Afarta Qeybood Ee U Kala Baxo Cayilku Ama Buurnidu

0
Un hombre obeso de camisa azul de espaldas

Daraasad dhawaan la sameeyey ayaa sheegaysa in cayilku u uu qaybsamo afar qaybood, waaxana daraasaddan bahda Mayo Clinic, waxaana hor kacayey cilmi baadhe u dhashay dalka Ecuador oo lagu magacaabo Andres ACosta.

“Waxaa jira macluumaad badan oo khaldan oo ku saabsan waxa la samayn karo si miisaanka loo lumiyo,” Andrés Acosta, oo ah khabiir caafimaad ayaa BBC-da u sheegay.

Taasina, sida uu khabiirku sheegay, waxay si weyn uga qayb qaadanaysaa xaqiiqda ah in buurnidadu ay noqotay masiibo daba-dheeraatay, taas oo sannad ka ka danbeeya dadka ay sii haleelaysaa ay si kordhayaan.

Daawayn kasta oo miisaan dhimis ah waa inay lahaataa walxahan aasaasiga ah, qorshe cunto, qorshe jimicsi iyo qorshe lagu beddelayo caadooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan dadka u baahani si isku mid ah uma helaan daaweyntan daawayntan natiijaduna aad bay u kala duwan yihiin.

Doctor Andrés Acosta, bariatra y gastroenterólogo de la Clínia Mayo

XIGASHADA SAWIRKA,MAYO CLINIC

Qoraalka sawirka,Andrés Acosta

Taasi waa ta keentay in Acosta iyo kooxdiisu ay baadhaan waxa ay yihiin sifooyinka gaarka ah ee shakhsiyaadka u horseedaya inay la kulmaan ku kala duwanaadaan nooca cayilka.

Waxay aqoonsadeen afar nooc oo cayilka ah, iyagoo taas ku salaynaya, waxay sameeyeen daraasado aan kala sooc lahayn muddo lix sano ah si loo ogaado daawaynta mid kastaa si fiican uga jawaabto.

1: Maskax baahan

Dadka buuran ee aan dareemin dheregsanaanta ayaa ka mid ah tan. Waxay sii wadaan inay cunto uun cunaan, iyaga oo aan dareemin in ay dhergeen.

Taas awgeed, waxay cunaan cunto kala duwan oo badan waqti cunto oo kasta.

Maskaxda iyo habka dheefshiidka ayaa isku xiran, waxaana mid kasta ka kala u diraa farriin.

Laakiin marka laga hadlayo shakhsiyaadkan, “Waxay u egtahay in aan farriimahaa jidhkoodu isu gudbin” Acosta ayaa tilmaamaya sidaas.

Una mujer busca comida dentro de una nevera

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

2: Gaajo aan dhammaan

Waxaa jira kuwo kale gaajo dib u dareema hal ama laba saacadood gudahooda, kolkii ay wax cuneen, waa nooc ku dhaw kan hore asee ka duwan.

Arrintan ayaa la xidhiidhaa dhanka farriiin isu gudbinta jidhka, mindhicirka oo ay ahayd in uu maksaxda ogaysiiyo in qofkani “wax cunay, una baahan yahay wakhti uu ku dheefshiido cuntada oo uu ku dareemo dhereg.”

Laakiin xaaladdan haddii mindhicirku si fiican u shaqayn waayo, calaamadahani way lumaan oo dareenka gaajada ayaa si dhakhso ah u soo noqda.

Dadka ay saamaysay waxay u badan tahay inay wax cunaan inta u dhaxaysa xilliyadii cuntada, dhawr jeer maalintii.

3. Baahida ay keentu xaalka aad ku sugan tahay

Hombre obeso cansado

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kuwa ayaa jira wax u cuna si ay ula tacaalaan xaaladaha shucuureed ama dareen ee ay ku sugan yihiin, labadaba farxad iyo murugo iyo xataa wakhtiyada ay isku buuqsan yihiin.

“Markaad leedahay maalin wanaagsan waxay iibsan doonaan Dunkin ‘Donuts (silsilad Maraykan ah oo nacnac ah oo loo yaqaan donut ama donut) iyo marka ay maalin xun leeyihiin …isla nacnacii ay cunayaan” khabiirka ayaa sidaa ku sharraxay xaaladdooda

4 Habdhiskooda dheefshiid oo aan shaqaynayn

Inta badan dadka ii yimaada inay i arkaan waxa ay ka tirsan yihiin kooxdan,” ayuu yidhi dhakhtarka caloosha ah oo BBC-da la hadlay

“‘Dhakhtar, dheef-shiidkaygu ma shaqeynayo,’ ayay ii sheegaan, dhab ahaanna, waxay leeyihiin dheef-shiid aan waxtar lahayn.”

Waa nooc ka mid ah bukaannada aan gubin kaloriyada u dhiganta miisaankooda, dhererkooda, da’dooda iyo jinsiga.

Cilmi baaris ay sameeyeen kooxda Mayo Clinic, tani waxay ahayd ta ugu yar ee dadku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here