Boqol Ugaas Oo Isku Beel Ah iyo Soo Dhawayntii Hal Ugaas! W/Q Cabdiraxmaan Cadami

0

Qabiilka Ciisuhu wuxuu ka mid yahay qabaa’ilka Soomaalida kuwa ugu tirada badan, xagga dhulka waxay degaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliland, sida Soomaalida kale inta badan noloshoodu waxay ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha nool; inkasta oo wakhtiyadan dambe la soo baranayo tabcashada beeruhu kuma badna dhulka Ciisaha.

130-kii sanadood ee u dambeeyay geyiga Soomaalidu degto waxa ka samaysmayay magaalooyin iyo dhaqan dhaqaale ka duwan kii reer Guuraaga. Tusaale ahaan bulshada miyigu waxay lahaayeen nidaam iyo xeerar u gaar ah oo ay isku maamulaan, arrimahaa waxay u lahaayeen xeer beegti u dhiganta maxkamadaha maanta, waxay maarayn jireen kiisaska, xurgufta iyo iska-horimaadyada jifooyinka ama beelaha.

Dhaqanka Soomaalida waa ceeb in la diido xukunka xeer beegtida fulinta go’aammada se waxa ka masuul ahaa cuqaasha iyo odayaasha reeraha. Doorka Suldaanku, Ugaasku ama Garaadku wuxuu ahaa ama lahaa guddoonka iyo in uu ku duceeyo wixii la isku raacay.

Intii aan la biyo dhicin salaadiinta Beelaha Somaliland kama ay badnayn 10 Suldaan, waxay ahaayeen rag haybad iyo karaamo leh oo bulshaduna xushmayso, waxay ahaayeen rag u qalma magaca, mansabka iyo taajka madaxa loo saaray, suldaanku wuxuu u taagna nabadda, midnimada iyo sharafta beeshiisa.

Si kastaba ha ahaatee magaalooyinka waaweyn waxa isugu yimid ama soo degay dad ka soo kala jeeda beelo iyo deegaanno kala duwan oo ku khasban in ay wada noolaadaan iyo in ay dhawraan xeer qoran oo ummadda oo dhan loogu talo galay.

Sidaa daraadeed waxa hoos u dhacay meeqaamkii iyo saamayntii madax dhaqameedku ku lahaan jireen bulshada. Isbedelka wakhtigu wato bulshada Somaliland waxa u dheera dagaallo, barakac iyo tacaddiyadii sanadihii sideetanaadkii iyo sagaashanaadkii; saban xumadii iyo duruufihii soo maray waxay wiiqeen ama dhaawaceen kala dambeyntii iyo qiyamkii (values) wanaagsana. Waayahaa adag waxyaabaha laga dhaxlay waxa ka mid ahaa in beeshii hal suldaan lahaan jirtay 20 suldaan yeelato maanta.

Haddaba waxa xusid mudan Beesha Ciise ee aynu soo sheegnay tiradooda iyo baaxadda dhulka ay degaan waxay leeyihiin hal ugaas oo kaliya. Runtii waa qabiil istaahila ammaan iyo in lagu bogaadiyo midnimada, kala dambeynta, is maqalka iyo ilaalinta dhaqankooda soo jireenka ah.

Qoraalkan waxa igu kallifay markii aan shaashadaha TV-yada ka daawaday raxan salaadiinta Somaliland ah oo isku beel qudha ka soo wada jeeda oo magaalada Wajaale ku soo dhawaynaya Ugaaska Beesha Ciise.

Xidhiidhiyihii hadallada Ugaaska lagu soo dhawaynayay si aan loola yaabin wuxuu ka xishooday in uu sheeg-sheego raggan hadlaya dhammaantood in ay yihiin salaadiintii Somaliland, waayo waxa imanaysa su’aal: sidee hal beel oo Beesha Ciise la gudboon 100 ugaas u yeelan karta?

Muwaadin rag talo kama dhammaato ee suldaan bararkan wax ma ka qaban karnaa mise waynu sii kordhina?

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here