirka Qabyaaladda”. Dhallinyaro door ah oo reer Soomaalilaan ah ayaa olalahan taageertay ama si kale uga falcelisay. Waxa se arrintani dhalisay aragtiyo ciiddaa ka badan oo ay tahay in cidda hawshan isku taagtay qorshaha ku darsato. Dad badan ayaa qaba olalaha wakhtigan lagu baaqay maaha mid waaqaca la jaanqaadaya. Kuwo kale ayaa qaba in aan qabyaalad oo idil la la dagaallami karin, sidaa darteedna awoodda la isugu geeyo tirtiridda qabyaaladda lagu dhex rabbeeyo xafiiska dawladnimada casriga ah. Kuwo kale ayaa qaba in qabyaaladdu jirayso inta la helayo isku filnaansho dhaqaale, sinnaan, iyo maamul dawli ah oo sharciga qofka ka sarreeyo. Kuwo kale na waxay qabaan inaynnu u baahan nahay qabyaalad caafimaad qabta oo waxay ku doodayaan: dawladnimadu waa wax qariib innagu ah marka loo eego qabiilka oo nidaamkiisu ilaa dura soo taxnaa, markaa waa in aynnu tolnimada ka ballaadhino intii hore iyo soohdintii diyo-wadaagta. Doodahaa iyo boqollaal kale oo ku taxan oo loo geeyay xaqiiqooyinka maanta jira ee aynnu kor kaga warrannay ayaa xujo ku ah hirgalinta ololahan.

Qabyaaladdu sideedaba maaha wax lagaga takhalusi karo qoraal ‘status’ Faysbuug lagu qoray. Sidoo kale maaha wax si fudud oo caadifadi ku dheehan tahay loo odhan karo ‘waannu cidhibtiraynaa’. Marar badan ayaad arkaysaa dad badan oo ka hadlaya xumaatada qabyaaladda, haddana marar kale oo badan ayaad arkaysaa isla dadkii oo qudhunkaa walaaqanaya. Aad ayay u fududdahay in qofka Soomaaliga ahi afka ka yidhaahdo waan necebahay qabyaaladda, waxa se aad u adag in masaladaas lafteeda uu qofku qalbiga ka diido. Qof waliba waxa uu masuul ka yahay naftiisa iyo ricayaddiisa. Masuuliyadda ugu weyn ee saaran ashkhaasta isku taagay ololaha cidhibtirka qabyaaladdu waa in ay iyagu nafahooda ka xoreeyaan dareenka qabyaaladeed. Qof naftiisa saxay ayuun baa naf kalana sixi kara. Qof aan salaadda tukani dadka kuma wacdiyi karo inay salaadda tukadaan.

Deraasad xeel fog oo ku aaddan sababaha uu qabiilku muhiimka u noqday iyo saamaynta taban ee uu dawladnimada casriga ah ku leeyahayba waa lama huraan. Waxaynnu u baahannahay qorshe cad, ajande hufan, iyo istaraatajiyad sugan oo ku aaddan bal ugu horrayn in loo baahan yahay in aafadan la la dagaallamo, iyo sida haddii baahidaasi jirto loola dagaallami karo. Waa in si miyir iyo hubsiino leh oo aan fudayd ku jirin loo qiimeeyo dhibaatada uu dhaqanka qabaliga ahi innagu hayo ama aanu innagu haynin. Waa in si cilmi ah loogu dhaadhacaa xaqiiqooyinka xiga ee ay ugu mudan yihiin: sida loo gaadhi karo yoolka ah in qabyaaladda la tirtiro, muddada lagu gaadhayo, jidka loo marayo, cidda fulinaysa, halka laga fulinayo iyo nidaamka looga guurayo intaba. Waxa se waajib ah inay hawshaa fuliyaan dad aan ku suntanayn dhaqankan, danaysi kasta oo suurtogal ah ka madhan, isla jeerkaasna daacad ka ah hindisahan.

Mar kasta oo la waayo bulsho midaysan oo danaheeda guud ka mudan yihiin dano kasta oo kale, waxa sidoo kale la waayay hoggaan la mahadiyo iyo waxqabad lagu naalloodo. Mar kasta oo awoodda qabiilku sii xoogaysato waxa sii liciifaya tiirarkii qarannimo ee dadka isku hayay, waxaana imanaya furfuran baaxad leh oo laga dhaxli karo ayaandarrooyin aan berri laga waaqsan karin. Sidaa darteed, si qaranku u jiro waa in qabiilku dhinto. Ha ba dhinto’e sidee ayuu u dhiman karaa? Aniga iyo tayda, meelahan ayaa mudan in awoodda la saaro:

