Dagaalka Saax-maygaag: Wax ka ogow dagaalka Sool iyo Nugaal ee lagu dilay dad ka badan 20 qof iyo waxa la isku hayo

0

Deegaannada Saax-maygaag iyo Sangejabiye oo ka kala tirsan goballada Nugaal iyo Sool ayaa lagu soo warramayaa in maanta xaaladoodu deggantahay kadib dagaallo shalay halkaa ka dhacay oo dhexmaray beelo ood wadaag ah. Wararka ayaa shegaya in dagaalladaas ay gaysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo waliba burbur hantiyeed. Dad BBC-da la hadlay ayaa sheegay in saaka aaggii shalay lagu dagaallamay laga helay maydad. Warar soo baxayana waxay sheegayaan in dad ka badan 20 qof ay ku dhinteen halka dhaawucuna uu intaa ka badanyahay.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo salaadiin kale oo ku sugan aagga uu dagaalka ka dhacay, ayaa BBC-da u sheegay inay ku howlanyihiin sidii ay u kala dhex gali lahaayeen beelaha walaalaha ah ee halkaa ku dirirayay. Garaad Jaamac ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dagaalkaasi uu istaagi doono, isagoo ku booriyay xabadda inay joojinayaan labada dhinac ee dagaallamaya.

“Waxaanu leenahay dad wada dhashaybaa tihiina xabbada ha la joojiyo wixii jira oo tabasho ahana miiska wadahadalka ha lagu dhameeyo,”ayuu yiri Garaad Jaamac. Sidoo kale Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse,ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah wuxuuna ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya oo ehel ah wax walbana ka dhaxeeyaan inay joojiyaan collaadda.

“Dagaalka Saax-maygaag Soomaalidu waxay tiraahdaa (kugu dhimay oo kaa dhimay) kan maanta dhintay kuu ku dhintay ayuu ka dhintay,” ayuu yiri Islaan Ciise Islaan Maxamed. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntlaand Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa labada beelood ugu baaqay in dagaalka ay joojiyaan maadama ay yihiin dad ehel ah isla markaana xigto iyo xigaal isku ah.

Haddaba deegaannada dadka badani ku dhinteen khayraad caynkee ah ayay leeyihiin?

Dagaallada ka dhaca deegaannadda Saax-maygaag iyo Sangejabiye oo ka kala tirsan goballada Nugaal iyo Sool, oo dhexmara dad reer-guuraa ah isla markaana xoolo dhaqato ah ayaa dirirtoodu salka ku haysaa inta badan daaqisnta iyo deegaanka waana mid soo laalaabtay colaaddani iyadoo dad badan ay ku dhinteen isku dhacyadaan inkasta oo tirada rasmiga ah ee ku dhimatay aan lagu samaeyn tiro koob sax ah. Balse muddo dheer oo ka badan 20 sano ayaa la rumaysanyahay in dagaalladaan ku salaysan habka beelaha ay ka dhacayeen deegaanaadaas.

Waxaa jirta su’aal ay dad badan is waydiinayaan oo ah sida dad walaalo ah oo wax walba ka dhaxeeyaan ay isugu dilaan marar badan deegaan aan lahayn khayraadka muhiimka ah sida (Bad,Webi,Beero iyo xitaa ceelal sidaasi u buuran). Cabdirisaaq Maxamed jaamac oo ka mid ah aqoonyahanka deegaannadaas ayaa BBC-da u sheegay in deegaannadaasi oo dhul daaqsimeed ah aaney u qalmin marnaba in dad walaalo ah isku dilaan oo dhiigooda u daadiyaan.

“Waa dhul daaqsimeed waxaan ahayn dhul daaqsimeed oo uu leeyahay hadda ma jirto meel dad ku dhintaan maahan qarnigaan aan hadda ku jirno,” ayuu yiri Cabdirisaaq Mahamad jaamac. Cismaan Cabdinuur Xaashi oo isna BBC-du la hadalay isla markaana aqoon u leh taariikhada iyo dhaqanka ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ay isku hayaan beelaha halkaa wada daga ay tahay dhulka daaqsinta ah iyo guudahaan dhulka oo dhinncayadu mid walba iskii u aaminsanyahay in lagu soo durkay.

