Dawladda Maraykanka Oo Bogaadisay ciidamada badda Somaliland

0

Dawlada Maraykanka oo bogaadisay ciidanka ilaalada Xeebaha JSL.

31-kii sano ee u dambeeyay Somaliland waxa ay sugaysay amaanka marinka ganacsiyeedka caalamka ee ku aadan Baddeeda iyadoo ka ilaalinaysay nabad-gelyo xumo, iyada oo aan beesha caalamka aan gacan ka helayn. Todobaadkan #Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan oo xidhaan markab ku hawlanaa ka ganacsiga Haramcadka.

Dawladda Maraykanka ayaa boggaadisay hawl-galka Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland ee ku aadan hawl-gal kaasi. War ka soo baxay Dawladda Maraykanka ayaa lagu yidhi “Dawladda Maraykanku waxa ay aad ugu hanwayn tahay in Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ay ku guulaysteen hawl-galkii ay ku soo qabteen markabkii ku hawlanaa ka ganacsiga Haramcadka”.

Slntv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here