Aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland Waxay Fursad u Tahay Washington

0

Aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland Waxay Fursad u Tahay Washington

Joshua Meservey oo ah falanqeeye ka tirsan machadka cilmi baadhista Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa dawladda Madaxweyne Joe Biden u soo jeediyey inay ku dhiirato aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah dalalka ugu dimuqraadisan uguna xasiloon mandaqada Geeska Afrika.

Joshua Meservey oo warbaahinta Qaranku ay soo xigatay wuxuu sheegay in aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu fursad istaraataji ah u noqon karo Maraynkanka, maadaama oo dalalka ku xeerani ay Shiinaha ku xidhan yihiin.

Khabiir Joshua Meservey wuxuu xusay in Maamulka Maraykanku ay sheegaan inay dimuqraadiyadda garab istaagayaan, hase ahaatee haddana ay luminayaan fursada ah inay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal ay ka go’an tahay dimuqraadiyaddu.

Waxa kaloo uu tilmaamay in bogcada muhiimka ah ee ay ku taallo ay keenayso aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama oo ay marsadda Berbera noqotay mid ka mid ah dekedaha ugu wanaagsan mandaqadaas.

Joshua Meservey wuxuu sheegay inay Somaliland oo aan wali la aqoonsani ay haddana ku tallaabsatay inay hannaan dawladnimo oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo xasiloonida, ciidammada, doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.

Source: Arabsiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here