Calaamadahan haddaad isku aragto waxay u badan tahay in aad qabto nooca cusub ee Karona

0

Feyraska cusub ee Karona ee loogu magac daray Omicron ayaa si weyn ugu faafaya qeybo kamid ah caalamka, waxaana kamid ah Yurub iyo Afrika.

Dalka UK ayaa lagu soo warramayaa in si xowli ah uu Omicron ugu faafayo halka Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex halista nooca cusub isla markaana sheegay in meesha lagu gaaro sanadka nagu soo aadan uu si weyn ugu faafi doono gudaha Faransiiska.

Omicron ayaa fara ba’an ku haya dalka UK, kiiisaska laga diiwaangeliyay dalkaas waxay gaarayaan ilaa 15,000.

Waaxda addeegga caafimaadka qaranka ee UK ayaa baareysaa calaamadaha cusub ee cudurka Covid-19 , sida qufaca joogtada ah ee lagu arkay bukaanada, qandhada daran iyo qofka in uu ka tego urka ama dhadhanka ama in uu isbaddal ku yimaado.

Cilmi-baarayaasha waxay sheegeen in dadka qaar ee uu ku dhacay feyraska cusub u sheegeen inay dareemaan “hargab xun” oo leh astaamo ay ka mid yihiin madax-xanuun, cune xanuun iyo diif.

ilaa hadda waxaa la ogaaday shan calaamadood oo ku saabsan cudurkan.

-Diif

-Madax xanuun.

-Daal (mid fudud ama mid daran).

-Hindhiso.

-Cune Xanuun.

Haddii aad u malaynayso inaad qabto cudurka Covid-19, waa muhiim ah in aad iska baarto. xitaa dadka aanan aad ula xanuunsanin cudurka waxay halis gelin karaan kuwa kale.

Haddii ay qandho i heyso ma waxay ka dhigan tahay waxaa igu dhacay feyraska Karona?

Heerkulka aad u sarreeyo ee qofka wuxuu gaari karaa 37.8C ama ka badan. Qandhada sidan oo kale ah waxay dhici kartaa marka jirka uu la dagaallamayo caabuq kasta – ma ahan kaliya ah feyraska Karona.

Badanaa qofka uu ku dhaco hergebka iskuma arko qandho daran.

.

Kawaran qufaca?

Haddii aad qabto hargab waxaa laga yaabaa inaad qufacdo iyadoo ay ku wehliyaan calaamado kale.

Hargabku wuxuu u muuqdaa inuu si tartiib tartiib ah uu kuu soo qabto marka dambena in yar yar ayuu usii baxaa ,inkastoo oo aad xanuun dareemi karto, waxaad dareemi kartaa Qufac, waxaa jiri kara hindhiso iyo cune xanuun , diif. sidoo kale waxaa kuu wehlin karaa hergebka qandho, qarqar, murqo xanuun iyo madax xanuun balse calaamadaha waa kuwa naadir ah.

Qufaca uu dareemo qofka uu ku dhacay cudurka Karona waa mid qofka uu qufaci karo in ka badan saacad ama qofka in 24 saacadood gudahood uu qufaco saddex jeer wax ka badan.

Presentational white space
Isbeddelka urta ama dhadhanka?

Luminta urta iyo dhadhanka waaa calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto Karona, qofkii isku arka waa in uu is baaraa.

Weli waxaa dhici kartaa in aad qabtid hargab fudud. laakiin waxaad u baahan tahay inaad hubiso, xitaa haddii aad xanuunsan tahay, si aad uga fogaato halista faafinta fayraska.

Kawaran hindhisada?

Hindhisadu ma ahan calaamadaha feyraska Karona balse haddii ay ku wehliyaan sida qufaca, qandho ama in urta iyo dhadhanka ay kaa tageen, markaa waxaad u baahan tahay baaritaan.

Hindhisada waxay ka qeyb qaadataa faafinta cudurka, markaa waxaa lagaaga baahan yahay tallaabooyinka soo socda:

-In si joogto ah aad gacmaha u dhaqatid.

-Afka iyo sanka daboolo marka aysan suurtagal ahayn kala fogaanshaha bulshada.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kawaran diifka, san xiranka ama madax xanuunka?

Haatan, qofka isku arko diif iyo madax xanuun ma ahan in laga baaro Covid-19, sida ay qabto waaxda qaran ee adeegga caafimaadka UK.

Balse cilmi baarista la sameeyay waxay muujineysaa in dadka qaar ee laga helay cudurka lagu arkay calaamadahaas.

Xeerarka u yaalla Mareykanka waxay sheegayaan in dadka lagu arko calaamadaha soo socda laga heli karo cudurka Covid-19.

-Qandho

-Qufac

-Neefsashada oo qofka ku adkaato.

-Daal.

-Muruq xanuun ama jir xanuun

-Madax xanuun

-Urta iyo dhadhanka oo kaa tego

-Cune Xanuun

-Diif

-Lalabbo ama matag

-Shuban

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here