“Bukhaari qawlal ka xunbayntiisu maaha shaqo ilaalin ee waa dano gaara” Maxamed Sidiiq

0

Guddoomiyaha Gaadiidka Xamuulka ee loo yaqaan Towfiiq, ayaa saami lacageed laga siiyey lacagta caymiska ah ee laga qaadayo Gaadiidka alaabta ka soo qaada Dekedda Berbera, taas dhawaan kooto loogu xidhay Shirkad la yidhaahdo Amaaha.

Xoghayaha Arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme, ayaa warqad uu baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in ay tahay mid muujinaysa naasnuujimo, waxaanu ku yidhi qoraalkan
“Tuugo badheedha !
Dano dhaqaale iyo naasnuujimo aan sharci ahayn ayaa loogu xidhay kootada shirkadda Caymiska ee leexsan. Bukhaari qawlal ka xunbayntiisu maaha shaqo ilaalin ee waa dano gaara, yaan la aqbalin Shirkad tunka lagu sido oo ay wada riixayaan qasriga iyo qawlaysato koobani. dalka waa in loo sinnaadaa dhaqaalihiisa iyo dheeftiisa oo aan koox keliyi manafacaadsan Dawladnimada “Naaskii hashay gaar u nuugayaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here