Dawladaha Hoose Cashuur Ma Soo Rogi Karaan? W/Q: Maxamed Dhimbiil

0
Haa way soo rogi karaan sida ku cad qodobka 88naad ee xeer.lr 23 faqradiisa 1aad iyo 2aad , laakiin waa in cashuurta ogolaansho looga helo golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland wax ka badelkeeda , kordhinteeda iyo dhimisteeda sida ku cad faqradaha 3aad iyo 4aad ee isla qodobka 88naad ee xeer lr 23 iyo waliba qodobka 42naad faqradiisa 9aad xarafka C.
Sidoo kale qodobka 65naad ee xeer lr 23 ayaa qeexaya in ay golaha deegaanku soo rogi karaan xeerar ( by laws ) iyaga oo marka ay sameeyaan u gudbin doona wasaarada arimaha gudaha jamhuuriyada Somaliland si ay ugu gudbiso Garyaqaanka guud ee qaranka si uu ugu hubiyo in aanay khilaafayn dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
Sidoo kale isla xeer lr 23 qodobkiisa 90naad ayaa qeexaya in golaha deegaanku miisaaniyada sameysanayo sadex bilood ka hor sanad miisaaniyadeedka , waxaana ay u gudbin doonaan wasaarada arimaha gudaha si ay ugu gudbiso wasaarada maaliyada oo loogu hubiyo xeerka maamulka maaliyada 75/2016 iyo xeerarka kale ee xisaabaadka qaranka.
Miisaaniyadu waxa ay ka koobnaan doontaa odoroska dakhliga ee sanad miisaaniyadeedka iyo sida loo qorsheeyey kharashkiisa iyo waxa uu ku baxayo oo is barbar yaalla , cashuuraha , ajuurada iyo takaaliiftuna iyaga oo leh madaxyo iyo madax xigayaal dakhli ayey kuu muujisnaan doonaan tacriifada lagu shaqeynayo iyo cashuur walba boqolaydeedu inta ay tahay.
cashuuruhu waa waajib aan qofka ay ku waajibtay gorgortan ka gali karin laakiin waa in ay noqdaan qaar ku fadhiya danta iyo maslaxada dadka jamhuuriyada Somaliland sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobka 14naad faqradiisa 1aad iyo 2aad.
Mohamed Abdi Jama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here