𝗚𝗮𝗯𝗮𝗱𝗵 𝗥𝗼𝗺𝗮𝗻𝗶𝗮 𝗨 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗢𝗼 𝗕𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗡𝗶𝗻 𝗥𝗲𝗲𝗿 𝗚𝗮𝗯𝗶𝗹𝗲𝘆 𝗔𝗵 𝗢𝗼 𝗔𝘆 𝗖𝗮𝗿𝘂𝘂𝗿 𝘂 𝗗𝗵𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆

0

𝗚𝗮𝗯𝗮𝗱𝗵 𝗥𝗼𝗺𝗮𝗻𝗶𝗮 𝗨 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗢𝗼 𝗕𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗡𝗶𝗻 𝗥𝗲𝗲𝗿 𝗚𝗮𝗯𝗶𝗹𝗲𝘆 𝗔𝗵 𝗢𝗼 𝗔𝘆 𝗖𝗮𝗿𝘂𝘂𝗿 𝘂 𝗗𝗵𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆

INAY Muslim Noqoto Waxaa Sabab u ahaa (Niinkeyda Oo Somali ah )

Mid kamid ah Xaafadaha Caasimada Romaniya Ee Bucharest. Waxaan Si kadis ah Ku aragnay Mamo Romaniyan ah Afka Somaliga Ah ku hadasha
Magaceedi Islaamka kadib Loo bixiyay waa Halimo Sacdiyo,
Dhalasho ahaan waxey Kasoo jeedaa Romainia, Balse Waxey caruur u Dhashay nin Somali ah Caruurteeduna Waa (Xareed & Mohamed ) Ninkeedii Hore Wuu Dhintay, Iyo Mid kamid Wiilasheeda…

Waayaheedi Nolasha Mar Ee Iga Shekeeneysay Waxey tidhi, “Waxaan guursaday 2Nin oo Somali ah Midka Koowaad Ee Aan Caruurta Udhalay Wuxuu Kasoo jeeday Somaliland waxaanu ahaa (ISAAQ ~SACAD MUUSE ~ Jibriil Abokor Reer XAREED ) waxaana la odhan jiray
Sheekh Barkhad Cawaale waana Qofkii Sababta U ahaa in aan Diinta islaamka soo galo (alle ha unaxariisto) Waxey iisheegtay In Reerkaas Jeclaan lahayd In Maalin uun lakulanto….
Tiro 6 jeer Baa Somalia Tagay Waqtigii Barisamaadka ayay Hadalkeedi Sii raacisay..

“Ninka labaad Ee aan Guursaday Wuxuu Kasoo Jeeday BALADWAYENE (XAWAADLE ~Cabdlla Salaymaan) Hada Mawada Xiriirno Oo xidhiidhkayaguna Mar hore ayuu go’ay Wuxuu kunoolyahay Germany” ayay tidhi

75% Luqada Somaliga Iigu sheekeyneesay Mar marne Heeso qaaraami ah ayay cod Yar ku qaadeesay Waliba lahjada Reer Waqooyiga /

Wareeysi Muuqaal ah Aan rabnay inaa Ka Qaadno aniga Iyo ( Geedi Sahan – Somali Traveler ) Nooma Suura galin…wax Taleefan ah iyo adress ah inooma reebin Oo taleefanba maba Wadato…

Anagane Waxaan Leenahay “Shiekh Barqad Cawaalle” Alle Haku Naxariisto Qofkii Reerkaas Yaqaanane Sheekadan Hala wadaago Inshallh ❤️❤️

  • ✍️Mohamud Hassan Qasaaye
    📸Geedi Sahan – Somali Traveler

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here