12 sanno oo Kulmiye ka arriminayey Somaliland maxaa lagu xasuustaa.?

0

12 sanno oo Kulmiye ka arriminayey Somaliland maxaa lagu xasuustaa.?

Maanta oo kale 27 July, 2010-kii ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo ku guuleystay doorashadii June 2010-kii uu xilka kala wareegay Daahir Rayaale Kaahin, oo ahaa Madaxweynihii u horreeyey ee doorasho toos ah lagu doorto.

Haddaba, maxaa lagu xasuustaa Kulmiye 12 sanno oo uu ka arrimanayey Somaliland.

1. Waxa uu lagu xasuusan doonaa inuu Wax weyn ka beddelay Dhismayaashii xarumaha dawladda oo ay u horreysay Xarunta Madaxtooyada oo marka loo eego sidii ay ahayd 12 sanno ka hor.

2. Waxa uu kordhiyey Shaqaalaha dawladda, isla markaana uu ka dhigay meel dhalinyaradu ku hamiyaan in ay ka shaqeeyaan, inkasta oo In ka badan 20 kun in ka badan uu shaqaalaysiiyey, inkasta oo intooda badan aanay jirin tartan daahfuran oo loo galay.

3. Ciidamada kala duwan ayaa helay derajooyin.

4. Kala qaybsanaanta bulshada iyo qabyaaladda ayaa kor ka day.

5. Laba madaxweyne oo muddadaas talada is kaga dambeeyey waxa ay labaduba ku guuldaraysteen in ay wakhtigooda ku qabtaan doorashooyinkoodii Madaxtooyada.

6. 12 sanno waxa Somaliland ka dilaacay jabhado hubaysan oo weeraro ka geystay guddaha Somaliland.

7. Xadhiga Weriyeyaasha, dadka loo xidho aragtidooda iyo xarumaha warbaahinta, ayaa si weyn u kordhay muddadan.

8. Siyaasadda arrimaha dibedda ayaa horumar laga sameeyey, iyada oo lagu guuleystay in dawladdo dhawr ahi xafiisyo ka samaysteen Somaliland macaamil toos ahna la sameeyeen iyo qaddiyada oo gaadhay Xarumaha Baarlamaannada Mareykanka iyo Ingiriiska.

9. Miisaaniyadda oo la kordhiyey, balse aan wax saameyn ah amma horumar ah ku soo kordhin noloshada bulshada Somaliland.

10. Waxa lagu xasuusan doonaa mashaariic waaweyn oo ay fuliyeen oo ay ka mid tahay Dhismaha Jidka Ceerigaabo, casriyeynta Dekedda Berbera, Garoonka diyaaraddaha ee Berbera, Dhismaha Dekedda Maydh, mashruuca shaqo qaran.

11. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo muddadaas weli ah Guddoomiyaha iyo kuxigeenka Kulmiye.

12. Kulmiye oo faro madhan ka jooga Aqlabiyadii Golaha Wakiillada, Shirguddoonkii, Maayaradii Magaalooyinka waa weyn.

Adigu maxaad ku xasuustaa?

Waxa Qorey :- Saleban Saxansaxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here