Suurad, ducada uurka, Qur’aanka, markaad waqtiyada qaarkood aad dareentid in aanad riyo wacan arkin oo aanad ku riyoon, ama inaan salaadaada iyo ducadaada la aqbalayn, markaad dareentid ILLAAHEY in aanu kula hadlayn ama aanad dareemin dhadhanka iyo macaanka iyo cibaadada.
Markaad eegtid duruuftaada iyo dhibaatada ku haysata noloshaan ee aad ka fakartid, markaad aragtid in aad dadaalaysid oo tabceysid oo natiijadii aad filaysay aanad helayn.
Markaad aragtid oo aad dareentid arsaaqadii iyo ubadkii inay habsaameen, albaabadii inay xidhmeen, markaad marmarka qaarkood aad isla hadashid oo aad tidhaahdid “ILLAAHEY ducadeyda ma aqbalayo malaha ALLE ima jecla”!! markasta oo aad murugo aad dareentid waxaad xasuusataa SUURADD DUXA.