Afghanistan: Muxuu Sacuudigu uga aamusan yahay qabsashada Taliban?

0

Markii ururka Taliban uu la wareegay awoodda dalka Afghanistan, sanadkii 1996, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Pakistan, waxay ahaayen saddexdii dal ee ugu horeyay ee aqoonsaday Taliban.

Ka dib markii dhawaan uu ururka Taliban la wareegay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, wuxuu Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, sheegay “inay dhamaatay silsiladii adoonsiga”.

Dhanka kale, dalka Imaaraadka Carabta, ayaa magangalyo siiyay madaxweynaha Ashraf Ghani.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan madaxweyne Ghani iyo qoyskiisa, waliba qaab binu aadanimo.

Diblumaasiyiinta dowladda Sacuudiga ayaa iyaguna si bad qab ah ugu laabtay magaalada Riyaadh ee caasimadda wadankaas.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee dalka Sacuudiga, xukuumadda Riyaadha ayaa qaadatay go’aankaan lagu saleeyay xaaladda aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka Afghanistan. Sidaas oo ay tahayna Sacuudiga wuxuu iska indha tiray guud ahaan xaaladda isbedelka ka dhacay Afghanistan.

Toddobaad ka dib, oo xaaladda Afghanistan hadba waji horleh ay la soo baxayso, haddana Isniintii, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Shah Mehmood Qureshi, wuxuu qadka telefoonka wadahadal kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga.

Labada wasiir ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka Afghanistan, balse sida wararka ay sheegayaan islama aysan soo qaadin arrin la xiriirta Taliban.

Xaaladdan oo kale marka ay taagan tahay waxaa imaanaysa oo kugu soo degdegaysa, muxuu Sacuudiga oo sannadkii 1996, la safnaa Taliban, uu hadda uga gaabsaday?

Waxaa saldhig u ah xirirka Sacuudiga iyo Taliban diinta

Labada dal ee Sacuudiga iyo Imaaraadka waa dalal si weyn u muuqda marka laga hadlayo dalalka Suniyiinta ah ee caalamka. Sacuudigu wuxuu xiriir taarkhi ah la leeyahay dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

Sacuudigu wuxuu xiriir la lahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ururka Taliban balse xiriirkaas habacsanaan ayaa ku yimid markii dalka Qadar ay ka bilowdeen wadahadalladii u dhaxeyay Mareykanka iyo Taliban sanakii 2018-kii.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa rumeysan in daaha gadaashiisa uu Sacuudiga ka ciyaarayay doorkiisa wadahadallada.

Talmiz Axmed, wuxuu ahaa danjirihii dalka Hindiya u fadhiyay Sacuudiga wuxuuna yiri: “Xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay Sacuudiga iyo Taliban, 25-kii sano ee la soo dhaafay, waana kan maanta badbaadiyay”.

.

XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES

Wuxuu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya uu ku salaysanyahay Diinta.”Sacuudiga wuxuu mar walba u arkaa Taliban, dhaqdhaqaaq Islaami ah, oo ah arrinta uu ku taageero,” ayuu yiri Talmiz Axmed.

Sacuudiga ayaa tagi jiray Afghanistan, iyaguna way tagi jireen Sacuudiga oo xitaa Cumro ayay u aadi jireen, sida uu aaminsan yahay diblumaasigan.

Iiran oo u dhaxeeysa Sacuudiga iyo Taliban

10 -kii sano ee la soo dhaafay, saldhig istiraatiiji ah ayaa sidoo kale lagu daray saaxiibtinimada ka dhaxaysa Sacuudiga iyo Taliban, sababo diimeed dartood, taasina waa Iiraan.

Talmiz Axmed ayaa yiri: “Isu soo dhawaanshaha Taliban iyo Iiraan wuu kordhayay 10-kii sano ee la soo dhaafay”.

Iiraan ayaa sidoo kale bilowday caawinta Taliban ee dhanka dhaqaale iyo tababarada. Sacuudiga iyo Iiraan waxay kala taageerayeen dagaalladii sokeeye ee ka kala dhacay dalalka Yamen, Lubnaan iyo Suuriya.

Sacuudigu wuxuu isku dayay in Pakistan ay isku soo dhawaadaan. Balse ma dhicin. Waxaa Pakistan iyo Iiraan ka dhaxeeya xuduud cabirkeedu gaarayo 1400-kiilo mitir.

Dad ka soo kala jeeda labada dhinac ayaa ku nool halkaa. Dalka Pakistan boqolkiiba 20% shacbka waa shiico Muslimiin ah.

Waxyaabahaas oo dhan waa sababta ay Pakistan u qaadi karin tallaabo ka soo horjeedda Iiraan. Sidaas darteed Sacuudiga qudhiisa wuxuu markaa bilaabay in ay isu dhawaadaan Taliban.

.

Sida laga soo xigtay Machadka Caalamiga ah ee Cilmi -baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), miisaaniyadda militari ee Sucuudiga, sannadkii 2020, wuxuu ahaa $5700 milyan, taas oo ahayd 2.9 boqolkiiba dhammaan miisaaniyadda militariga adduunka.

Mid ka mid ah sababaha uu Sacuudigu lacag badan u bixiyo waa cadaawadda uu u qabo Iraan.