Makrafoonka wadaadku waa buruud shiilan yahay, laakiin kama hadlo mahadhooyinka maalin walba soo kordhaya sida, qabiilka, qaadka, qaabka dawladeed, dulmiga iyo foolxumooyin kale oo nolosha ka jira. Waxa ka dhiman hoggaaminta ficilka, faaqidaadda xaaladaha, iyo far ku fiiqa dulmiga. Culimadu kaalin weyn ayay ka qaadan karaan la tacaalidda eelkan. Waa inaanu masaajidku noqonnin goob lagu tukado, deetana jannada iyo cadaabta oo qudha lagaga sheekeeyo. Maadaama ay culimada masuuliyad weyni ummadda ka saaran tahay, waa inay dadka ka wacyigaliyaan mashaqadan, isla markaana ay dadka ku dhiirriyaan ka fogaanshaheeda.

Warbaahinta oo idil, mid wax daabaca iyo mid wax baahiya; mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahay ba; masuuliyad baa ka saaran ilaalinta anshaxa suubban iyo qiyamta lama taabtaanka ah ee mujtamaca. Waa in adeegga ay ummadda u hayaan noqdaa mid ka madhan naxli, kala-qaybin iyo qoqob bulsheed intaba. Sidoo kale, waa in aanay baahin wax kasta oo dareen qabiil si uun looga urin karo. Waa inay dadka la wadaagaan hogatus iyo hawaale warran daarran cidhib-xumada fallaadkan.

Meel kale oo wax laga sixi karaa waa manhajka waxbarasho; min dugsi hoose ilaa tacliinta sare ee jaamacadeed. Manhajkeenna iyo bii’adda ardaygeennu wax ku bartaa waa in aanay noqonnin kuwo abuura arday qabiili ah oo aaminsan annaga iyo annaga. Taa beddalkeeda, waa inay soo saaraan arday leh han sare iyo himilo ummadnimo. Maanta haddii da’da weyni ubadka ku barbaariso cillado qabiil oo ilmaha ka dhiga maxbuus iyaga u xidhan, way adag tahay in ubadku kalsooni ku qabo summadda beeleed oo aanay iyaga waxba uga cabbin. Sidaa darteed, waa in barbaarinta carruurta ee dugsiga iyo gurigu ba ay ahaato mid ka madhan dareenka qabyaaladda, aafooyinkeedana tusaalaysa.

Halka laga ciidamiyo ee ummad waddo u jeexdaa waa hoggaanka masuulka ka ah ee xilkeeda qaaday. Hoggaanka ummaddu qayb weyn ayuu ku leeyahay noolaynta ama noolayn la’aanta qabyaaladda. Waxay ku xidhan tahay sida uu adeegsado awoodaha gacantiisa ku jira ee uu distoorku u saamaxay iyo sida uu uga jawaabo isbeddalka togan ee laga rajaynayo. Haddii hoggaan ka fayow qabiilka la helo, waa suure in uu hoggaankaasi samayn karo jewi isbeddal bulsheed ku iman karo. Shalay, maanta iyo berri toona ma jirto aragti hoggaamineed oo qorshe ka leh aafooyinkan isa soo taraya. Xataa ma jiro dareen dhaaddan cidhib xumada dhaqankani gayaysiin karo jiritaanka mustaqbal ee ummadda iyo ummadnimada.

Si loo tirtiro qabyaaladda, ta ugu mudan ugu na culus ee loo baahan yahay waa in la helo mabda’ ka sarreeya, kana mudan kan qabiilka oo dadka mideeya, isla markaana isku xidha. Diinta Islaamku waa mabda’ sharfan oo haddii loo noqdo, laguna walaaloobo daawo u noqon kara eelkan karkaarrada jabsaday. Intan iyo ino kale oo badan ayaa laga raadin karaa xalka mashkiladdan.

Ugu dambayntii, bulsho kasta oo doorashada hoggaankeeda ku salaysay shuruudo ka duwan kuwa ay uga fadhidaa waa bulsho doonaysa wax aanay doonayn. Is-diiddada ugu weyni waxay ku jirtaa kala durugsanaanta waxa ay bulshadu rabto iyo jidka ay u marayso waxaas ay rabto. Bulsho diiddan caddaalad darro, qabyaalad iyo eex oo xulashadeeda u maraysa qabyaalad, eex iyo caddaalad darro waa bulsho diiddan wax aanay diiddanayn. Haddii aan hal booli ahi nirig xalaal ah dhali karin, caqligal maaha in hoggaan aad qabyaalad ku dooratay hirgaliyo maamul qabyaalad ka nadiif ah.

Maxamed Saleebaan Cumar

Email: halabuur@hotmail.com

Facebook: Mohammed Suleiman

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here