Baarlamaanka UK: Maxay ka yiraahdeen aqoonsiga Somaliland?

0

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand.

Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga arrima badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.

Xildhiabanka ayaa intaa ku daray in xaqiiqada aan la iska indha tirin islamarkana aysan dowladda Britain ku qaadan muddo dheer oo kale in ay sugto aqoonsiga Somaaliland.”Runtii haddeynu nahay siyaasiyiinta golahan waxaan u baahannahay inaan arrintan hoggaamin ka muujinnaa, waxaan u baahannahay saaxibbadeen soomlailand inaan u muujinno inaan diyaar u nahay inaan difaacno sida ay iyaguba noo difaaceen, marka xitaa haddii aanu ka soo bixi karin dhammaan ballan-qaadyada caynkaas ah waxaanu jecelnahay in aanu niraahno, xataa haddii aynaan odhan karin Somaliland Ayaan imnkaba aqoonsaneynaa,waxaan u baahannahay inaan fadhiisanno oo aan ka tashanno sidii tallaabbooyinka xiga aan u sii ambaqaadi lahayn” ayuu yiri mr Gavin.

Xildhibaan Gavin Williamson oo doodan aqoonsiga So

XIGASHADA SAWIRKA,.

Qoraalka sawirka,Xildhibaan Gavin Williamson oo doodan aqoonsiga Somaliland geeyay baarlamaanka

Mr Gavin ayaa intaa ku daray in aysan habooneyn in dowoladda Uk ay sugto 30 sano oo kale islamarkana la joogi xilligii xaqiiqooyiinka la wajihi lahaa.

“Ma dooneyno inaan sugno 30 sano oo kale xaqiiqooyinka jira markaan eegno si loo helo Jiritaanka Somaliland madax-banaan, sababtoo ah ma aha oo keli ah inaan ka sugno qofka xafiiska arrimaha dibadda jooga, waa inaan xaqiiqooyinkaasi ka jawaabnaa, waxaan u baahannahay inaan hoggaaminno siyaasadaheenna arrimaha dibadda, waxaan u baahannahay saaxibbadeenna Somaliland inaan u muujinno inaan iyaga u guntannahay garabna aan u nahay”, ayuu intaa ku daray.

Xildhibaan Kerry McCarthy oo ka mid ahayd xildhiabanadii dooddaasi ka qeybgalay ayaa dhankeeda sheegtay in soomaaliland ay hormar badan sameysay islamarkana ay muujiyeen karti ay dal madaxbanaan ku dhisi karaan lana joogo xilligii dal madaxbanan loo aqoonsan lahaa.

“Waxaan arkayna sanadkii aanu soo dhaafnay Somaliland oo u dabaal dagaysa 30 sano guuradii ka soo wareegtay marki ay gooni isu taaga ku dhawaaqeen, waxay dhiseen dowladooda madaxa banaan , lacag u goni ah iyo qabashada doorasho dimuqraadiyad ku dhisan , waxay muujiyeen awoodda ay u leeyihiin in ay dal dhisaan, soo lama joogi xilligii dowladda UK ay aqoonsan lahayd xaqa ay u leyihiin in ay aayahooda ka tashadaan islamarkana la aqoonsan lahaa baahida ay u qabaan in ay noqdaan dal madax-banaan” ayay tiri Mrs Kerry.

Wasiiro dowlaha UK u qaabilsan Yurub oo dhanka dowladda u hadlayay islamarkana ku sugnaa aqalka baarlamaanka ayaa dhankiisa su’aalo laga waydiiyay mowqifka dowladda ee ku wahajhan soomaaliland.

Chris Heaton-Harris

XIGASHADA SAWIRKA,UK PARLIAMENT

Qoraalka sawirka,Chris Heaton-Harris

Chris Heaton-Harris ayaa sheegay in mowqifka UK uu yahay in ay dhiirigalinayaan in qaddiyadda Soomaaliland ay ka wadahadlaan madaxda Muqdisho iyo Hargeysa.”Mowqifka dowladda UK ay arrintan ka qabto wuxuu aha mid joogta ah waxna iskama badalin,waxaan muddo dheer dhiirragelineynay wadahadallad ay arrintan ka yeeshaan mas’uuliyiinta labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa xiriirka mustqbalka labada dhinac ka dhaxeyn karo, waana sidii wadeynaa inaan sidaa sameyn” ayu yiri Mr Harris.

Dhanka kale Vicky Ford oo ah Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dwoladda Ingiriiska ayaa iyaduna ka hadashay doodda Aqoonsiga Somaliland waxaa ayna sheegtay in mowqifka UK ee ku wajahan uu yahay mid cad islamarkana ay dowladda federaalka iyo Somaaliland ay u taallo in mustaqbalkooda ay ka arrinsadaan .

“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay ku tiri qoraalkeeda.

Madaxwaynaha jumhuuriyadda iskeeda ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland Muushe Biixi Cabdi ayaa dhankiisa uga mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson dooda uu geeyay aqalka baarlamaanka.

Qoraal uu Muuse Biixi soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi: “Waad ku mahadsan tahay Gavin Williamsonsida aad u hoggaamineyso doodda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa rajeynayaa inay ku dhageysan doonaan dowladdaada iyo xildhibaannada kale ee Baarlamaanka.

Somaliland ayaa 30 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aqysan helin aqoonsi caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here