Cismaan Cabdinuur Xaashi

XIGASHADA SAWIRKA,YOUTUBE

Qoraalka sawirka,Cismaan Cabdinuur Xaashi

Cismaan Cabdinuur Xaashi ayaa inta aku daray in degmada Boocame oo deegaannadaan ay hoos tagaan laga helay shidaal sanadkii 1959-kii xilligaas oo shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka ay baaritaan ku sameysay hase yeeshee maahan wax ay inta badan ka war qabaan dadka deegaanka oo ah dad reer miyi ah. Sidoo kale waxaa jira dad aaminsan in sababata dagaallada keentay ay tahay arrimaha xuduudaha goballada oo ismari waa badan uu ka jiro.

Inta badan dadka arrimahaan sida dhow ula socda ayaa hadalkoodu ku soo biyo shubanayaa in beelaha halkaa wada dega ay yihiin dad walaalo ah oo aan kala maarmin isla markaana ay micno darro tahay in maalin walba ay isku dilaan wax wadahadal iyo fadhi lagu dhamyn karo.

Fadhiyo hore

Horey dhowr jeer ayaa la isku dayay in xal looga gaaro dagaal beeleedyadaan waxaana mar walba horumuud u ahaa madaxda dhaqanka ee labada dhinac walow sidoo kale ay qayb weyn ku lahaayeen hoggaamiyaasha siyaasadda,balse waxaa jirta in mararka qaar la isku mari wayay wixii laga wadahadlayay oo badanaa ku salaysanaa dhul. Sababata keentay in la isku fahmi waayay shirarkii hore ayaa dadka qaar aaminsanyihiin in isku qabashada dhulka ay tahay arrin qatar ah oo mararka qaar ay adagtahay in si sahlan xal looga gaaro.

Fadhiyadii xalka loogu raadinayay mushkiladdaan oo magaalooyinka lagu qabtay ay Garoowe ka mid ahayd waxaa la sheegay in markii la isku mari waayay dib loo dhigay guddiyana loo saaray si ay u soo dhiraandhiriyaan arrinta. Waxaase muuqata in mar walba ay adkaanaysay in xal kama dambeys ah oo gebi ahaanba laga gaaro waxa la isku hayo.

sawir hore

XIGASHADA SAWIRKA,YOUTUBE

Qoraalka sawirka,

Xeerarka u yaalla xalinta beelaha dagaallama

Soomaalidu waa isku dhaqan intooda badan marka ay timaaddo xalinta dhibaatooyinka ka dhex-dhaca sida dagaallada iyo arrimaha kale ee u baahda in la iska fahmo. Beelahaan wada dega deegaannada Saax-Maygaag iyo Sangejabiye xeerkoodu waa mid aan ka duwaneyn kuwa beelaha kale ee Soomaaliyeed kaas oo ah in odayaasha dhaqanka, Culimada iyo dadka waxgaradka ah ay isku yimaadaan isla markaana laga showro wixii dhacay la iskuna dayo in dhinac walba laga qanciyo waxa uu tabanayo.

Maadama dadku yihiin dad ehel ah oo dhalyo iyo dhibaadba ay ka dheexeeyaan waxaa xalka khilaafkooda saldhig looga dhigaa inta badan dhaqanka iyo diinta Islaamka,iyadoo guurtida iyo madaxweynta beelahana ay go’aannada u dhiibtaan si ay u fududaato gaaridda xal waara.

“Waa dad wada dhashay waa dad ehel ah waa seedi iyo abti waa walaal iyo ina adeer dad waligood kala guurayana maaha markii khasaaruhu batana waxaa dhexgali jirtay guurti dhexdhexaad ah,” ayuu yiri Cismaan Cabdinuur Xaashi.

dagaal beeleed
Qoraalka sawirka,

Dhibaatooyinka dagaal beeleedayada maaha mid ku kooban deegaannada aan hadda ka soo hadalay, balse waa mid ka jirta deegaanno badan oo ka mid ah kuwa Soomaalida waxaana ay ka simanyihiin qaarkood inay soo laalaabtaan isla markaana ay gaystaan khasaare nafeed iyo maal intaba.Si arrimahaan wax looga qabto ayaa qaar ka mid ah dadka aqoonyahanka ah waxay soo jeedinayaan in loo baahanyahay in go’aanno ay ka yimaadaan dhanka maamullada iyo dowladda kuwaas oo sida ay dadku qabaan looga fadhiyo inay ka qaataan go’aanno lagu ciqaabayo ciddii jabisa awaamiirta lagu joojinayo dhiigga sida micno daraada ah u daadanaya meeshana looga saarayo khilaafka dhex yaalla dadka marka adirirtu ka dhex jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here