Talmiz Axmed ayaa ku andacoonaya in saaxiibtinimada Sacuudiga iyo Taliban ay siyaadday 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Dhinacyadaan ayaa wali ah kuwo isku dhow, balse arrinta meesha taalla waa in aysan wali meel fagaare ah ka sheegin waxa ka dhaxeeya. Talmiz wuxuu aaminsan yahay in Mareykanka uu ka dambeeyo arrintaas.

Dhanka Mareykanka ee Saaxiibtinimada Sacuudiga iyo Taliban

Aqoonyahan AK Pasha, oo ka tirsan xaruunta daraasaadka galbeedka Asiya ee jaamacadda Jawaharlal Nehru, ayaa ku raacay Talmiz Axmed fikirkiisa aan kor ku soo xusnay ee la xiriira xiriirka Taliban iyo Sacuudiga ka dhaxeeya.

Waraysi ay BBC-du la yeelatay ayuu ku sheegay in marka laga eego dhanka Mareykanka ay aamusanaanta Sacuudiga ee arrinta Taliban ay muhiim tahay.

“Sannadkii 1979-kii, Midowga Soofiyeeti wuxuu galay dalka Afghanistan isaga oo halkaa ku diyaariyay ciidamadii Mujaahidiinta. Dowladaha Sacuudiga iyo Pakistan ayaa xiligaas Mareykanka ku taageeray diyaarimnta Ciidamadaas.

Sacuudi Carabiya waxay ku caawisay Mareykanka lacagtii tababarka. Usaama ayaa qayb ka ahaa ciidankaas oo ahaa dagaalyahanno Sunni ah, oo uu ku jiray bin Laden, oo markii dambe noqday madaxa Al-qaacida.

Markii dambe, ciidankii la tababaray waxay 1996 ilaa 2001 xukumayeen Afghanistan, waxayna adduunka ku faafiyeen fikirka argagixisanimada.

Weerarkii 9/11

Waxaa kaloo uu sharraxay in xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudi uu xumaaday ka dib weerarkii bishii Sebtember 11, sannadkii 2001-dii, oo ay ku dhinteen saddex kun oo qof. 19-kii qof ee afduubtay diyaaradda, 15 ka mid ah waxay ka soo jeedeen Sacuudiga.

Intaas ka dib, waxaa xumaaday sawiirkii dunida ka haysatay dalka Sacuudiga.

Bishii Sebtembar 2016, Koongareeska Mareykanka ayaa meelmariyay sharci u oggolaanaya muwaadiniinta Mareykanka inay dacwad ku soo oogaan Sacuudi Carabiya iyadoo lagu dacweynayo ku lug lahaanshaha weeraradii 11-kii September.

Aqalka Cad iyo Sacuudiga ayaa aad isugu dayey in ay joojiyaan hindise sharciyeedkaas, laakiin way ku guuldareysteen. Xukuumadda Sacuudiga ayaa xitaa sheegtay in haddii hindise sharciyeedkaas la meel mariyo, uu soo afjari doono maalgashigii uu ku samayn jiray Mareykanka.

.

XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES

Maxaa isku khasbaya Mareykanka iyo Sacuudiga?

Waxaa sidoo kale taagan in uusan jirin dal si rasmi ah u aqoonsaday taliska Taliban ee hadda.

Hadallada ka soo baxay Shiinaha iyo Pakistan ayaana la dhihi karaa waxay dhiirri-gelin u yihiin Taliban, laakiin dhammaan dalalka adduunka ayaa eegaya dhinaca dhismaha xukuumadda ay Taliban qorshaynayso in ay dhisto.

Talmiz Axmed wuxuu sheegayaa: “Xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka wuxuu ka fiicnaa xilligii Donald Trump, marka loo eego maanta. Balse maamulka Biden xiriirkiisa wuxuu noqday mid aan sidaa u xooganaynin”.

Wuxuu aaminsanyahay in go’aamada Biden ayba sabab u yihiin waxa dhacaya hadda. Talmiz Axmed ayaa ku tilmaamay aamusnaanta Sacuudi Carabiya inay tahay mid istiraatiji ah.

Dhab ahaantii, arrimaha si xawli ah ayay isu beddelayaan gudaha Afghanistan. Dhinaca kale, Talibanka ayaa Mareykanka uga digay inuu u tixgeliyo 31-ka Ogosto in ay tahay wakhtiga loo qabtay daad-gureynta dadkeeda in lagu soo afjaro.

Haddii kale waxay sheegtay in ay u diyaar garowday cawaaqib xumada ka dhalan karta dib u dhac ku yimaada wixii lagu balamay.

Dhinaca kale, Dooxada Panjshir ee Afghanistan oo ay ka sameysantay koox ka soo horjeeda Taliban, ayaa iyaguna noqday kuwo aan hadal badnayn.

Waxaa hadda laga war dhowrayo in xukuumadda cusub ee Taliban lagu dhawaaqo iyo sida ay u shaqeyso.

Khubarad waxay sheegayaan in Sacuudiga uusan doonaynin inuu ka hordhaco dhismaha Xukuumadaas. Sidaa darteed sheekada waxay u ekaanaysaa oraah inta badan Soomaalidu ay adeegsato oo ah bal aan sugno dhaankii maqnaa wuxuu soo dheelmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here