𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗞𝗮𝗹𝗮 𝗛𝗮𝘆𝘀𝘁𝗮 𝗠𝘂𝗰𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗵𝗮𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗗𝗼𝗼𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗜𝘆𝗼 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱?

0

 

Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani waxa ay ku hanjabeen in ay qaban doonaan dibadbax dimuqraadiyad doon ah.

Xukuumadda ayaa iyana ku goodiday in hadalkaasi uu yahay mid geed sare waab ah, dalkana aanu ka dhici doonin wax mudaharaad ahi.

 

Ma muuqato wax isu soo dhawaansho ah iyo ergo dhex gashay labada dhinac oo kulankoodii ugu dambeeyay dhawaan ku kala kacay.

Waxa la isku haystaa oo ay mucaaradku doonayaan in doorashada soo socota ay noqoto tii madaxtooyadda, tan ururada xaga dambe la mariyo.

Xukuumada oo ay Markan la safan yihiin ururada siyaasadu waxa ay iyana leeyihiin doorashada soo socotaa waa tii ururada, qoloda ku soo baxda ee ku guulaysta doorashadaasi noqotana saddexda Xisbi ayaana ka qayb geli doona doorashada Madaxtooyadda.

 

Midhkan ayaan u cuntamin Xisbiyadda hada jira ee Waddani iyo UCID, xukuumaddana waxaa ku adkaatay in ay fahansiiso labadaasi xisbi damaceeda.

Dhinaca kale waxa iyana dhawaan si lama filaan ah isu casilay Guddigii hore ee doorashooyinka, hasayeeshee bedelkoodii oo la soo magacaabay waxa ay Golaha Wakiiladu different saddex ka mid ah, halka ay ansixiyeen afar xubnood.

Sharciyaqaanada qaarkood oo tafsiir ka bixiyay ayaa sheegay in saddexda xubnood ee ka maqan guddiga doorashooyinku ay tahay caqabad, shaqaduna ay u dhutinayso.

Geesta kale Somaliland doorkan oo uu khilaaf adagi taagan yahay waxa aan la arag beeshii caalamka ee marka ay xaajo adkaato soo dhex geli jiray, marka laga reebo dawlado iyaguna soo jeediyay in la dhameeyo khilaafka jira.

Markaa u yaa u gar qaada Mucaaradka Doorashada Madaxtooyadda Doonaya iyo Xukuumadda Doonaysa in la galo doorashada ururada Siyaasada?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here