𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗕𝗶𝗶𝘅𝗶 𝗢𝗼 𝗕𝗲𝗿𝗿𝗶 𝗟𝗮 𝗞𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆𝗮 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗮

0

𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗕𝗶𝗶𝘅𝗶 𝗢𝗼 𝗕𝗲𝗿𝗿𝗶 𝗟𝗮 𝗞𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆𝗮 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗮

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu maalinta Berri ah kulan la qaato Madaxda ururada Siyaasada, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan xaaladda Siyaasadeed uu dalku galay.

 

Kulankan oo ka soo hormaraya midka ay madaxweynaha iyo xisbiyadu u balansan yihiin ayaan si toos ah loo garayn wax ay iskula meel dhigi doonaan ururada iyo madaxweynuhu.

 

Ururada Siyaasada ayaa marar badan codsaday in laga qayb geliyo kulamada siyaasiga ah ee lagaga arrisanayo masiirka dalka.

 

Xukuumadda iyo ururada Siyaasada ee lagu dhawaaqay ayaa In dhaweyd isku aragti ku ahaa in ay furan yihiin ururadu, UCID iyo Waddani ay iyana ku adkaysanayaan in doorashada madaxtooyaddu soo horeyso.

 

Xigasho: Sagalnews.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here